header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Ibraahin Yuusuf Axmed - Hawd
Aanadii Negeeye
Ponte Invisibile Ed, Pisa, 2007
ISBN: 88-88934-05-7 -
Qiimaha: 17.50 Euro

“Aanadii Negeeye” waa sheeko culus oo raadgoobaysa diillimaha kala jaadjaadka ah ee jeegaanta maxkaxda aadamiga: mar waa siqiir danbi-laawe ah oo bulshaduu ku korayaa ay xumaan ku habayso; marna waa cadaawad lagu bogsiinayo aargoosasho, kufsi, dhac, tuugo, xatooyo xoolo dadweyne; marna waa bayaaminta itaal darrida aadamiga oo waa kalgacal iyo jacayl nadiif ah; mar waa damac adduun iyo cidi kaama sarrayso ku taam; marna waa xaqiijinta waxa ummad dhan nolosheedii maanta ka dhigay ummad la’aan. Waxay sheekadani tahay digniin ah wixii dhacay, ee ku dhacay soomaali, waa wax soo noqon kare e, ummadyahay ka digtoonaada.

Order it now


Ibraahin Yuusuf Axmed, oo lagu naanayso “Hawd” wuxuu ku dhashay Hawd, wuxuuna imminka deggan yahay dalka Iswiidhen. Waa qoraa ku xeeldheer sheekooyinka gaagaaban, si xoog lehna akhristeyaasha internetku ula socdaan qoraalladiisa kusoo baxa degellada afsoomaaliga wax ku daabaca. Waa Allifaa leh maansooyin, wuxuuse Ibraahin ku caan yahay xirfaddiisa faaqidaadeed ee dhismekalkaalka ah ee uu ku sameeyo qoraallada afsoomaaliga kusoo baxa. Ibraahin wuxuu hore u qorey buugga “Soomaaliya: Qaran iyo Qabiil” oo kasoo baxay dalka Iswiidhen 1998kii. “Aanadii Negeeye” waa sheekadiisii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu daabaco.

