header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Maxamed Yusuf Abdi
Jidka Nabadda
Qoraaga ayaa daabacay, The Hugue, 2006
ISBN: -

Buugga Jidka Nabadda wuxuu qoraagu si qoto dheer oo cilmiyeysan ugaga faallooday farqiga u dhexeeya qabiilka iyo qabyaaladda, waxaan odhan karaa wuxuu qoraagu daaha ka qaaday xaqiiq dhab ah oo aan hore loo fahmin. Wuxuu si geesinimo leh ugu badheedhay inuu ku dhiirrado kala soocidda qabiilka iyo qabyaaladda oo dadka badankiisa iskaga murugsan. Wuxu ku dadaalay inuu soo bandhigo aragti cusub oo dadka ku hagaysa dariiqa dhabta ah. Waxa kale oo uu si garasho ku dheehan tahay u sharxay qaybaha qabyaaladda iyo waxa qabyaaladi tahay, isagoo ku dadaalay inuu geed ku xidho isla markaana fanteeyo waxa qabyaaladda loo yaqaan. Wuxu qoraagu qabyaaladda ku tilmaamay cudur aanay keenin deris-ku-noolka bukaan keentada ahi.


Maxamed-kayse wuxu ku dhashay abbaaro 1965 tuulada Dabagorayaale oo dhinaca koonfureed kaga beegan Hargeysa. Tacliinta hoose-dhexe wuxu ku qaatay magaalada Burco, tacliinta sarena Xamar. Maxamed 1986kii wuxu ka mid ahaa arday tiro badnayd oo dugsiyada sare ka soo baxday oo imtixaan u gashay waxbarasho ay iska kaashadeen Akadeemiyaddii Cilmiga Iyo Fanka Soomaaliyeed iyo Jaamacad Talyaani ah.

Wuxuu qoray dhawr buug sida buugga Jidka Nabadda, buuggan Caado Iyo Carruur iyo dhawr buug oo kale oo aan weli dadweynaha hor iman sida buugga Rubuc Qarni, Xil Iyo Xaawaley iyo qaar kale oo uu weli gacanta ku hayo.

Maxamed-kayse wuxuu hadda degan yahay oo uu wax ka bartaa dalka Holland.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2007-01-09 02:54:18
    ahmed caato - ahmedyuusuf1@hotmail.com
    waxaan rabaa innaan ka qayb qaato buugga
  2. Akhriste - 2006-12-16 00:29:06
    idiris Muuse - cutemmaner@yahoo.com
    buugani waa buug qiimo wayn leh wax weyna u tari doona bulshada.
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 184 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com