header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Boobe Yuusuf Ducaale
Diiwaanka Maansada
Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde)
Flamingo press, Addisababa, 2006
ISBN: n.a. -
Qiimaha: 20 USD

Waa maansadii abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed "Timacadde" oo uu soo ururiyey, habeeyey oo hormeeyey Boobe Yuusuf Ducaale.

Waa daabiciddii labaab ee diinwaankan oo markii u horreysey lagu daabacay Xamar, 1983kii.

Daabacaddan labaad oo la ballaadhiyey tirada suugaanta kaydsan ee uu dhaxalka inoogaga tagay abwaanku, waxaa ku jira 126 maanso (gabay, geeraar iyo suugaano kale) oo laga weriyey abwaanka.


(Sawirka: aftahan.org)

Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu 1948kii ku dhashay Hargeysa. Wuxuu waxbarasho sare u tagay Talyaaniga horraantii 1970yadii, halkaasoo uu uga sii gudbay waddankii la odhan jirey Midowga Soofeiyeeti oo kusoo bartay culuunta siyaasadda. Wuxuu ka mid noqdey Guddigii Qoraalka ee wargeyskii maalinlaha ahaa ee Xidigta Oktoober.

Boobe laga soo bilaabo 1981-kii ilaa ridistii taliskii Maxamed Siyaad Barre, wuxuu ka mid ahaa mucaaridka waddanka ka maqanaa. Wuxuu ka mid noqdey jabhadihii WSLF, SSDF iyo SNM oo uu muddadii ugu dheerayd ka tirsnaa.