Faalada martida

  1. Akhriste - 2012-08-19 08:57:51
    Zoniick - biuro1@vega-tronik.pl
    suldaan seamtar cabdilaahi yusuf tacsi kaagama baahna ee waxa kaaga baahan inaad u hadasho dadkii tolkaa ee snm ku gumaaday dhulkeena oo weli aan la tusin dadkii la dhashay cadaalad.hadalku waa wax tar ummaduna waxay kuu qireysaa inaad tahay nin waxter leh.ogsoonow markaad dhiiga walaalkaa ka aamusto inaanad shisheeyana sharaf ku lahayn,maxaa yeelay waxay ku ogyihiin damiir xumadaada.waxan innigula talin lahaa adiga iyo qaar kale inaad is bedl isku samaysaan oo aad joojisaan fiirada dhexdiina ah una soo noqotaan midaynta tolka sidii odayaasheenii ay ahaan jireen waqtigii siyaad barre ee arrimaha guud ee reerka ay meel uga soo wada jeedeen waad mahadsan tihiin
  2. Akhriste - 2012-07-14 18:56:02
    Cabdiqani - suudi143@hotmail.com
    Waad Mahadsantihiin dhamaan bahda Hoyga Redsea-online.com oo had goor u taagan kor u qaadida iyo tayaynta afkeena hooyo akhris iyo qoraalba. Intaa kadib waxaan laba kalmadood ka oranayaa buuga ''Aanadii Negeeye'' Waa mide waxan amaan usoo jeedinayaa qoraaga buuga hab farshaxameedka heerka sarre ah ee u adeegsaday si uu usoo bandhigo xaaalado dareemo kalla duwani ku hareeraysan yihiin. Waa ta labaade qiimaha waxtareed ee ay u leedahay kobaca afka iyo qoraalkiisa. Runtii markaan akhriyay waxan dareemay xiisaha afka marka ay qallinka u qaaataan qoraa haybadan oo kalle alle siiyay. Akhris Wacan dhamaaan
  3. Akhriste - 2012-04-07 06:03:15
    Guuleed Cabdi - guuleedmawlaana@hotmail.com
    Indhahaagu ma rumaysanayaan inuu buugani ku qoranyahay luqada Somaliga, qoraaguna yahay Somali. Hase ahaatee…Buugani waxa uu si xeldheer u soo bandhigayaa quruxda iyo dhadhanka luqadan, waxa uu daaha ka qaadayaa dhinacyo badan oo luqada soomaliga dahsoonaa, waxa la yaab mudan sida uu u soo gudbiyay shakhsiyaad sheekada ee ka cabiraya si run ah oo la darsay qaybaha shacabka Somalida daraf ilaa daraf, ha noqoto da'da, fikirka,siyaasada,iyo ijtimaacigaba. Aanadii Nageeye waxa si wacan oo xalaal ah loogu sharaxay waayihii Soomliya xiligaa ka taagnaa, waxayna xaajada kaa tusaysaa xaglo badan, iyadoo aan cidna lagu gabood falayn,qaybna guul loo tirinayan, waxaan aad uga mabsuuday sida edebta leh uu u guud maray haybta jilayaasha sheekada iisaga oo ina baraya qabiilka iyo in soohdintiisa dhabta ah lagu xayiro. . Sheekadani waxay qofka soomaaligaa siinayasaa isku kalsooni,waxuuna ka kasbanayaa shakhsiyad cusub.Waana bushaaro soomaalida tusaysa inay wali wax ka sii bidhaamayaan. Hambalyo ayuu qoraagu ku mutaystay awoodiisa fikir iyo suugaaneed, waxase isku ka qaban la' kartida uu qoraagu leeyahay iyo camalada uu sameeyay oo aad u yar markii aan daba gal sameeyay. Waad salaamantihiin. Nabad.
  4. Akhriste - 2012-01-12 03:23:41
    cawil - cawli01@hotmail.com
    waxa aan akhriistay buuga diiwaanka qosolka oo aan ka faa iiday wax badan waxa aan kula taalinay naadiga akhistayaasha inay soo ban dhigaan buugag an facdada dhalinta
  5. Akhriste - 2011-08-15 18:45:54
    hamse abdi ibrahim - xamse_4@hotmail.com
    waxaan akhriyay buugaagta taxanaha cir san kayeedh laba kamid ah waa ROGE iyo AANADII NAGEEYE. waxaan odhan karaa cabdilaahi cawed cige iyo ibrahim hawd waxay si xeel dheer uga warramaan xaaladahii somaliya ku sugnayd siddeetameeyadii iyo wixii kadanbeeyay. runtii waxaad si doqoni magaratay ah noo dareensii seen markaanu dhalanay wixii dfalka ka jiray cadaalad darradii musuqmaasuqii kufsigii iyo dadkii isirka loola dagaallamay runtii waxa waxa iga xidhnaa shiraaq madaw. aad baad u mahassantahay.
