header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


redsea-online.com: RSOL Book Review

Search on This Topic:   
[ Go to Home | Select a New Topic ]

Based on Walls’ long-standing engagement with the Horn of Africa, this book offers a comprehensive and fine-tuned account of the current political landscape of the Somali regions, with a particular focus on Somaliland. It details the country’s transition to the current multi-party democracy, and the formation of a hybrid system based on both consensus and representative decision making processes. Somalilanders’ impressive ability to manage crises, often at the last moment, and their careful negotiation of nation-state politics and Somali custom are painstakingly examined, offering a powerful counter-narrative to that of the ‘failed state’ that tends to dominate the region. Walls’ analysis of the successes and challenges that lie ahead resonate beyond Somaliland. This book is an essential read for researchers, policy-makers and practitioners with an interest in governance and politics in the region.


Sannadkan oo mowduuca lagaga hadlayay Toddobaadka Dhaqanka ee Somali Week Festival uu ahaa turjumaadaha ayaa waxa lagu xusay sannadguuradii 30aad ee ka soo wareegtay geeridii Alle ha u naxariistee Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal. Waxa lagu soo bandhigay madasha buug lagu soo ururiyey warbixino ay ka qoreen shaqsiyaddiisa dadkii yaqaannay Muuse Ismaaciill Galaal. Buuggaas oo isku dubbaridey Jaamac Muuse Jaamac waxa u sameeyey hordhac professor I M Lewis, waxana qoraalladooda lagu soo bandhigay Anita S Adan, Sheila Andrzjeweski, Martin Owen, Georgi Kaptchits, Alexander Zholkovsky iyo Sarah Maguire iyo Jaamac Muuse Jaamac.

Waxa ka hadlay Muuse Galaal, oo soo koobay aqoontii iyo cilmibaadhistii laga dhaxlay Jaamac Muuse iyo Martin Owin oo labaduba ku dheeraaday qiimaha ay leedahay culuuntii uu ka tagay marxuunka iyo sida loogu baahan yahay in aqoontaasi ay ifka marlabaad ugu soobaxdo si cilmibaadhayaasha maantu uga dhigtaan tixraax, islamarkaana ay ummadda inteeda kale u gaadho.

Wuxuu sheegay Jaamac Muuse in Muuse Ismaaciil ahaa "cilmibaadhe, saynisyahan, xusuus xejiye, abwaan iyo suugaan dhaadhi shaqadiisa lagu xusuusan doono kaalintii uu ku lahaa qoritaanka farta soomaaliga ee hadda la adeegsado iyo kaydintii uu kaydiyey aqoon badan oo ku salaysan hiddaha soomaalida. Ayaamihii u danbeeyey ee noloshiisa waxa uu ahaa odey-soomaali talo loola tago", waxaanuu ka warramay meelihii uu cilmibaadhista ku sameeyey Muuse oo ay ka mid yihiin Xiddigska, Taawisha Roobka, Faalka


Waxa qorey Ahmed Diria Liban

Sannadahan danbe buugaagtii aan akhriyayay ma jiro mid aan u xiiseeyay sida buugga ”Qaylodhaan Deegaan” uu qoray Ahmed Ibrahim Awale. Sababtuna waa mawduuciisa oo madi ku ah qoraallada soomaalida iyo weliba duluc ballaadhan, xogogaalnimo iyo cilmibaadhis uu ku slaysan yahay, isagoo farshaxanimo heer sare ah ku soo bandhigay halis ku gedaaman deegaannada dalkeenna, gaar ahaan kuwii ku caanbaxay hodanimada dabeecadeed.

Guud ahaan mawduuca wacyiga deegaanku waa mid ka maqan badi xiska soomaalida, iyagoo arrintaas la wadaaga qaar badan oo ka mid ah dadyowga dunida saddexaad, oo dardar xoog leh ku xaalufinaya hadhaaga dabeecad san oo ka badbaaday xagaafka naxariis darrada ah ee xadaaradda cusubi horseedday, kana dhoyla’ isbeddellada cimilada dunida iyo diirranaanta gibilka dhulka, oo maanta si wayn looga qayliyo.

Buugga ”Qaylodhaan Deegaan” wuxu xadantaynayaa dareenka gama’san; indhahana wuxu ka jeexayaa caadka saaran; qofkana wuxu ku baraarujinayaa gogoshiisa gubanaysa. Dhab ahaan waa mawduuc xasaasi ah, xaqiiqada uu yahay ka sokowna dadnimo xanbaarsan. Waxana si fiican u garan kara qofka is barbardhiga deegaankii shalay iyo ka maanta. Isaga ayaana saadaalin kara deegaanka ay berri ku barbaarayaan ubadka danbe, haddii xaaladdu sidan ku sii socoto.


