|
08/06/2006: Submitted for publication via web 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad
by Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin (from somaliland.org)
Anigoo tix galinaaya codsiyo faro badan oo iiga yimid dadkii akhristay maqaalkii taariikhiga ahaa ee jabintii jeelka madheera waatan qaybtiisii labaad. (qaybtii hore halkan ka akhriso)
Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin - Abdirisaq Alpho Waxa maalintaa soo gabo-gaboobay, kun, afar boqol iyo kow iyo lixdan maalmood (1461) oo u dhiganta afar sanno iyo laba maalmood oo aanu gacanta ugu jirnay aniga iyo saaxibaday taliskii siyaad barre, mudadaasi oo kun, sadex boqol iyo sagaal iyo sodon maalmood (1339) oo ka mid ah una dhiganta sadex sanno iyo badh aanu ku jirnay jeelka madheera. 03- 10- 1984 Haddii waaga uuni uu baryay taariikhduna ay tahay ta kor ku xusan ee sadexdii oktoobar kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetankii, ayaa waxaa naloo qaaday dhankaa iyo maxkamaddii badbaada dalke ee Hargaysa. Taasi oo sagaal iyo labaatankii sibtanbar lagu dhagaystay dacwad lagu soo oogay sideed iyo toban arday oo aan ka mid ahay, gabayaaga weyn ee caalka ah waa Cali Xasan Roodhiile'e (Cali Banfas) iyo cabdi dhamac oo ahaan jiray markii hore nin ganacsade ah. Maxkamadda iyo agagaarkeeda ayaa ahaa mid aad iyo aad amaankeeda loo xoojiyey, ciidamaduna ay sida ayaxa u daadsan yihii meelo maxkamaddaba ka durugsan, halka wado kasta oo maxkamadda soo gasha iyo maxkamadda hareeraheedaba loogu wareejiyey beebeeyo. Waxaa maxkamadda hor tubnaa dad aad u tiro badan, halka maxkamadda gudaheeduna uu ahaa mid buuxdhaafay. Haddii aanu wax yar uun fadhinay ayaa waxaa soo galay gudoomiyihii maxkamadda badbaadada dalka waa Maxamuud Geele Yuusufe iyo labadiisii ku xigeen. Waanu istaagnay dhamaantayo, haddaanu nahay eedaysanayaashayadii iyo hadday noqoto dadkii u yimid dhagaysiga xukunkayaguba iyo hadday noqoto todoba qareen oo na difaacayayba, markii Geele iyo saaxiibadii ay fadhiisteena waanu fadhiisanan. Geele: maxkamaddu way furanrahay waxaanan idiin sheegayaa in maxkamaddu haddii cid ay xukunto aan la ooyi karin, haddii cid ay sii daysana aan la mashxaradi karin. Haddii Geele uu intaa hordhac uga dhigay xukunkiisiina wuxuu hadana raaciyey: fadhigii ay maxkamadda badbaadadu yeelatay bishii sibtamber sagaal iyo labaatankeedii waxay maxkamaddu dil toogasho ah ku xukunta eedaysanayaasha kala ah. - Cabdirisaq Sheekh Ibraamim Kooshin - dil toogasho ah
- Yuusuf Maxamed Ciise - dil toogasho ah
- Cabdiraxiim Maxamed Baaruud - dil toogasho ah
- Cabdi Ismaaciil Maxamuud - dil toogasho ah
- Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar - dil toogasho ah
- Maxamed Baashe Aw Cali - dil toogasho ah
- Cabdi Dhamac Caabi - dil toogasho ah