  6. Akhriste - 2011-06-20 19:46:18
    abdiwali ahmed daahir - amiirwali@yahoo.com
    marka hore mahad ilaahbaa leh marka xigta waxaan akhriyay buugan la idhaah aanadii nageeye waxaan aad iyo aad ula dhacay farshaxanimada qoraaga mr HAWD waxaan buugan ka dheehday xaqaa,iq badan oo jira kana dhacay dalka soomaliya gudihiisa waxaan ogaaday runtii in cimilada iyo bulshaduba ay saamayn xoogan ku yeelato ruuxa bini aadmiga ah inta uu yar yahay waayo waa geed koraaya geedkuna markuu baxaayo kolba waa sida loo toosiyo hadii la qaloociyana qaloocaasuu ku waynaadaa markuu waynaadana lama toosin karo,,,,halkan kuma soo koobi karo wixii aan ka dheeh day buugan balse waxaan odhan karaa waxaa qoray shaqsi aad iyo aad u eegayay marxalada taagan faaleeyayna wixii dhacay kana digay inaanay dib u dhicin,, ugu danbayn waxaan leeyahay qoraaga buugan sxb umadaadii aad isku afka iyo isku diinta ahaydeen waxaad uga tagtay dhaxal ma guuraan ah waxaanan ku leeyahay marlabaad aad baad u mahadsantay waxaanad gudatay waajib qaran
  7. Akhriste - 2011-01-05 06:02:33
    sahra - jannati1@hotmail.com
    asalaamu calykum waxa aan xagan mahad ugu soo jeedinayaa qoraaga buugan axmed hawad waxa aan idinka rajynaynaa buugkale in aad oo qortaan kor u qaadaya sheekooyinka omaliga
  8. Akhriste - 2010-12-01 23:46:59
    ibraahim mahamoud - samiir19@hotmail.com
    waaan idin salaamay, salaan ka bacdi waxa aan ilaa iyo markii aan akriyay aanadii nageeye aad u laa yaaban qoraa ibraahim hawd si wanaagsan ee kaftanku ku jire ee xigmada leh uee u qoray buugan waxa aan ilaahay uga baryaa in uu siiyo cimri dherer si dadka uu gaadhsiiyo faaiidada qoraalka.
  9. Akhriste - 2010-09-22 10:11:52
    moalem - moalem@hotmail.it
    walaal waa arinaad u wanaagsan in la helo dad u taagan isuna xilqaamay in ay wx ka qabtaan waxna ku soo kordhiyaan luqadeena hooyo...... waad mahadsantihiin
  10. Akhriste - 2010-05-16 04:13:00
    Maryan axmed - Fa-rxiyo2010@hotmail.com
    Waxaan ina way din sida an u fahmi karo erayad asal ka ah wayo fahan koda way i ku adag yihin mahad sanid
  11. Akhriste - 2010-04-11 12:23:33
    maxamed ismaaciil jaamac "xaaji" - dahabi21@hotmail.com
    dhiganaha ( buuga) la yidhaaahdo aanadii negeeye waa dahab la aslay waa dhaxal qaaliya waa hanti aan duugoobayn wuxuu la nooolaan doonaa fac ba faca uu ka danbeeyo waan yaabay markaan akhriyaay waana ka fuqi waayay waxana ku duugan waayo aragnimo iyo talooyin dahsoon oo aan la tirin karin walleee waaqoraa asal ah ibraahin hawd waa rageedii nin sare oo caqli badan dheh
  12. Akhriste - 2010-04-07 19:11:21
    Marian - aibogor@hotmail.com
    asc walaal waxaan rabey buugga maana faay meesha igu dhow oon ka dalban karo
  13. Akhriste - 2010-02-06 14:02:07
    Maxame axmed cabdi - Dhego@hotmail.com
    Waxan raba inad igelisan sawiro o ad iga ogo latan waxan ahay wil u dhashay dalka kenya
  14. Akhriste - 2009-02-21 03:50:28
    ismail hussein ali - inaxabeeb@hotmail.com
    asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaato walaal waxa aan aad iyo aad ugu bahanahay meesha laga helaayo buuga la dhaho aanadii nageeye ee uu qoraya ibraahim yusuf axmed iyo buuga la dhaho sirata guurka walaal labadaas buug aad ayaan ugu bahanahay xagaan ka helay waad mahadsanatahiin wabilaahi tawfiiq

