header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


5/6/2006: Submitted for publication via web
05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA
by Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin

(from somaliland.org)

Waxay ahayd barqadii lixiyo labaatankii may ( 26- 5- 88 ) oo ahayd maalin khamiis ah, markii aanu maqallay siidhiga askarta jeelka oo makhsin walba ka dhex qaylinaaya iyo waliba askarta oo maxaabiista ugu baaqaya in laysugu yimaado bannaanka weyn ee jeelka dhexdiisa ah.

Haddii mid guri ku jiray, mid musqusha ku jiray iyo mid xamaamka maydhashada ku jirayba ay isugu yimaadeen barxaddaa weyn askartuna ay aad u dhoobantahay dhinacyada maxaabiista, ayaa waxa ka soo galay albaabka u dhaxeeya qaybta maxaabiista iyo xafiisyada askarta, sarkaal labisan dirayskiisii ciidannimo oo ay ku lamaantahay darajadiisiina. Muu ahayn nin aanu hore u aragnay, waxaase jirtay in maalintaa laba, sadex casho ka hore uu geeryooday taliyihii xabsiga dhexe ee madheera Daahir jubonayn oo xanuun kadis ahi ku soo booday, waxaana kollayba la sugayey in taliye cusub loo soo magacaabi doono jeelka weyn ee madheera.

Waxa uu noo sheegay inuu yahay taliyihii xabsiga dhexe ee Hargaysa (waa ninkii Xasan Jilic) badalaye iyo geerida ku timid taliyixii xabsiga Madheera iyo waliba in isaga lagu soo amray inuu sii tago Madheera inta cid loo soo magacaabayo. Qudbad isagu jirta wax sheeg iyo amar farid kadibna wuxuu noo sheegay inaanu hawlahayaga qabsanno.


Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin - Abdirisaq Alpho


Haddii intaani dhacday, waxaa la baadi doonay bal in la helo cid soo martay jeelka Hargaysa oo warbixin maxaabiista ka siisa dabeecadda iyo dhaqanka ninkaasi leeyahay, durbadiibana waxaa la helay lana sheegay inuu yahay in aan xilkas ahayn kuna soo meeraysta xataa raashinka iyo lacagta yar ee dadka maxaabiista ah qaraabadoodu ay u keenaan, waxaana habeenkaa la kala seexday iyadoo laga dharagsanyahay ninkaasi iyo dabcigiisa.

Subaxnimadii hore ee maalintaa ku xigtay oo ahayd maalin Jimce ah bisha Mayna ay ahayd todoba iyo labaatan ( 27- 5- 1988 ) saacaduna ay ahayd abaaro todobadii subaxnimo, ayaa waxaa jeelka soo galay koox saraakiil milatariga ah oo uu horkacayey taliyihii dugsiga milatariga ee madheera Cabaas kuwaasoo fuulay qolka rakaalka, inyar ka dibna waxaad arkaysay askartii jeelka oo la soo wada baxay kuna gaadhan hubkoodii iyo qalabkoodii dagaalka.

Maalinta Jimcuhu waxay ahayd maalinta dadka maxaabiista ah ay soo booqdaan qaraabadoodu, waxaana salaadii horeba loo sii diyaargaroobay soo dhaweyntii dadka, iyadoo maalintaasi tahay maalin ay maxaabiistu helaan wararka todobaadkaa la soo dhaafay. Waxaa loo yeedhay maxaabiistii u horraysay ee loo yimid (sida caadadu tahay maalintaa maxaabiista badankoodu waxay tubnaan jireen albaabka maxaabiista looga yeedho iyo agagaarkiisa) markii ay soo noqdeena waxaa la weydiiyey sidii caadadda ahayd cidda u timi iyo war wixii ku soo kordhay.