Haddii magacyadaasi aanay afka Geele ka soo wada bixin, ayaa waxay dadkii maxkamadda ku jiray oo dumar u badnaa ay la oogsadeen hoogayoo ba'ayeey iyo qaylo mar qudhaata buux dhaafisay qolkii maxkamadda tin ilaa cidhib. Maxkamaddu siday idiin sharaftay halloo sharfo oo uu laba, sadexjeer ku celiyay Maxamuud Geele yuusus una yidhi si adag oo dadka baqo kalisayna wuxuu raaciyey: sagaal arday oo kale oo uu ku xukumay xabsi daa'in, sadex arday oo kale oo uu ku xukumay min sadaex sanno iyo Cali Xasan Aadan (Banfas) oo uu ku xukumay shan iyo toban sanno oo xadhig adag ah. Isla markiiba waxa maxkamaddii laga dareeriyey dadkii ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shicibka ahaa anagana waxaa nalagula boobay katiinado. Wax yar ka dibna waxaa nalagu guray gaadhi madoobe dheere ah oo ay dhinacyada ka saaran yihiin ciidamadii siyaad barre ee daraawiishtu, halka ay ciidamada milatariga iyo tiknikadooduba ay xagga hore iyo xagga danbaba nooga daadihinayeen. Waxaa nala soo mariyey wadada marta dhakhtarka Hargaysa dabadiisa anagoo u haysana in nala gaynaayo jeelka Hargaysa, waxaanuse garannay in nalagu wado meel kale markii baabuurtii ilaalada ahayd iyo kii nasidayba ay jeelka xawaare ba'an ku dhaafeen cagtana saareen dhankaa iyo wadada laamiga ah ee Berbera u baxda, iyadoo markaa maskaxdayada ay ku soo dhacday in nala gaynaayo madheera amma labaatan jirow oo aan sheeko uun ku maqlay ahaydna halka ay ku xidhnaayeen kooxdii la odhan jiray ufo. Waxaanu xaqiiqsanay in nala gaynaayo Madheera markii baabuurtu nagala leexatay tuulada Abdaal, iyadoo inta u dhaxaysa Abdaal ilaa jeelka ay ciidamo milatari ahi tallaabo takllaabo u daadsanaayeen. Wuxuu gaadhigii na siday galay gudaha jeelka halka kuwii ilaalada ahaa ay albaabka hortiisa nagaga hadheen, waxaana nalagu wareejiyey askartii iyo sarkaalkii haystay jeelka Mandheera. Waxaa naloo qaybiyey laba kooxood waa kooxdayadii dilka ahayd iyo kooxdii kale ee xadhiga ahyde, waxaana nalaga furay katiinadihii maxkamadda nalagaga soo xidhay iyadoo naloogu badalay mid kale oo la yidhaa dhafoor maroodi taasoo ay isticmaalaan askarta jeelku. Waxaa isla markiiba todobadayadii dilka ahaa loola cararay qaybta dilka ee loo yaqaan " qabta " qaybtaasi oo loo sii maro lix albaab oo soo kala horeeya iyo albaabka u danbeeya ee qolka aad ku xidhantahay. Waxay ka koobnayd sideed qol oo afarba dhan ka soo jeedaan iskana soo hor jeeda waxayna ahayd meel madaw, fool xun, uskag badan isla markaana aad arkaysay qolalka ay ka koobantahay oo ay ka soo jeedaan dad raamaystay, waxaanay maalintaa u horaysay noola ekayd ammaba ay ahayd meel yaab iyo argagax badan. Tiraba labaataneeye qof oo kujiray ayaa wakhtigaa badhna soo taagnaayeey albaabada qolalka oo garaa' id ahaa badhna soo kada loobeen, waxaana markii askartii nawaday iyo kuwii gaadhka ahaaba naga baxeen, lana kala baxnay buste buste nala siiyey nala hadlay nin weyn oo gadh weyn lahaa lana odhan jiray Sheekh Ismaaciiil Carab, ninkaasi oo ahaa nin baayac mushtari ah dukaan weyna ku lahaa magaalada Hargaysa kaasoo ay alla ha u naxariistee aadan shiine ilmaadeer ahaayeen sida aanu markii danbe ogaanay. Sheekhu wuxuu naweydiiyey intayada saraakiisha ah iyadoo Maxaabiista iyo askartaba loogu sheegay in la keenayo niman saraakiila oo SNM ah lana soo