header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Maxamed Yusuf Abdi
Caado iyo Carruur
Qoraaga ayaa daabacay, The Hugue, 2006
ISBN: -

Waxa jirta carruur badan oo wadankooda hooyo debedda kaga nool, afkooda hooyana aan wax badan ka aqoonnin, una baahan inay helaan waxyaabo ka caawiya dhibaatada dhinaca afka hooyo iyo dhaqanka ka haysata. Waxa kale oo jira dhibaato haysata hooyooyinka jiilka cusub, kuwaas oo ay ka maqan tahay sida ilmaha yar loola sheekaysto ee loogu abuuro kalgacalka iyo jacaylka waalidnimo. Haddaba buuggani wuxuu gacan ka geysan doonaa sidii looga bixi lahaa ama loo khafiifin lahaa dhibaatooyinkaa qoyska maanta hor yaal, siiba ka qurbaha ku nool.

Dad badan oo ka mid ah aqoonyahanka dunida ayaa xaqiiqsaday in ilmaha aqoonta u leh dhaqankiisa iyo afkiisa uu dhaqan ahaan iyo waxbarasho ahaanba kaga fiicnaado ilmaha aan waxba ka ogeyn dhaqankiisa iyo afkiisa.


Maxamed-kayse wuxu ku dhashay abbaaro 1965 tuulada Dabagorayaale oo dhinaca koonfureed kaga beegan Hargeysa. Tacliinta hoose-dhexe wuxu ku qaatay magaalada Burco, tacliinta sarena Xamar. Maxamed 1986kii wuxu ka mid ahaa arday tiro badnayd oo dugsiyada sare ka soo baxday oo imtixaan u gashay waxbarasho ay iska kaashadeen Akadeemiyaddii Cilmiga Iyo Fanka Soomaaliyeed iyo Jaamacad Talyaani ah.

Wuxuu qoray dhawr buug sida buugga Jidka Nabadda, buuggan Caado Iyo Carruur iyo dhawr buug oo kale oo aan weli dadweynaha hor iman sida buugga Rubuc Qarni, Xil Iyo Xaawaley iyo qaar kale oo uu weli gacanta ku hayo.

Maxamed-kayse wuxuu hadda degan yahay oo uu wax ka bartaa dalka Holland.

Buuggani casharka uu bixinayaa waa mid qofka yar ee carruurta ah u gudbinaya xog liilan oo dhadhan leh, qalbiga qofkana ku hoggaaminaysa inuu wax ka sawirto raadad ka mid ah nolosha bulshadiisa.Waxa kale oo buugga laga dareemayaa sida Soomaalidu qaniga ugu tahay maaweelooyinka iyo murtida carruurta.

Waxyaabaha buuggan ku qorani waa qaar salka ku haya caadada iyo sooyaalka soo jireenka ah ee ku wajahan barbaarinta carruurta iyo aqoonta facaweyn ee Soomaalidii hore u lahayd korinta iyo horumarinta garaadka ubadka.

Waa hubaal in hooyadii iyo aabbihii hore uga aqoon badnaayeen waalidiinta cusub ee maanta habsami u korinta carruurta. Waxa hooyadu u sheegto ilmaha aabbuhu wuu garab joogsan jiray, hooyaduna sidoo kale kama hor iman jirin talada iyo waanada aabbaha. Sidaa darteed figradda midaysan ee waalidku waxay udub dhexaad u tahay hagista dhabta ah ee mustaqbalka ilmaha.

Caado Iyo Carruur waxa loo diyaariyey in waalidiintu adeegsato, kana dhigato saaxiib isku soo dhaweeya ilmaha iyo waalidka.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2010-04-12 03:56:11
    Amran - amran52@hotmail.com
    Hello, Amran u r so sweet baby
  2. Akhriste - 2008-04-08 07:48:29
    nuuney - amran52@hotmail.com
    waan kahaley buugaan wuxuuna leeyahay waxyaabo muhiimah i love it it rocks ma world .
  3. Akhriste - 2007-02-08 05:33:49
    sahro ali ismaan - sajlii@hotmail.com
    run ahaan tii buugaan waa buug aad u, xiiso badan hadana laga faa iidaysan karo waxyaalo badan wayo sida aniga oo ah hooyo cusub misna aan waxba ka aqoon ilmaha xuquuq dooda ayaa hada waxaan bartay sida ilmaha xaquuqda eey leeyihiin marka waxaa mahad leh dadkii isku soo duba riday & qoraaga buugaan mahadsanidiin !!!!!
  4. Qoraaga - 2006-08-05 16:18:49
    sharmaka hussain - cartan_13@hotmail.com
    waan akhriyay buugan waana buug qoraalkiisa aan aad ula dhacay waxa ku jira wax badan oo loo baahana in laga hadlo
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 160 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com