Waxay maxaabiistii sheegeen inaan habayaraatee cidna la tusin ee lagu yidhi oo kali ah raashinkan ayaa laydiin keenee qaata. Waa wixii lagu sheegayey iyo tolow ma wuxuu ina moodayaa "Abu jeerin " miyaanu ogayn in ragga meesha ku jiraa yihii xabsi daa' in ayaa markiiba laysla dhex qaaday, iyadoo aad arkaysay raggii siyaasadda u xidhnaa oo afar - afar iyo sadex - sadex geedaha hoostooda isagu imanaya kuna faqaya. Yaanu jirin nin qudha oo raashinka soo qaataa, haddaan layna tusayn dadkeena aynuu ahaa waxa kali ah ee maxaabiistaa siyaasadda u xidhani ay is faraysay, waxaana markiiba saraakiishii jeelka la gaaadhsiiyey in uu jiro kacdoon ka dhan ah raashinka khaliga ah ee aanay cidina sidin ee maxaabiista loogu yeedhayaa.

Waxaa noo yimid nin kabtan ah oo ah taliye kuxigeenkii jeelka anagoo ah afat ilaa shan aan ka xasuusto Cabdi Ismaaciil, Maxamed Baashe iyo Yuusuf Maxamed ciise.

Maxaa dhacay ee aad xam-xamta lahaysaan ? ayay ahayd wixii uu markii u horraysayba na weydiiyey, waxaanan u sheegnay inaanay ahayn waxan ay la yimaadeen wax ka soconaya, anagoo waliba u raacinay inaanu raashinka dawladda ku leenahay ee maalintaa aanu xaq u leenayah in dadkayaga nala tuso.

Waxba ma ogidin iyo wax maxaya ayaanu haddana is weydaarsannay. Waar nimankii SNM ayaa saaka magaaladii Burco soo galay oo saraakiil baddanna ku laayey badankeediina haysta ee hayswaalina iyo aniga oo ugu jawaabay " bal waxaad noogu sheekaynayso eeg SNM tu ma sidii likihiibay Burco saaka uun ka soo dhex baxday ) iyo waar raashinkiina iska qaata oo uu sarkaalkii isagoo sii socda nagu soo tuuray ka dib ayaa waxaa nagu soo xoomay maxaaabiis kale inyar ka dibna waxaa yeedhay siidi ah hala xeroodo iyo askartii oo maxaabiista dhangax xagga danbe sidii adhiga kaga soo wadda.

Waxaa ii yeedhay anigoo sii galaya makhsin aan ahayn kaan u hoyanayey oo aan is lahaa inta labada xero u dhxaysa waa sidii caadada noo ahaan jirtaye turub ku soo ciyaar Xasan Cabdi oo ahaa askarigii maalintaa gaadhka haystay. Xasan Cabdi wuxuu ahaa nin dhalin yaro ah waxaanu markii hore maalin haysan jiray gaadhka qaybta dilka ee loo yaqaanno ( Qabta ) wakhtigaasi oo aanu halkaa ku jirnay.

Wuxuu ahaa nin aad u fur - furan maalintiisuna waxay run ahaantii ahayd maalin noo tirsan, isagoo maalintiisa xerada nooga soo qaadi jitay ciyaaraha dubnadda iyo turubka oon dadka dilka ah loo ogolayn, waxaa kale oo uu noo samayn jiray in uu qolalka naga furo marka aanu u baahano musqusha laba amma sadex jeer maalintii halka maalinta kale mar qudhaata nalooga ogolyahay inaanu musqusha gallo, ugu danbayntiina markii aanu u wareegnay jeelka weyn wuxuu ahaa ninkii noo soo galiyey Radio aanu markaa haysanay oo jeelka mabnuuc ka ahaa.

Turub ayaan qolkan ku soo ciyaarayaa iyo Alphow qolkaagii gal in layska furiba Allaa oge ayaanu aniga iyo Xasan Cabdi iswaydaarsannay. Maxaa dhacay ( inigoo afka u soo dhuubaya ) iyo SNM tii ayaa Burco saaka soo gashay oo qabsatay oo dagaal ilaa diyaarddo laysku adeegasaday ayaa ka socda ayaanu haddana su' aal iyo jawaab isagu celinay anigoo garan la' in SNM tu iyana diyaaraddo ku dagaalamayso iyo in kale, waxaanse xaqiiqsaday in warka labada nin ee faqashta ahaa isku raaceeni uu yahay wax jira, taasi oo ahayd waxaan hore looga baran askari ku yidhaa SNM baa meel soo gashay.