qab- qabtay, waxaanuse u sheegnay inaanu ahayn arday dhiganaysay dugsiyada sare ee magaalada Hargaysa. Waxay maalintaasi ahayd maalin Arbaca ah, isla jimcihiina waxaa noo yimid dad boqollaal ah oo ka koobnaa shacbi weynaha magaalada Hargaysa, waxaanay maalintaasi noo ahayd maalintii noogu horaysay dad shicib ah muddo sadex bilood ah oo aanu ku xidhnayn qaybta lix iyo tabaatanaad amma fooqii loo yaqaanay fooqa gaani. Subaxnimadii maalintaasi ilaa gabal dhiciina waxaanu fadhinay xafiisyada hortooda halkaasi oo marba koox shicib ahi nagu soo booqanaysay, waxaanay dadka badiduusu ahaayeen kuwo indhahooda ay ilmadu ka da' ayso iyagoo waliba sidaa doonayay inay anaga noo calool adaygaan, qofkastaana wuxuu noosheegayey ingaani loo tagay oo saamaxaad naloogu maqanyahay, waxaanse wasuusanayey tuduc ka mid ah gabay uu lahaa Cali banfas oo ahayd " aabaha ha saamaxo la leeyahay, waa orgamihiiye ". Dilkii u horreeeyey ee alle ha u naxariistee caano boodhe iyo kuwii ka danbeeyey. Hadii aanu ku jirnay labo wiig dadka qofkii noo yimaadaana noogu bushaaraynaayo sii dayntayada, dadkii dilka ahaa ee aanu qabta ugu tagnayna ishoodii is badashay ka dib markii nooc wal oo raashin ah oo naloo keenaba aanu qayb tooda siino, aanad arkaysay dadka wajiyadooda oo soo diiraya iyo xataa meeshii oo dhaq-dhaqaaqeedu batay, yaa duhurnimadii maalin arbaco ah waxaa soo galay qabta askarigii maalintaa meesha haystay iyo dhawr askari oo uu wato. Wuxuu is hortaagay alaabkii garaa' idka ahaa ee mid ka mid ah qolalka qabta oo uu ku jiray nin la odhan jiray caano boodhe, askarigaasi oo sadex xadhigle ahaa lana odhan jiray muuse kuu kuu. Muuse Kuu Kuu: waar mee caano beedhe. Caano Beedhe: waa i kan. Muuse Kuu Kuu: waar bal dharkaaga cad xidh oo soo bax waxaan u malaynayaa inuu viisad kuu yimide. Isagoo muuse sii furaya albaabkii qolka uu caano boodhe ku jiray. Caano Baadhe: (00 ilaahay ha u naxariisree maalintaa maalin ka hor timaha iska sii xiiray, cidiyaha iska sii guray isla markaana xidhnaa dharkii caddaa ee dilka). Waar ina mari viisadna noomuu imane waa nala qaadayaaye. Maalinta Arbacada iyo maalinta Jimcuhu waxay barigaa ahaayeen maalin ay maxaabiista qaraabadooda amma asxaabtooduba ay soo booqato halka markii danbe maalinta jimcaha uun laga dhigay, maalinta arbacaduna waxay ahayd maalinta la qaado qofka la dilayo, iyadoo sharciyan ay u qornayd qofka in la qaado lana geeyo meeshii laga soo xukumay si maalinta khamiista ah todobada subaxnimo loogu fuliyo dilka toogashada ah. mar haddii la soo celin waayey garanay in caano baadhe la qaadaye, waxaanuse is leenahay naftana ku sasabaynaa saw ma dhici karto in meel kaleba oo qaadaa, waxayse runi runteed tagtay markii gaadhkii subaxnimadii khamiista ahayd soo galay noo sheegeen in saaka todobadii subaxnimo caano beedhe lagu toogtay magaalada Burco sidaasina uu sheegay warkii sideeda subaxnimo ee radio Muqdisho. Waxay maalintaasi kaga duwanayd maalmihii danbe, waxay ahayd maalintii noogu horaysay ee nin aanu meel ku wada jirno lagu fuliyo xukun dil ah, waxaanay ahayd