header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


We lost a friend, a Hero
Jama Musse Jama

Download full edition of the e-book

A tribute to a true patriot
Abdishakur passed away on May 13, 2012 in a car accident at Tulli village, between Dila and Borama in Western Somaliland. Alla how naxariisto. Amina Abdi Jama, his wife, was with him in the car but her injury is not serious. Alla ha u sahlo. Aamiin.

A year ago Abdishakur wrote: “Somalilanders are in a reflective mood as they prepare for the 20th Anniversary of the birth of their nation. These days there is a sense of contemplation, thoughtfulness and revaluation in Somaliland circles.” He could have been describing his own style of mature reflection and incisive analysis of contemporary issues in Somaliland and Somalia. He was a true patriot, a man of great human quality, a statesman and deep connoisseur of his own people, whom he believed in and wanted to contribute to their well-being.


Dr. Abdishakur A. Jawhar (Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar)

Naf kastaa way dhadhamin doontaa geerida

Waxa maanta ku geeriyooday agagaarka tuulada Tuli ee Somaliland Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar. Dhammaan hawlwadeennada ururrada Kayd iyo Redsea online waxa ay tacsi u diraynaa xaaskiisii Amina Jama iyo dhammaan ummadda Somaliland, waxaanaanay Ilaahay uga baryayaan in uu marxuunka u naxariisto.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhu raajicuun.


Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2012 Tartankii 5aad

(La deg Xeerka oo ah PDF | ka qayb qaado wanaajinta)

Bandhig
Seeska Dhaqanka ee REDSEA-ONLINE (Redsea-Online Cultural Foundation) iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta, xoojinta fanka iyo farshaxanka; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska iyo guud ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Shanaad ee Baratan Qarameedka Curinta Suugaanta "Sheeko iyo Shaahid".

Sheekooyinka ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga.

Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2012.


Waxa qorey Maxamed Xasan "Alto"

Waxaa dhowaan mar kale qabsoomay Festifaalka Toddobaadka Soomaalida [FTS] ee London ee sannadlaha ah oo gacansaar la lahaa Redsea Online. FTS 2011ka wuxuu festifaalladii taxanaha ahaa ee London, Boqortooyada Midowdey, ku qabsoomi jirey laga soo billaabo 2004tii, ka galay taariikh lama illaawaan ah. Wuxuu noqday kii ugu tayo iyo tamar wacnaa. Waxay dulucda FTS ee sannadku ahayd tarjumid. Waxaa la soo bandhigey buugag tarjuban oo tiro badan. FTS wuxuu sannadkan wada shaqeeyn la lahaa Xarunta Tarjumidda Maansooyinka iyo Agaasimaheeda Gabyaa Sarah Maguire. Waxay XTM tarjuntay maansooyin xul ah oo ay leeyihiin dhowr gabyaa oo ku casumnaa FTS.


Sannadkan oo mowduuca lagaga hadlayay Toddobaadka Dhaqanka ee Somali Week Festival uu ahaa turjumaadaha ayaa waxa lagu xusay sannadguuradii 30aad ee ka soo wareegtay geeridii Alle ha u naxariistee Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal. Waxa lagu soo bandhigay madasha buug lagu soo ururiyey warbixino ay ka qoreen shaqsiyaddiisa dadkii yaqaannay Muuse Ismaaciill Galaal. Buuggaas oo isku dubbaridey Jaamac Muuse Jaamac waxa u sameeyey hordhac professor I M Lewis, waxana qoraalladooda lagu soo bandhigay Anita S Adan, Sheila Andrzjeweski, Martin Owen, Georgi Kaptchits, Alexander Zholkovsky iyo Sarah Maguire iyo Jaamac Muuse Jaamac.

Waxa ka hadlay Muuse Galaal, oo soo koobay aqoontii iyo cilmibaadhistii laga dhaxlay Jaamac Muuse iyo Martin Owin oo labaduba ku dheeraaday qiimaha ay leedahay culuuntii uu ka tagay marxuunka iyo sida loogu baahan yahay in aqoontaasi ay ifka marlabaad ugu soobaxdo si cilmibaadhayaasha maantu uga dhigtaan tixraax, islamarkaana ay ummadda inteeda kale u gaadho.