    RSOL: ka dalbo halkan IIBSO. Haddii aad joogto Somaliland, waxaad ka doonataa dukaanka REDSEA.

  15. Akhriste - 2008-09-23 10:14:18
    Abdishakur - Ibraahiim84@hotmail.com
    Waan salaamayaa qoraaga buuga iyo waliba read sea salaan kadib buugaan nairobi malaga heli karaa jawaab iyo meesha iigu dhaw markaan nairobi joogo
  16. Akhriste - 2008-08-18 12:35:05
    Ahmed Riiraash - ahmedyasin20@hotmail.com
    marka hore salaan diiran, Buugan aanadii nageeye oo aan baryahan akhriskiisa ku mushquulsanaa runtii, waa la yaabay sida uu qoraagu u qoray iyo kalmadaha somaliga ah ee uu adeegsanayo, runtiina waxaan odhan karaan Ibrahin Hawd, waa nin aqoon iyo karti u leh habka wax loo qoro, isaga oo buugan marka aad akhrido uu bog-boga kale ka xiiso badan yahay, markaa waxaan leeyahay Thanks alot for your book mr, hawd,
  17. Akhriste - 2008-05-26 21:37:20
    jamac - jaamac@yahoo.com
    sxb buugan iyo wax la mid in aad la soo shir tagtid maysan aheyn, lakiin waxaan rajeynayaa in aad ka waan oobi doontid maan-gaabnimada sidan oo kale ah.
  18. Akhriste - 2008-05-26 20:43:04
    jamac - jaamac@yahoo.com
    sxb buugan iyo wax la mid in aad la soo shir tagtid maysan aheyn, lakiin waxaan rajeynayaa in aad ka waan oobi doontid maan-gaabnimada sidan oo kale ah.
  19. Akhriste - 2008-05-07 11:21:18
    c/nuur - nuurho@hotmail.com
    runtii sheekooyinka intaan akhriyay waa ay xiiso badan yihin waliba waxa aan aad u sii xiiseeyay waxa ka mid ah af soomaaligenii asalka ahaa oo aan islahaa imika waa la ilaabayba in uu qoraagu sicajiib ah u adeegsanaayo. taas oo dhalinta yar yar ee afsoomaligu ku adagyahy ay ka faaiidayan karto waa mahadsantihin
  20. Akhriste - 2008-05-07 11:19:56
    c/nuur - nuurho@hotmail.com
    runtii sheekooyinka intaan akhriyay waa ay xiiso badan yihin waliba waxa aan aad u sii xiiseeyay waxa ka mid ah af soomaaligenii asalka ahaa oo aan islahaa imika waa la ilaabayba in uu qoraagu sicajiib ah u adeegsanaayo. taas oo dhalinta yar yar ee afsoomaligu ku adagyahy ay ka faaiidayan karto waa mahadsantihin
  21. Akhriste - 2007-10-20 02:04:04
    hussein Mohamed Abdilahi - xmataanoo@hotmail.com
    buuggan oo aan in badan maqlay waxaan akhriyay kala badh, intaas aan ka akhriyay waxa ka buuqatay fikraddo aad u sareeya oo biklaa turxaan ah oo uu qoraagu ku shubay bogag ka mida buugga. waxa nuhimadu tahay inaan xuso qaabka qorralka somaligga ee laysku waa faqsan yahay ee uu qorraagu tixgaliyay isagoo meel iska dhigay inu iisa socodsiyo Falada qaybteeda labaaad waxaan rajaynayaa inaan ka bixiyo kolkaan dhamaystiro akhriska buuggan .
  22. Akhriste - 2007-06-08 11:23:24
    Caliqeyr M. Nuur. - Caliqeyr@hotmail.com
    Shalay ayaan dhammeeyey akhriska "Aanadii Negeeye". Hubaal, intii aan arkay buug sheeko ah oo af-soomaali ku qoran isaga ayaa iila qiima badnaa. Waxaa la sheegaa qofku marka uu dhimanayo in hortiisa la keeno wixii uu noloshiisa soo falay oo dhan. Sidaas ayuu buuggani hortaada u soo dhigayaa eersigii qaran-dunkeenna. Qofkii u sii fiirsadana wuxuu u bidhaaminayaa halka uu xalku ku duugan yahay. Malaha ninkani waa aabbihii soomaalida dhalay ayaan idhi ka dib markaan u bogay dhexdhexaadnimadiisa iyo kolayga murtida la higaagan ee uu inoo hibeeyey. Miyaanay akhristayaashu taas ku obsan doonin? Miyaanu qoraagu billad mutaysan? Uga yaraan waa inaan uga mahad-celiyo qorista buuggan xigmadda badan. Caliqeyr: Qoraagii "Horor iyo Kalgacal"