CROSSBONES
BY: NURUDDIN FARAH.
Publisher: Riverhead Books, 389 pages

Review:The last in Farah's Past Imperfect trilogy brilliantly reproduces the quality of life and death in Somalia, a country torn by seemingly endless civil war.

Review by ELLEN AKINS, Special to the Star Tribune.

The last book in a trilogy by the renowned Nuruddin Farah, a Somalia-born writer who holds the Winton Chair in the College of Liberal Arts at the University of Minnesota, "Crossbones" tells the story of a Somali-American man, Ahl, going to Somalia in the midst of its seemingly endless civil war to try to retrieve his stepson, who's been recruited into Al-Shabab, a Somali arm of Al-Qaida, by an imam in Minneapolis.

A parallel story involves Ahl's brother Malik, a journalist, who goes to Somalia at the same time to report on the war, the state of the country and the piracy infamously occurring off the coast.

See the full article at Star tirbune


Anwar M Diiriye,
Medical Dictionary
English-Somali & Somali-English
Gobaad Press, Minneapolis,
September 10, 2011, Paperback, pp 284,
ISBN 978-1-4507-8117-6.

This edition of English-Somali and Somali-English medical dictionary is an excellent medical reference you will turn to time and time again. It provides the most up-to-date English and Somali medical terms in a format that is useful to the general reader as well as to medical interpreters and translators whose heritage language is Somali.


Waxa qorey Cabdiraxmaan F 'Barwaaqo'

Buugga la yidhaa ‘Abtirsiinta erayada af Soomaaliga’ ayaa dhowaan i soo gaadhay. Waxa muquuno ahaan iigu soo diray qoraha buugga Caliqeyr M. Nuur. Waanu ku mahadsan yahay. Kolkii aan buugga akhriyey, aadna uga baaraan degey waxaa ila qummanaatay inaan wax ka idhaa dadkana u soo bandhigo aragtidayda si la iila wadaago.

Ugu horrayn, waxaan si kooban u dulmari bilicda iyo sida loo agaasimay qaybaha buugga. Intaa kadib, waxaan wax yar innaga xasuusin sooyaalkii ay farta af Soomaaligu soo martay, aniga oo sheegi doona waxay aqoonyahannadii rabay in la helo far Soomaali qorani iskaga midka ahaayeen iyo waxay ku kala tagsanaayeen. Waxaan intaa raacin qaar ka mid ah go’aannadii ay guddidii af Soomaaligu soo saartay, aniga oo mar dambe u foodin doona aragtida lagu soo bandhigay xeerka cusub ee abtirsiinta erayada si loo ogaado waxa ay ku kala duwan yihiin. Ku dheeraan maayee, waxaan iyana wax ka tilmaami sida ay xeerarka afafku u samaysmaan iyo kaalinta af-yaqaannada. Intaa kaddib waxan wax ka iftiimin qaar ka mid ah god daloolooyinka faraha badan ee uu xeerka cusubi xambaarsan yahay. Ugu dambayntana waxaan hadalkayga ku soo gabaggabayn dooddii iyo xidhiidhkii aan la yeeshay qoraaga iyo wixii aannu isla meel dhignay.


We are eager to announce the first set of books to be launched in Hargeysa International Book Fair - check our websites as more books are to come this year!

Beerta Xayawaanka, George Orwell,
translated by Maxamed Yuusuf Cartan.
Shufbeel - tiraab soomaaliyeed,
by Siciid Jaamac Xuseen.
Baqayo rogad,
by Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Mahdi
by Jaamac Muuse Jaamac


Waxa qorey Ibraahim Aw Xasan Ismaaciil (Waaberi)

Waxaan in badan akhriyay qormooyin iyo sheekooyin aad iyo aad u xiisa badan, kuwaasoo taabanaaya dhammaan qaybaha nolasha, run ka sheegaaya qaybaha bulshada iyo arrimahooda kala duwan, hadday tahay, waddaniyad, qaad, jacayl, aqoon iyo qaar kale oo badan,kuwa wasdanka iyo waddaniyaddu ha ugu bateene.

Waa qormooyin aad u dhaadheer, oo midkiiba ugu yaraan saddex bog yahay, haddana marka aad akhrinayso, laba layn noqonaaya, oo aad odhanayso alla yaa sii wada, oo in kale ku dara,ka xiisa goyn maysid, kana daali maysid.

Qoraagga sheekooyinkan iyo maqaaladdan qoraa, waxuu caan ku yahay oo kale, in munaasibadaha iyo xafladaha uu mid ka mida uu ka akhriyo, taas oo xafladda uu ka akhiryo ka dhigta mid maalintaas oo dhan la hadal hayo, dadkuna inta ay dhageesanayaan, mar waa ay qoslaayaan, mar waa ay qiiroonaayaan, marna waa ay yaabanyihiin.

