header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Sayid Ahmed (Ahmed Jama)
Socdaalkii Dheeraa
Geeddigii koowaad iyo Guuleed
n.a., Stockholm, 2005
ISBN: n.a. -

Buuggan la magacbaxay "Socdaalkii dheeraa" waa buug xanbaarsan dhacdooyin dhab ah. Sannadkii 1988-kii ayuu dagaal ka bilaabmay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Dagaalkaasi wuxuu si naxariis darro ah u dhex maray ciidamadii SNM iyo ciidankii daacadda u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo ilaa 1969-kii ka talinayey Jamhuuriyaddaii xilligaa la odhan jiray "Jamhuuriyadda Dimoqradiga Somaliya".

Hadaba buuggani wuxuu salka ku ahayaa dhacdooyinkaas soo maray dadkii deggenaa deegaanadii dagaaladu saameeyeen. Guuleed oo ahaa xilligaa nin dhallinyaro ah oo dhammaystay dugsigii sare, deggnaana magaalada xeebta ku taalla ee Berbera, wuxuu lasoo kulmay dhibaato farabadan. Guuleed iyo saaxiibadii waxay ka soo baxsadeen markii ay u adkaysan kari waayeen dhibaatadii iyo caga-juglayntii ay ku hayeen ciidankii loo yaqaanay "Faqashta" oo daacad u ahaa keligii taliye Maxamed Siyaad Barre. Socdaalkaasi wuxuu ku qaatay Guuleed muddo ku dhow saddex sannadood.


Sayid Ahmed (oo loo yaqaan Ahmed Jama "Sayid", laguna naanayso "Dhegay") waxaa lagala xidhiidhi karaa gacanlibaax2001@yahoo.se

Qaabka xidhiidhka sheekada waxa allifay qoraaga. Waase sheeko salka ku haysa dhacdooyin run ah. Buuggani wuxuu ku xasuusinayaa qaabkii nololeed ee magaalada Berbera loo noolaa markii dagaalku ka bilaabmay magaalada Burco 27-05-88. waxaad kaloo ka dheehan kartaa deegaankii uu soo maray Guuleed iyo noloshii taallay. Qaxootigii Dulcad oo uu Guuleed muddo degganaa ayaad sawir guud ka helaysaa. Dagaaladii foodda lays daray iyo sida dhegta dhiigga laysu daray ayaad ka halacsanaysaa buuggan.