Wuxuu sheegay Jaamac Muuse in Muuse Ismaaciil ahaa "cilmibaadhe, saynisyahan, xusuus xejiye, abwaan iyo suugaan dhaadhi shaqadiisa lagu xusuusan doono kaalintii uu ku lahaa qoritaanka farta soomaaliga ee hadda la adeegsado iyo kaydintii uu kaydiyey aqoon badan oo ku salaysan hiddaha soomaalida. Ayaamihii u danbeeyey ee noloshiisa waxa uu ahaa odey-soomaali talo loola tago", waxaanuu ka warramay meelihii uu cilmibaadhista ku sameeyey Muuse oo ay ka mid yihiin Xiddigska, Taawisha Roobka, Faalka


All photos: © by Chiara Ceolin

This year’s Somali Week Festival was finally launched last night with an opening speech of the evening by the deputy mayor Richard Barnes, to a fully seated Oxford house. The deputy mayor stressed the importance of the cultural contribution by Somali people to the diverse, vibrant and creative London.

The theme of the festival this year is Translation, and a number of highly distinguished writers, poets, musicians and intellectuals are invited to present translated work and discuss the importance of translating literature.


Waxa qorey Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)

Waa qoraallo taxane ah oo uu Maxamed Xirsi Guuleed kaga sheekaynayo Gabayadii dhirta iyo xayawaanka ee Cali Mooge Geeddi iyo waliba daahfur uu ku samaynayo shaqsiyadda suugaanyahannimo ee Alle ha u naxariistee Cali Mooge Geeddi.

Qaybta kowaad: HIBO HIIL WAYDAY(1)

Qaybta labaad: HIBO HIIL WAYDAY(2)


Waxa tirisey Canab Guuleed

Gabaygan la yidhaa Baal dahab waxa tirisay Canab Guuleed sannadkan 2011ka waxayna kaga qayb gashay oo ay ku soo bandhigtay carwadii buugaagta ee sannadkan Hargeysa lagu qabtay (Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa).Canab waa badhiggii saddexaad ee ay Hargeysa kaga qayb gasho. Ka qaybkalkaa bandhigga iyo iyada oo akhriday buugga la yidhaa Guri waa haween ee uu qoray Maxamad Baashe Xaaji Xasan iyo qaar kale oo badan ayaa ku dheliyey inay tiriso gabaygan. Waa abaalgud ay ugu talagashay inay ugu hiiliso qorayaasha Soomaaliyeed oo ay qaarkood halkan ku xustay.

Bilawgiiba furaheenna waa, lagu badbaadshaaye
Baal kama maraynoo belaa, lagu xijaabaaye
Bismillaahi barakada Allaa, barada noo taalle
Isusoo boqoollaye dadow, barashadii waarta


Waxa qorey Cabdillaahi Cawad Cige

Waxa aan ka degay garoonka dayuuradaha ee Berbera bishii Julaay 11keedii, waxa aan Somaliland dib uga dhoofay 18kii Sebtember. Muddadaas aan dalka ku sugnaa waxa aan arkay halis badan oo bulshadu, iskeed iyo jujuub ba, dhexqaaddo. Waxa ka mid ah baabuurta rakaabka ee u kala gooshta magaalooyinka, mid loo sameeyay inuu afar rakaab ah qaado ayaa siddeed qof iyo xamaamadoodii lagu cufayaa.

Waxa aan ka degay garoonka dayuuradaha ee Berbera bishii Julaay 11keedii, waxa aan Somaliland dib uga dhoofay 18kii Sebtember. Muddadaas aan dalka ku sugnaa waxa aan arkay halis badan oo bulshadu, iskeed iyo jujuub ba, dhexqaaddo. Waxa ka mid ah baabuurta rakaabka ee u kala gooshta magaalooyinka, mid loo sameeyay inuu afar rakaab ah qaado ayaa siddeed qof iyo xamaamadoodii lagu cufayaa.

Waxa ka mid ah dayaca jidadka waaweyn oo halis gaar ah ku haya baabuurta. Waxa ka mid ah qashinka jidadka magaalooyinka lagu dhex urursho, fursad ka wanaagsan oo bakteeriyada iyo jeermiska la siin lahaa ma jirto. Waxa ka mid ah dayaca cisbitaallada ka muuqda oo halistiisa ku haya bulshada, gaar ahaan kuwa jilicsan ee bukaansocodka, haweenka uurka leh iyo dhallaanku ka mid yihiin.

Waxa se jirta halis kale oo aan soo arkay.


Waxa saaka ku geeriyootay magaalada Landhan Faadumo Qaasim Hilowle. Faadumo waxa ay ka mid ahayd hobolladii Waaberi. Faadumo ehelkeedu waxa ay sheegeen in aanay u jiifin xanuun ah oo warwar keenaa, balse isla maanta uun lagu soo boodey.


Social Community
Join us today

There are currently, 75 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new

·Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar
- by Commemoration committee
·Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane
- by Camden Creative

[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com