Goorahanba waxa aad iga sugaysa, bishaaradydu waxa ay tahay, iyo qoraaga magaciisa, waan kuu jeeda in aad i raagsatay, waanaan kusoo qaddimayaa, warka oo faah faahsan.


Waxa qorey Sayid Axmed M Yuusuf

Gumburigii badhbaa joogsadiyo gorayo-cawshiiye
Saryankii garbaha weyn lahaa goob ka kici waaye
Waxa goonidaaqii habsaday gubaddadii Hawde
Garanuugta iyo Deeradii gaag yar baa hadhaye
Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene.

Gabaygaa aan ka soo qaatay dhawrka bayd, waxa tiriyey gabyaagii caanka ahaa Ismaaciil Mire, mar ay dhacday abaar aad xun. Waxa uu la hadlayey "Guuguule" oo ku lahaa Guuguulihiiyoow haddaad gu´ga u ooyeyso, abaar gaagma reebtaa dhacdiyo gaatamoo kala´e. Waxa uu ku lahaa " Waar keligaa dhibaatadu ma haysato´e intaas oo ugaadh iyo duunyo ba ah, baa abaartaasi dhibaato gaadhsiisay. Umaan bixin in aan ka faalloodo gabaygaas, ee waxa ii geeyey gadaal baan ka sheegi. Waxa aan se qalinka u qaatay in aan faallo kooban ka bixiyo buugga la magacbaxay QAYLODHAAN DEEGAAN oo uu qoray Axmed Ibraahin Cawaale.


Waa buug aad ka faaiidayso wax badan oo ku saabsan deegaankeenna. Dhanka dhirta iyo duurjoogta ku nool geyigeenna. Markiiba waxa aad garanaysaa qoraaga buugga qoray in uu yahay nin aqoon sare oo ballaadhan u leh deegaanka. Waxa kale oo aad ka marag-kacaysaa in qoraagu uu soo maray dhul aad u ballaadhan oo laga yaabo in aan dadka badidoodu arag, maqal-mooyaane. Waxa aad dhexmushaaxaysaa oo uu ku dhexgeynayaa buurta Surad oo ah buurta ugu dheer deegaanka soomaalida. Buurta Gacanlibaax ayaad wax badan ka fahmaysaa oo uu ka bixinayo sawir guud. Waxa uu kuu tilmaamayaa goobo sumoobay sida xeradii Ayaxa ee Hargeysa. Goobtaas oo u ahayd xarun hay´addii la dagaalanka Ayaxa. Dhibaatada ay keentay suntii Ayaxu ayaad ku baraarugaysaa iyo sida aan waxba looga qaban. Waxa uu hortaada soo dhigayaa cilmi-baadhis badan oo la sameeyey oo xaqiijinaya jiritaanka sunta ku duugan dhulka ku xeeran Xeradii Ayaxa ee Hargeysa.


Faaqidaad kooban oo ku saabsan buuga HIIL.
Waxa qorey: Ilyaas Cabdi Carte

"dhabtuunbaa khalqigu diidayaa, meesha dheertagaye
dhulgariirka waa laga baqaa,waayo soo dhaxaaye
la dhex joogimaayo arlada,dheelmashaa u qorane
qofba wuxuu dhigtaaba u yaal, dhiilka aakhiro'e
ninkiidhiiri sheegtow is furo,waa dhanaan tahaye''

Dhilgariir, Hadraawi

Aragtidaa kama foga buugga Hiill loogu wanqalay. Iyaduu axadhayaa bulshadana u soo bandhaigayaa xannuunkeeda. ‘’ Hadduu iyidhaa qolomaad tahay ma qarsado. "migaanbaan ahay baan idhaa. Maxaad u sheeganaysaa buu i waydiiyaa, adigaa i waydiiyey, adigaa ii yaqaan, haddana waad ka xuntahay baan ku idhaa. Waxaad ii taqaan baan kuu sheeganayaa waayo ma taqaanid Muuse Dhariyo....... ma taqaanid Madhibaan.....''.

Xasan Cabdi Madar qoraaga buugga Hiil waxa uu ina hor keenayaa qudhun iyo cadaab faraqa uga buuxa takoortada oo kaaga darane ay ogyihiin hadana aanay ogayn. oo waa ayo takoortadu? buugu wuxuu ina leeyahay waa inta waxtakoorta oo Ajigu ugu horeeyo.

Waxa uu buugu ilaa heer inagu dhaadhicinayaa nollasha dhabta ah ee bulshada la haybsooco ee dadka inta badani aanay ka war hayn.


Social Community
Join us today

There are currently, 157 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com