Buuggan waxa qoray Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey. Waa qoraagii qoray buuggii lamagacbaxay: Somaliland: xorriyaddii lixdankii iyo xilligii ka horreeyey.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2011-08-15 07:30:46
    mukhtaar - mukhtaar0@hotmail.com
    sxb horta waad salaamantihiin salaan kadib waa ceeb inaad dad tiraahdaan faqash ilaahay ka cabso oo ilaahay u noqo dadku waa walaalo dawlad khayr qabtana aan ilaahay ka barino ee maaha in layiraahdo waa dawladii faqashta ceeb shame your self please
  2. Akhriste - 2011-04-19 15:28:03
    Ahmednasir - togwajaale1@hotmail.com
    buugaag aad u xiiso badan oo aan aad u jeclaystay ayaa ku jirta ee sideen ula dagi karaa wad mahadsantihiin
  3. Akhriste - 2009-04-09 07:32:22
    cabdi baasid aadan cabdi - europeansystem@hotamail.com
    waxa aan rabaa in aan halkan ka sheego in buugtan oo kale aan jeclaan lahaa in somaliland lagu soo badiyo waayo faa iido waxa uu u leeyahay arday kasete iyo qof kaste oo cilmi doon ah in ay ka caawin doonto meelo kale
  4. Akhriste - 2009-03-22 01:20:00
    Ahmed - staff571@hotmail.com
    marka hore waan idin salaamayaa dhamaan dadkii qoray boogan Afsomaliga ah waanad ku mahad santiin xagee ku qoray yaha adventage of book in waxanan idin leeyahay halkaa ka sii wada walala yaal,my email si staff571@hotmail.com phone+002522
  5. Akhriste - 2008-10-21 09:42:32
    aadan f cige - aadan_afc@hotmail.com
    waaa buug ah buugta loo baahanyaay ee taariikhda iyo xusuusta ah iyo ina la ilaaliyo ayaamaha la soo maro markaa waxaan leeyahay qoraag waxad u qabatay bahda ku hadasha afka somaliga qayb ay u baahyeen waxanan ku leeyay taariikhdu duug ma leh
  6. Akhriste - 2008-01-07 14:51:15
    Saeednasir - timocadee@yahoo.co.uk
    Runtii aad baan u jecleystay inaan buugan akhristo iyo kuwa kale ee qoraaga Sayid uu qoray
  7. Akhriste - 2006-09-03 13:44:28
    xasan c/laahi cali - xasanbiitir@hotmail.com
    marka hore salaan qaali ah sayida axmed walaalo koley buuga wax hore akhrin ah kama hayo lakiin hatta ayaan jeceley in aan akhriyo markaasi waxaan rabaa halka laga hello london ama uk si aan kula soo xidhiidho ama tellefoonka qofka lagal soo xidhiidhi karo ee jooga londom. qoraaga waad mahad
  8. Akhriste - 2006-07-18 20:08:00
    A mohamed - abusalma@hotmail.com
    waxay ila tahay inay ka mudnaan lahayd in firxadkii qurbaha lagu yimid, iyo dhibta lagala kulmay laga qoro tan oo kale.
  9. Akhriste - 2006-04-25 19:30:44
    wiil somali - daaweeye@hotmail.com
    abwanka waxaan ka codsanaya in uu i hadiyeeyo buugaan si aan uuga faa iidaysto
  10. Akhriste - 2006-03-27 00:01:33
    cabduqaadir xuseen rooble - indhadiir7@hotmail.com
    waxaan aad uga helay buugaagta ay qoreen qoraayaasha soomaalia ee ka sheekeynaya sooyaalka taariikheed fadlan halaygu caawiyo
  11. Akhriste - 2006-03-08 02:52:59
    khadar - khadar_jk@hotmail.com
    waa buug caajiba
  12. Akhriste - 2006-01-31 00:23:18
    faarah yuusuf jaamac - garaad_faarah@hotmail.com
    Salaan Qaaliya kadib walaal waxaan idinka Codsanayaa inaad iga caawisaan micnaha buugan Socdaalkii dheeraa ee uu Qoray Axmed Guuleed waad mahad san tihiin saaxiibayaal
  13. Akhriste - 2005-12-22 01:44:55
    maxamed - jaais143@hotmail.com
    aniga oo akhriyay buugan waxaan doonayaa inaan sidii aan uga faa idays day ay dadka uga faadiday
  14. Akhriste - 2005-11-09 08:24:54
    mowliid - mshide26@hotmail.com
    salaan kaddib fadlan cidda buugaagta iibkooda ka masuulka ahi si dagdag ah haylasoo xidhiidho waayo waxaan aad iyo aad ugu baahanahay inaan buugaag afsoomali laga barto helo si aan secondary school ugu dhigo markaa lacagtiina waa diyaar ee fadlan e-mailkan igalasoo xidhiidha: mshide26@hotmail.com thanks.
  15. Akhriste - 2005-11-05 08:41:28
    maxamed - bile06@hotmasil.com
    waxaan doonayaa taariikhda somalilad
  16. Akhriste - 2005-10-14 11:08:11
    nimcaan - libaax2005@hotmail.co.uk
    walalyaal waxaan idiinka faaloonayaa dhalin yarada ku nool dalkan oo aad dhaqankoodu u baaba'ay maxaad ka odhan lahaydeen
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 141 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com