Laga soo bilaabo 1999kii wuxuu cilmibaadhe ka yahay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ee Somaliland, oo uu iminka ka yahay Isuduwaha Barmaamijyada.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2013-06-10 08:22:31
    ali - bulbul250@hotmail.com
    walal aad baan ujecahay abwaan cabdullahi suldan tima cade in badan ayaan radiyay gabaygii mandeeq balse maanta ayaan helay aad ayaad umahansan tahiin dhamantiin
  2. Akhriste - 2012-10-24 07:30:09
    Abdirasak Salah - saalaxson@hotmail.com
    Horta marka u horaysa waxaan sallaami lahaa qoraaga iyo waliba mareeegta iyo shaqaaleheedaba, runtii anigu waxaan ahay dadka aad ka ula socday oo buugan, akhristay isla markaana ku camal falay, waxaanan odhan karaa maansada Abwaan C.laahi suldaan maxameed ahmed (timacade) hadii malaha la odhan lahaa marka laga yimaad quraanka eebe iyo axaadiista rasuulka, cilmi la barto oo wax ku qaadasho leh yaa ku xigi lahaa aan odhan lahaa gabayada iyo geerraarada timacade. waxaan intaa ku darayaa Qoraaga Boobe yuusuf ducaale, waan uga hambalyanayaa hawshaa adaag ee intaa la ogyahay leeg ee uu umada afka soomaaliga ku hadasha u qabtay. maaha howl uu kaliigii wax ku qabsaday, ma aha hawl alle naxariistii ha ka waraabiyee uu marxuumka timacade ah ugu faa'iideeyay oo kaliya, lakiin waa hawl uu inoo wada qabtay dhamaanteen. hadiise hawl la qabtay, la hambalyeeyo oo la bogaadiyo, malahayga waxaa iyaduna aad u qurxoonn in lagu daro oo milix looga dhigo, tilmaanta iyo hadiiba ay wax yari qaldameen in ilayn waa bashar qoraaguye loo soo gudbiyaa inay wacnaan lahayd,, ee aan afka gacanta layka ruubin oo aan wax walba lagu hadlina aanay qurxoonayn. Hadaba anigoo kaga faaiidaysanaya qoraanlakan waa hadii uu fursad u helo qoraaga iyo inta la halmaashaa akhriskiisee, waxaa intii aan indhaha la sii raacayay qoraalka sooyaalka, taariikhda iyo maansoyinka ruugcadaaga wayn ee Timacade aanay quruxyadaydu hal marna qaban magaca hooyadii dhashay abwaanka, taasoo ah qofka koowaad ee ilaahay ka sokow loo aanaynayyo hana qaadkiisii iyo sidoo kaleba qof walbaaba oo tusaale fiican ah inay horumarkiisa ay ka dambaysay HOOYO. Arintas waxaan jeclaan laha in magaca hooyadii qoraalada dambe lagu soo bandhigi doono, oo aanay daabacaadani noqon tii ugu dambaysay.
  3. Akhriste - 2012-10-09 07:03:53
    mohamuoud - cajiib_2004@hotmail.com
    waan akhriyey Buugaan qoraagu waxaa uu uqorey si wacan lkn waxaan jeclaan lahaa in uu qoraa Boobe inbadan ka run sheego waxa uu qoro oo uu lakinka u qaato qorida taariikhrun ah, qabyaaladla, waayo waxaa jira dareen dad badani ay qabaan oo ah in aanu Boobe ka run sheegin taariikhda hadey tahay tan uu ku qorey buugiisa dhaxalreeb oo aad moodo inuu dhan kararan yahay amaba ay iska cadahay in uu is leeyahay taariikh ugu yeel reerkisa asagoo ilaabey xaqii qalin ka iyo xaqiiqo run ah in uu soo bandhigo
  4. Akhriste - 2011-10-20 03:06:25
    ismail hasan - rooble82@hotmail.com
    marka hore alaah ayaa mahad leh maka xigta waxaan u mahad naqayaa qoraaga/ mu; boobe yuusuf ducaale oo runtii ah nin qaali ah oo qoray buugan diiwanka maanda.
  5. Akhriste - 2010-11-09 13:02:17
    Abdikarim Garuun - ckgaruun@hotmail.com
    marka hore salaan ayaad mudan tihiin bahda redsea,intaa kadib waxaan hambalyo hawada u marinayaa boobe yousuf ducaale oo ah run ahaantii soo nooleeyay dibna u soo celiyay hanti luntay oo laga samri gaadhay.waxaan leeyahay boobe halkaa kaga hay ,allana ha kula garabgalo aniga iyo waliba qaarkalana waan ku garabtaaganahay, markaan akhriyay waxaan kala kulmay waxyaabo badan oo noloshaydii badalay i jeclaysiiyayna nolosha suugaanta,anigoo markii horeba jeclaa gabayadii timacade markii aan akhristayna sii jeclaaday sida gunta dheer ee aan uga hadhi wayday,waxaan ku odhan lahaa boobow maanta umada dhaxal ka lumay ayaad u soo foqday.abaalkeeda waa umada ayaa ah in ay kuu celiso.qof wax lagaga daydo ayaad istaahishaa waxaan kuugu bushaaraynayaa in aniga iyo qaarkale oo badan ba aan wadada aad jeexday soo haybsan doono. guud iyo gacan sarayn ayaan kuugu bushaaraynayaa ,ifka nolol aakhirana halkii roon. nabadgalyo
  6. Akhriste - 2009-08-21 09:10:16
    abwaan faarax axmed ismail - Sudaysi88@hotmail.com
    walaalayaal waan idin salaamayaa bacda salaan walaal dhamaan tiin ramadaan kareem.
  7. Akhriste - 2009-07-23 13:10:43
    maxamed xuseen cali - bile06@hotmail.com
    walaalayaal marka hore waan idiin mahadnaqayaa waxaan doonayaa inaad iisoo gudbisaan gabayo ku sabasan dhinaca guurka ,hanaoqto marka lays guursado ama inta aan lays guursan walaalayaal idinkoo mahadsan ii soo dira kolba inta aad haysaan
  8. Akhriste - 2009-07-23 12:54:48
    maxamed xuseen cali - bile06@hotmail.com
    walaahay walaalayaal ani waxaan aad u jeclaysan lahaa inaad ii soo dietaan gabaygii timacade ee ka hadlaayay qabyaalada . dugsi maleh qabyaaladi waxay dumisa mooyaane
  9. Akhriste - 2009-07-19 05:38:36
    ali cabdalle - maansuur@hotmail.com
    salaan marka hore waxaan doonayaa inaan iibsado buuga timacade halka laga helaayo uk london ayaan degenahay
  10. Akhriste - 2008-12-11 12:16:05
    yuusuf - dhoof997@hotmail.com
    walallayaal iisoodira gabaygii cabdulaahi suldaan tima cade {gabayga maandeeq
  11. Akhriste - 2007-08-25 13:42:01
    abwaan faarax axmrd (shuxaye) - sudaysi88@hotmail.com
    walaalayaal waxaan idiin soo diray gtabay aan tiriyeey oo la yiraahdo (deeqmahaysaa)

    Murugadaan ku haysiyo
    mahadhooyinkaan badan
    Madficiyo rasaastiyo moodharkaan ku qaybsaday
    Maydka raasaskaagiyo meelkastaba ku baylahay
    Meekhaankaad lahayd iyo meesha aad ku sugantahay
    Maxaa keenay taas baad Muqdishoy isleedahay?