  23. Akhriste - 2007-04-28 16:52:09
    Idris Omar Farah - Idriis@Cox.net
    Salaan dabadeed, Buuggan "Aanadii Negeeye" waa buug yaab leh! Labo jeer baan akhriyey. Markii hore sheeko ahaan ayaan u akhriyayoo waxaan is lahaa gunta sheekada iyo shakhsiyaadka metelaya ayaan doonayey inaan ogaado meesha ay ku dambeeyaan. Markii labaad, oo iyadu dhib badnayd, inaan farrinta sheekada iyo cibaarooyinka ka ratibmaya wax ka ogaado ayaan isku dayey. Runtiina wax badan baa iigu dhiman oo lama wada gaari karo risaaladda sheekadan iyo qoraageedaba. Qoraaga laftiisa oo ah nin aad u cajaa'ib badan ayaan ahayn wax yar Fekere Sare (philosopher). Ninkii Akhriyey Buugga la yiraahdo "THE REPUBLIC" ee uu qoray Plato, buugganna akhriya, waxaa suuragal ah inuu ka arko wax is shabahaya xagga falsafadda, aragtida, doodda iyo fahamka waddaniyadda. Haddii mid (qof) uu dul joogsan waayo meelaha qaar oo cabbaar si kamma ah u fekeri waayo, dabcan nuxurka sheekada ayuunan helin ama dan buunan ka lahayn ama waa labadaba. Haddii Giriigu ku faanaan Socrates, Plato, Aristotal iyo kuwo la mid ah, ummadda Soomaalidu xaq bay u leedahay inay sheegato nin la yiraahdo Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd", Hawdna nin mudan waa yahay. Soomaaliyeey haddii dhego idiin daloolaan buuggan akhriya oo qof walbow naftaadu iska ka dhex raadi, haddii aad iska dhex waydona qof aad taqaan baad ka dhex helaysaa. Salaan Badan
  24. Akhriste - 2007-03-31 01:38:02
    haji aweys musalam al-jayr - oogle_02@hotmail.com
    as/wr/wb run ahanti bugan wuxu tabanaya bogaha dahson ee somalida maanta waxan ogaday in somali ay ku jiran rag muhim ah sida ibrahim yusuf ahmed (hawd) waxan u xaqiiqsaday in u yahay qora xirfad dheer. waxan kugu burinaya in ad meshas kasi wadid hawsha
  25. Akhriste - 2007-03-04 08:45:30
    Abdi M.Saleiman(Mingiste) - abdi_saleiman@hotmail.com
    waan akhriyey buugga Aanadii negeeye,runtii waxaan odhan karaa waa buug aad iyo aad u qaali ah, waa laga heli karo sheekooyin badan oo hab cilmi ah loo sawiray,waxaan aamin sanahay qoraha iyo in ka qayb qaadatay soo saarintu waa shaqsiyaad la odhan karo,waa aqoon yahaniin dhab ah,leh xirfada qoraaleed.Waxaan kula talin lahaa in aanay ka caajisin howsha qaali ah ee ay hayaan. waad mahadsantihiin
  26. Akhriste - 2007-01-10 05:27:42
    Yusuf Ahmed Mohamed - Hinif78@yahoo.com
    salaan dhamaantiin. Buugan ayaan ugu baahanahay dhakhso ee sidee ayaan u heli karaa , ama u dalban karaaaaa

    RSOL:
    [walaal noo soo sheeg halkaad deggaantahay, haddii kale waxaad ka dalban kartaa halkan.]


  27. Akhriste - 2007-01-09 17:26:06
    fartuun - fartuun2512@hotmail.com
    a/c salaan kadib walaal waxaan rabaa buuga magaciisu yahay AANADII NAGEEYA ee meeshee iigu dhaw oo aan ka dal ban karaa adinkoo mahadsan w/c

    RSOL:
    [walaal waxaad ka dalban kartaa halkan.]


Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 146 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com