header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Maxamed Baashe X. Xasan
GURI WAA HAWEEN
Bashe Publications, London, 2006
ISBN: 0-9547674-1-1 -

Qoraaga ayaa yidhi
Guri Waa Haween wax buu ku biirin karayaa oo kuma qadi doono, kumana hungoobi doono ruux kasta oo xiiseeya hiddaha iyo dhaqanka soomaalidu, gaar ahaan waxa uu xog iyo aqoon kobocsan ku kordhinayaa hooyooyinka casrigan ee magaalo galeenka ah, dhallinyarada rag iyo dumarba, gaar ahaan kuwooda qurba-joogga ah ee ku indha dillaacsanaya hiddaha iyo dhaqammada kale. Qof walba oo soomaali ah waxa uu buuggu dib u milicsiinayaa, una xusuusinayaa waaya-waayo iyo beri hore halkii ay godolba soo joogtey, waana 'xoorkii laga dhamay xagaagiyo xusuus baa geela lagu xer geeyaa''. Dadka shisheeyaha ah ee xiiseeya ama dersa hiddaha iyo dhaqanka soomaalida waxa uu iyana buuggu ku hubaynayaa aqoon iyo xog aasaasi ah. Dhinaca kalena buuggu waa dawan iyo caroog hurdada ka kicinaya oo baraarujinaya dadka soomaalida, kuna boorrinaya in ay jiifka ka hinqadaan oo dib u soo nooleeyaan dhaqanka iyo aqoonta hiddahooda habaasku fuulay, boodhkana ka jafaan oo ku dhaataan, horena u mariyaan, halkaasna uga sii gudbaan xidhiidhka adduunka kale iyo wixii laga korodhsanayo ama laga soo ammaanaysanayo.


Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu dayrtii 1963kii ku dhashay Maygaagle oo ku yaalla duleedka Sac-ma-deeqo oo ka tirsan Degmada Buuhoodle. Tacliinta dugsiga sarena waxa uu Maxamed Baashe ku qaatay Dugsiyada Sare ee Faarax Oomaar iyo Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa sannadihii 1978 - 1982kii.
Bishii March sannadkii 1983kii waxa uu qoraagu ka mid ahaa dhallinyaradii u tallowday ee ku biirtay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Bishii August 1983kii waxa uu ka mid noqday hawl-wadeennadii Idaacaddii Halgan oo ku hadli jirtey afka xoogaggii mucaaridka soomaalida ee saldhiggeedu ahaa magaalada Addis-Ababa.


Bishii August 1987kii waxa uu qoraagu deeq waxbarasho ugu kicitimay waddankii loo yaqaanney Czechoslovakia, waxanu magaalada Prague ee The Czech Republic ka bilaabay jaamacadda The Charles University, kulliyaddeeda saxaafadda lagu barto, halkaasoo uu ka gaadhay Digriiga Master of Journalism and Mass Communication isla Jaamacaddaas The Charles University.
Mohamed Bashe waxa uu ku nool yahay Cariga Ingiriiska. Waan akhriyey buuggan Guri Waa Haween. Buug ka weyn; waa abwaan yare (short encylopedia), waayo xilligan dad aan tiro badnayn baa dhaqanka reer guuraaga soomaalida yaqaan; in ka sii yarna waxa ay la socdaan saamaynta nolosha magaaladu ku yeelatay nolosha reer guuraaga ee soomaalidu ku dhisan tahay. Dhinac buugggu wuxuu abuurayaa ogaansho deegaaneed (environmental awareness); dhinacna wuxuu boorka ka jafayaa ilaha af soomaaligu ka soo butaaco oo ah nolosha miyiga, noloshaas oo murti-nololeed oo badan aan weli lagala soo dhex bixin.
Liibaan Cabdikariim Axmad, Qoraa, Cilmi-baadhe Afka iyo Dhaqanka Soomaalida Manchester, UK