Maalintaasi waxay ahayd maalintii debed iyo albaab layska furo noogu danbaysay, Xasan Cabdi oo mardanbe qolkii aan ku jiray iigu yimidna waxuu ii sheegay in baskii raashinka noo siday la celiyey isagoon wax raashin ah laga soo dajin, waxaanu ii raaciyey inaanu ku farro adaygno waxaanu imika haysanno. Kow iyo sodonkii bishana waxaan furay warqad uu buuri ku jiray oo uu yuusuf Max'd Ciise oo qolkale ku jiraa iigu soo dhiibay askari, warqaddaasi buurigu ku jiro oo uu hoosteeda iigu soo qoray inay BBC-du waraysaray Axmed Siilaanyo iyo in Hargaysaba la soo galay.

Siciid Sara kac oo ahaa askarta jeelka ahaana askari u dhashay deegaanka madheera ahaana nin iska da' weryn oon dhibaato badnay ayaa soo hoos maray daaqadda aan hoos jiifsado oon markaa taagnaa, iyadoo maalintaasi dagaal xumi uu ka socday meel aan jeelka aad uga sii dheerayn, gariirka iyo xabaddubana ay ahaayeen kowo aad noogu soo dhaw. Siciid maxaad sheegtay iyo waa nabad ka dib ayaan Siciid weydiiyey meesha gariirkaasi ka dhacayo intii aanu Siciid ii sheeginna wuxuu i weydiiyey bal inaan wax raashin ah haysanno iyo in kale. Wax yar baanu haysanaa iyo kiiloo bariis ah ayaan ku siin doonaa haddii aad ii sheegto meesha dagaalkaasi ka dhacayo iyo waa Cadaadlay oo waliba ay nimankii qabsadeen ayaanu subaxaana aniga iyo siciid Sarakac isweydaarsannay anigoo siiyay labadii kiiloo ee bariiska ahaa ee raashin noogu danbeeyey mid ka mid ah.

Waxay ahayd shantii iyo afar iyo toban daqiiqo markii xabaddu ay ka dul qaraxday todoba boqol iyo konton maxbuus oo ku jiray jeelka Madheera, waxaan ku jiray qol ay ku jiraan beelaha dawladda taageersan halka anagu aanu ka ahayn lix nin intayada ka soo jeeda beelaha taageersan ururka SNM. Waxaanu isku qol ahayn nin la odhan jiray Max'd dhegaweyne oo ay Max'dCali ( labadoodaba Alla ha u naxariistee ) ay saaxiib ahaayeen, ninkaasi oo Max'dCalina u wadi jiray gaadhi dhafoor qiiqle ah markuu Max'dCali watay jabhaddii afraad ee dagaalkii soomaali galbeed, waxaana Alla ha u naxariistee Dhagaweyne iyo nin isna jeelka nagula jiray oo Hawiye ahaa lana odhan jiray Xaashi la soo xidhay markuu Alla ha un naxariistee Max'dCali goostay.

Markii ay cabaar xabddu dhacaysay ayaanu shantayadii nin ee kale ee Isaaqa ahaa isugu nimid booskii Dhagaweyne, anagoo Max'd weydiinayna bal inuu nooga warramo waxa uu u malaynaayo dagaalka dhacaya. Alla ha u natariistee isagoo markaa gacanta ku hayey kitaab quraana oo uu akhriyayey ayuu Max'd intuu dhoolo cadeeyey nagu yidhi " waar illayn qolbaan idinkula jiraa waxba ma arkayee orodoo ninwalawba booskaagii ku noqo oo in Ilaahay nimankaa guusha siiyo quraanka akhtista.