maalin ka naxdin badan maalmihii danbe oo raggu uu isku badalakay gasariir qofka la qaadayana la odhan jiray " waa wax yar baanu kaa danbaynaynaaye waa inoo aakhiro iyo qabriga " maalintaasina waxay ahayd maalin nin waliba intuu quraanka ka yaqaanay sodon goor kor iyo hoosba u akhriyey. Dilkii Alle ha u maxariistee Cabdilllahi Dheere Iyo Yuusuf. Cabdillaahi Dheere wuxuu ahaa nin u dhashay jiida Gabiilay ilaa alaybaday, waxaanu reerkoodu ahaa beeralay. Cabdilllaahi waxaa loo iman jiray labadii biloodba mar, maalintaasina waxay ahayd maalinta noogu warka dagaalada amma SNM ta badan. Waliba waxaanu u jeclayn maalinta cabdillaahi dheere ay hooyadii u timaado, iyadoo cabdilaahi hooyadii ahayd war galeen waliba ku darsatay dhiirranaan iyo baqasho la'aan aanay ka baqan jirin askarta dhinacyadeeda tuban. Waa maalin arbaco ah waana maalmahaa hore ee ay isku jireen dadka qaadistooda iyo soo baaqashadoodu, waa goor duhur ah waxaana noo yeedhay cabdillaahi dheere iyo nin kale oo markaa qabta wax yar uun nagula jiray, waxaanay ahayd wakhti ku beegan kalkii cabdillaahi loo iman jiray. Waxaa nalaga kaxeeyey cabdillaahi iyo yuusuf iyadoo sidii caadada u ahayd askartu markii hore ku kaxaysan inay u malaynayaan in cidi u timid, cabaar haddii cabdillaahi iyo yusuufba naga maqnaayeena waa la soo ciliyey iygoo askarina daba socoto. Waar cabdillaaci ma hooyaa kuu timid mise cid kale, ayaa mar qudhaata ka soo kala yeedhay dhawr qol oo maxaabiistii ku xidhnay ay albaabka taagnaayeen. Waar maye kii kalaa yimid iyo kee iyo kii kale dee, ayay hadana is dhaafsadeen cabdillaahi iyo laba nin oo kale oo cabdillaahi ay isku qol ahaayeen, ugu danbayntiina wuxuu cabdillaahi sheegay in dilkoodii uu barrito yahay laguna yidhi soo qaata gogoshiina barritaa laydin tooganayaaye. Iyadoo wakhtigaasi ay ahayd wakhti ay qadadayadii bisishahay ayaa waxaanu ka hodsanay askartii maalintaa gaadhka haysay in aan nimanka gaajo lagu kaxayn ee la sii qadaysiiyi, haddii ay si wanaagsan u qadeeyeena waxaa qalkii aan ku jiray isasoo hortaagay yuusuf isagoo na weydiistay inaanu xabad sigaar ah u shidno. Siintii yuusuf aanu xabad sigaara siinay una shidnay iyo dhaqaaqii uu naga dhaqaaqay in yarna uu naga sii maqnaa, ayuu nagu soo noqday yuusuf oo xabaddii sigaarka ahayd ka bakhtiday. Waar bal ii shida hadana xabaddii sigaarka ahayd wey iga bkhtidaye oo malaha waan yar sakatiyaye ayuu hadana yuusuf si geesinimo ah noogu yidhi, anagoo aad ula yaabnay ninkaa iyo calool adkaansiisa uu xaalidiisa ku tilmaamay mid fudud oo sakati ah.si wanaagsan ayaanu u sii sagootinay cabdillaahi dheere iyo saaxiibkii yuusuf anagoo ilaahay uga barinay inuu ka yeelo kuwii naftu si dhib yar oon silic lahyn uga baxdo. Dilkii Alleh ha u naxariistee saaxiibkaygii arbaca turubka i baray waa Caddeeye'e iyo ninkii jilaaga ahaa ee la odhan jiray Dhucda iyo Maxamed Faroole. La soco qaybta sadexaad iyo wixii dhacay jebintii jeelka Mandheera ka dib maalinta Axada ah haddii eebe idmo. Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin Abdirisaq Alpho
|