    Maanyadii baddaadee cirka midabka u ekeyd
    Malleygiyo badjiifkiyo maraakiibta quustiyo
    Meel lagu dabaashiyo meel lagu dalxiisiyo
    Marso laga hoggaanshiyo maamul suga ammaankiyo
    Wixii muunad quruxeed sidaa kuugu meernayd


    Mooskiyo babaygiyo khudraddii macaankoo
    Meelabadan adduunyada magaceenna lagu qoray
    Mirihiiyo liintii meelkastaba ka bixi jiray
    Moxoggiyo sabuulkii mawaashida la siinjiray
    Maandooriyaal badan miyaa lagu badalay taas?


    Meeshii tacliintiyo maamul kala danbayn iyo
    Maaraynta guud iyo machad iyo iskuul iyo
    Milcaamadihii diintiyo masjid lagu salaadiyo
    Mukarama jidkeedii milicsiga ku fiicnaa
    Maxaa keenay badow iyo inuu geel ku mayraco?


    Muqdishoy waxaad tahay madaxii dalkeennee
    Mar haddaad sidaa tahay maamuusna mudan tahay
    Magaalooyinkoo idil meeshii laga hagaayiyo
    Miskaxdiyo wadnaha iyo mu`dii adigu aad tahay
    Maxaa marada kaa dhigay Moqdishoy maxaa dhacay?


    Aan mala awaalnoo murti aan ku sheegnoo
    Muqdishoy wixii dhacay mid mid aan u qaadnee
    Miyir iyo aqooniyo abwaan muhashadiisiyo
    Miskax caafimaad iyo miisaan xaqa ku eegnee
    Marxabbiyo guddoon wacan taariikhdu waa marag.


  12. Akhriste - 2007-08-25 08:33:49
    abwaan faarax axmed (shuxaye) - sudaysi88@hotmail.com
    walaal layaal waad mahadsan tihiin dhaamntiin walala waxaan akhriyey buugan
  13. Akhriste - 2007-05-28 01:48:28
    shuuke - shuuke115@hotmail.com
    walaal waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo aad iyo aad u jecel suugaanta soo maalida oo uu gabaygu ugu horeeyo waxaanse aad u sii jecelahay gabayada uu tiriyey abwaanka qaaliga ah ee (c/laahi suldaan tima cadde) sidaasi daraadeed fadlan hadii uu jiro diiwaan gabayadiisa ay ku qoran yihiin aad iyo aad ayaan ugu baahanahay ee ii soo dheega dareeqo aan idinkaga iibsado ciwaankaana iigu soo dara qaabka aan idinkaga iibsanayo waadna mahadsantihiin
  14. Akhriste - 2007-04-23 08:51:36
    abwaan faarax - abwaan_one@hotmail.com
    ASC walaalayaal waaan idan salaamayaa bacda salaaam walaalayaal waxan doonayaa inaan akhriyo buugan. see u helayaa markaa?
  15. Akhriste - 2007-02-23 09:57:17
    axmed - muharam6@hotmail.com
    waxaan akhriyay diwaan tima cade ilaahay ha naxriitee dadka somaalidan waxaan kula talin lahaa inay dhegaystaan [maansada dugsi male qabyaaladi
  16. Akhriste - 2006-11-08 15:13:35
    c/samed - cirmadaye2@hotmail.com
    walaalayaal waxaan doonaa in aan iibsado buuga layiraado...(ladh) fadlan xagee aan ka heli karaa...
  17. Akhriste - 2006-11-08 15:06:14
    c/samed - cirmadaye2@hotmail.com
    walaalayaal waxaan doonaa in aan iibsado buuga layiraado...(ladh) fadlan xagee aan ka heli karaa...
  18. Akhriste - 2006-10-27 02:47:02
    Ahmed Adam - aajibriil@hotmail.com
    aad ayaan uga helay buugan waxaanan jeclaanlahaa in Taariikhdu qoranto si aanay u lumin, QORAAL WIXII GALA WAA LOO AAYAA
  19. Akhriste - 2006-09-04 02:50:25
    Abdiqani - AbdiqaniAbdi90@hotmail.com
    waxaan akhriyay buuga c/laahi suldaan timacade aad ayaan uga hellay
  20. Akhriste - 2006-08-08 10:10:27
    mahad carabow Cali - mahad554@hotmail.com
    waa kusalamay Salan Kadiib Waxan aad u Jacleysan lahayin aan iib sado Bugan aad Qoratay fadlan aan isla Xarirno oo an kuso waco ama ilaa so xariir 00203710598 Cairo Egypt
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 172 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com