Ninbaa laga hayaa ku kaadshaan nin u aqaanaaye, xaggee buu jiraa quraan akhrisku rasaastaa intay hadh beeshay ayay maxaabiistii noqotay wax beerka dhulka ku haya iyo wax shuban musqusha ugu jira mana jirin cid- cid la hadlaysa iyo wax isweydiintoona. Sheekh Daa'uud oo ahaa nin da'diisu kontonka kor u dhaaftay ahaana nin gacan ku dhiigle ah kuna xukunnaa xabsi daa' in ahaana sheekha jeelkaba tukiya oo aanu isku gogol xignay labadayada maxadna soo kala horjeedaan ayaa kor ula soo toosay tusbax uu ku wardisanayey isagoo markan faal ula kala baxay. Hadii uu riday kuna celiyey oo uu yidhi markhaatigaa anna aan isleeyahay sheekh Daa'uud baa wax la tusayaa ayaan ka soo hinqaday gogoshii aan dhabarka ugu jiifay waxaanan hadal aan hoos u dhigayo ku idhi " sheekh Daa'uud bal bahalka iiga warran" .

Cabdow iska jiifso iyo anigoo isla markiiba dub ugu noqday jiifkaydii ayaa is xigay, waxaanay xabaddu dushayada si aan kala go' lahayn uga dhacaysay ilaa kow iyo tobanadii. Wakhtigaasi ayaa waxaad arkaysay xabadda oo aad moodo inay naga sii fogaanayso siina joogsanayso anigoo dhagahaygana ay ku soo dhacayeen dhawaqa siidhi aan is idhi malaha siidhigaasi waa jabhaddii oo sii baxaysa, iyodoo markaa haddii lay saro aan bar dhiig ahi iga timaadeen . Haddii ay xabaddii istaagtay ayaa mar labaad intayadii Isaaqa ahayn waxaanu haddana isugu nimi gogoshii Alla ha u naxariistee Dhagaweyne kitaabka ku akhrisanaayey, waxaanan ku idhi " Maxa'daw maxaad u malaynaysaa siidhigaasi malaha kii dawladda maahee waa nimankii oo la jabiyay. Intuu haddana qoslay aynuu nagu yidhi " maxaa aniga i weydiinaysaan hadii laynaga jabiyo meeshana waynu arki haddii kalena awalba weynu ku jirnaye" waxaanu hore ka sii watay quraan akhriskiisii.

Waxaan ku noqday booskaygii, waxaana iigu yimid Fircoon jaamacoo oo aanu isku qol ahayn horena aanu isku iskuul u ahayn, isagoo sita arbaca turub. waxaa nagu soo biiray laba nin oo kale waxaanuna la kala baxnay arbaca turubkii. haddii ninkii u horreeyey degay ayaa waxa dib u bilaabmatay xabaddii waxaanad arkaysay afartayadii nin oo nin waliba yeeke yeeke ku daray, ninwalibana intuu turubkii dhulka dhigay ayuu gogoshiisii dib ugu noqday anna waxaan dib ugu jiifsaday gogoshaydii. waxaa mar labaad faalkii la soo sare fadhiistay sheekh Daa'uud oo intuu dhigay haddana yidhi markhaatigaa, anna intaan markan hadal soo diyaarsaday ayaa markii uu dhameeyey sheekhu faalkii aan ku idhi sheekh dee bahalka nooga warran. " cabdow nimanku waxaan dhib ahayn inoolamay iman oo waxba inaga jabinmaayaan " iyo ma dhibtan aynu ku jirno mid ka daranbaa inoo hadhay oo aan sheekha si cadho ku jirta uga hor geeyey ayaa waxaan raaciyey istaag aan sare isu taagay anigoo daaqaddii aan hoos jiifay is kor taagay.

Waar Cabdirisaq iska warran iyo waa nabaddii aanu is dhaafsanay Daahir Max'd Jaamac oo guriga iga soo hor jeeda ku jira daaqaddana soo taagan, ayaa waxaa dhexdayada soo maray nin ka mid ahaa askarta jeelka lana odhan jiray Cabdillaahi Biric oo markaa wajiguusu aanu qurux badnayn.

