(Sawirka: aftahan.org)
Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu 1948kii ku dhashay Hargeysa. Wuxuu waxbarasho sare u tagay Talyaaniga horraantii 1970yadii, halkaasoo uu uga sii gudbay waddankii la odhan jirey Midowga Soofeiyeeti oo kusoo bartay culuunta siyaasadda. Wuxuu ka mid noqdey Guddigii Qoraalka ee wargeyskii maalinlaha ahaa ee Xidigta Oktoober.
Boobe laga soo bilaabo 1981-kii ilaa ridistii taliskii Maxamed Siyaad Barre, wuxuu ka mid ahaa mucaaridka waddanka ka maqanaa. Wuxuu ka mid noqdey jabhadihii WSLF, SSDF iyo SNM oo uu muddadii ugu dheerayd ka tirsnaa.
Laga soo bilaabo 1999kii wuxuu cilmibaadhe ka yahay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ee Somaliland, oo uu iminka ka yahay Isuduwaha Barmaamijyada. |