The life of people in the countryside is based on the contribution and ability of each person in the community: men, women and children. In this book Maxamed Baashe shows us the role of women in the society and in particular the poetry and songs they compose and perform. This is the first book to look specifically at this and is an important contribution to Somali cultural studies.
Dr. Martin Orwin, Lecturer in Somali and Amharic Languages, Somali Culture and Language Researcher at the School of Oriental and African Studies (Soas), London, UK

Muddo dheer ayuu taagnaa eber qiraalka uu labka soomaaliyeed u hayo doorka haweenku ku leeyahay dhiska noloshoodu. Dharaarta la arko ee labka soomaaliyeed qiro; ee si aan hagar lahayn uu isula soo mutuxo kaalinta haweenku leeyahay, "Guri Waa Haween" waxa maalintaas loo aqoonsan doonaa irriddii ugu horraysey ee qiraalkaas laga soo galay. Waa buug aan ku tilmaami karo dhagixii loogu baaqay ninkii la wareegayey lafta uu dhuuxeeda hungurigu ka galay; wuxuu ku jabsadana waayey ee uu ku baxay hal hayska ah "Laflow waa dhagax". Hadal iyo murti qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan wuxuu ina yidhi "Labkow Guri Waa Haween".
Cabdillaahi Cawed Cige, Qoraa ku xeel dheer Afka iyo Dhaqanka Soomaalida, Liverpool, UK

'Guri Waa Haween' waa hanti maguuraan ah oo u baahan in aqal kasta la dhigo. Waa hage u daadihinaya jiilasha soo koraya nolol caddaalad ka simaysa kaalinta suugaanta dumarka iyo ta raggu ay kaga jiraan aasaaska bulshadeenna. Waa buug u qalma in lagu daro manhajka waxbarashada ee dugsiyadeenna.
Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Qoraa, Bare sare iyo Cilmi-baadhe Jaamacadeed, Pisa, Italy


Faalada martida

  1. Akhriste - 2008-03-03 02:21:33
    Luul cabdi - luul788@hotmail.com
    marka hore waxaan umahad celinaya mxm baashe oo book gaan qorey allah mahadle, taaniyaan ruunti book gaani waa miid aad mihiim u ah adna nosodhaweyanya hadaan nahaay habla somaliyeed oo runti kalin mihiima kaga jiraa qooska lakiin ad moodo in an inta badaan latilmamin, waxaakalo bookgani kor u qadayaa afka somaliga oo amoodo wayadaan in la ilaawey waxaan fekar keeyga ku so gaba gaba gabeeynaya waa in an isutaagno soona dhaweeyno figrada mr Baahe thanks
  2. Akhriste - 2008-02-22 09:52:37
    Mohamed Sulieman Omer - halabuur/balicalanle02@hotmail.com
    Waa halkii Hadraawiye; Eedi hayga hadhee Waan afeefanayaa. Run ahaan si mug leh ugama bogan bugga, waxaan ahayn in yar oo guud-mar ah. Qalinka Mohamed Baashe kuma cusba dhaayahayga. Hore ayaan u dhadhansaday Diiwaan-maanseedkii qarniga ee Hal-ka-haleel. Runtii waxaan filayaa in la qoray goortii ugu habboonayd, lagana qoray ciddii ugu habbooonayd. Waa Hadraawi, oo in muddo ahba hoggaanka u hayay Hal-abuurka Soomaaliga. Hoos haddaan u daadego, aan ku yara nasto mawduuca maanta i hor yaallaa. "Somali Women & Her Potential Role". Doorka iyo kaalinta ay nolosha kaga jirto haweenayda Soomaaliyeed. Xaqiiqatan waa god kale oo Mohamed Baashe daah-furay. Tiraabtaasi waa inta ugu yar ee aan ka odhan karo halaanbaynta buuggan
  3. Akhriste - 2008-02-11 16:30:12
    ABDULLAHI AHMED - olaad@msn.com
    as cl wr wtu walaal waan aqriyey buuga hal ka haleel waxaan ka faa'iideey xigmad badan masoo koobi nafcigiisa, maan gadan buugga waxaan ka qaatay saaxiibkeey ee fadlan maxamed walaal ila soo socodsii halka aan ka heli karo london wabilaahi towfiiq.
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 188 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com