Eeyaa Cbdillaahi inyar oo bariisa ma ku siiyaa malaha ilaa saaka waxba maad cunine iyo waar bariiskaabe dhacye daaqadaha ka fadhiista xabaddii xagaasay ka soo dhacaysaa yaanay daaqadaha idinkaga dhicine, haddii Daahir iyo Cabdillaahi is waydaarsadeen ayuu Cabdilllahi meen noo muuqata fadhiistay isagoo qorigiisii intuu labada lugood dhexdiisa galiyey madaxana afkiisa hore saaray, waxaanad jawigiisii hore iyo fadhigiisiiba ka arkaysay niyad jab weyn. Markan waxaa lagu dagaalamayaa meen naga yar durugsan iyadoo mararka qaar haddana xabadu dushayada ka dhacayso, waxaanad moodaysay in dagaalku laba aag ka kala socdo. Daahir Max'd Jaamac oo aanu wali sheekaysanayno aqalka uu ku jiraana iga soo horjeedo isagu arkayana waxa ka dhacaya banaanka weyn ee jeelka iyo gidaarka danbe ee jeelka ayaa mar qudha kor ugu dhawaaqay " Wallaahi waa kuwa gidaarkii danbe jabiyey " isagoo inyar ka dibna ku xigsiiyey waar waa kuwaa ayjeeshiina badhna meeshii dalooshay ka baxay badhna maadka ( maadku waa qayb jeelka ka mid ah laakiin aan cidi galin oo ay ka dhisan yihiin guryo aad u gaboobay ) galaye meesha inaga jabiya.

Haddii aqal walba aad ka maqlayasay garaaca albaabada laakiin aanu jirin aqal kaliya oo albaabka iska jabiyey, albaabada jeelkuna ay ahaayeey kuwo xadiid ah, ayaanu aniga iyo Daahir iskaga soo noqonay daaqaddii aaanu ka wada hadlaynay iyo bal inuu Daahir gidaarkii la dumiyey dhaq-dhaqaaqiisa la socdo.

Intaa ka dib waxaad maqlaysay baasuukayaal faro ku tiris ah oo xaggayaga u soo dhacayey halka dagaalka qaybtiisii badnay naga sii fogaanayso.

Waxaa mar qudhaata nagu kulmay iyadoo markaa saacaddu ahayd labadii duhurnimo oo gaw ah, raxan ka mid ah mujaahidiintii SNM oo jeelka ka soo galay xaggii danbe ee ay jabiyeen iyo koox kale oo ka soo galay albaabka hore iyo qaybta dilka oo uu Illaahay naxariistii janno isaga iyo intii dagaalkii xaqa ahaa ku shahiidayba ha siiyee uu ka mid ahaa MaxamedCali oo ahaa sarkaalkii watay hawl galkaa jabintii jeelka madheera, waxaanan ku soo baxay ninkii sarkaalka ahaa ee Hargaysa nalooga soo badalay oo bahal curiya oo illaa maalintii Burco la soo galay, anagana albaabada nalagu xidhay waayey hilibkii uu maxaabiista la cuni jiray oo saruuradaysan oo margiga oo xabadi kaga dhacday ka hiigaaya.

Wuxuu ahaa dagaal aad u culus iyadoo ciidamada faqashta ee goobtaa jeelka ka dagaalamay tiradooda lagu qiyaasay in ka badan sideed boqol oo askari kana mid ahaayeey ciidamadii laga qabsaday Cadaadlay, kuwii xerada madheera iyo kuwii qaybta kaydka hubka ee Barta iyo waliba ciidamo ka mid ah daraawiishta Hargaysa oo ahaa kuwii soo qaaday kontomeeye odayaal ah oo laga soo xidhay magaalada Hargaysa. Waxaad arkaysay maydka askarta faqashta oo raxan-raxan madaxa iskula jira halka jabkii firxadkoodu ay ka soo jeesteen dhankaa iyo dhinaca magaalada Berbera.

Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
Abdirisaq alpho



The views published here are solely those of its authors (Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
51. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
52. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
53. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
54. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
55. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
56. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
57. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
58. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 178 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com