header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


redsea-online.com: Opinion - Fikrado

Search on This Topic:   
[ Go to Home | Select a New Topic ]

W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”

Maqaal kan ka horreeyey oo bishii Julaay, 2012, ku soo baxay goobaha Internetka Hadhwanaagnews, Weedhsan iyo wargeyska Geeska Afrika, ayey gebogebodiisu ahayd: ‘ si aynu qarannimo hagaagsan u dhisanno, aynu garanno in aynu dalka, gobol kasta, degmo kasta iyo koob kasta ba wada leenahay’. Waxaynu na ku khatinnay su’aasha ah ‘innaga oo ayo ah?’ Waa arrinta aynu qodobkan kaga hadlayno. Waxaa laga yaabaa ama u badan tahay ba in su’aashan loo arko tu maco daran. Ma waxaynu is-weydiinaynaa waxa aynu nahay nahay?! Ha yeeshee is-weydiintu waxay ku socotaa is-ahaanshaheenna siyaasadeed ee ay qarannimo ka unkami karto. Waa kuma is-ahaanshahaasi? Ma Reer-Hebel iyo Reer-Hebel baa? Maya.


Waxa qorey Mahdi Shiekh Cabdi Axmed

RUWAANDA dal baaxadiisu koobantahay oo leh xusuus xooggan oo ku yaal badhtanka afrikada cagaaran, quruxda cagaarka ku sixraya ee dhulkeeda rabi ku manaystay xili roobaadka bogiisa waxa jiifta murugo aan ilawshiyo gayin.

Muuqaalada Humaaga ah ee laga sameeyay iyo dhacdooyinkii dhabta ahaa ee laga duubay waa kuwo aanay maskaxdaadu rumaysanayn si dhacay iyada oo bani aadamnimadu ay taam tahay, Xusuusta in caalamku indhaha ka laabtay dhegahana ka furaystay wixii ka dhacay 1994kii markaasi oo ay aaladii isir tirku ay ku qudh bixisay hal milyan oo TUUTSI ah iyo kuwa barbar istaaga ee Huutuuga dhexdhexaadka ah, Taako kasta oo dhulkeeda ahi kama madhna xabaalo wadareed si degdeg ah loo xabaalay, may jirin waqti lagu xabaalo si waafaqsan karaamada qofka bani aadamka ah u cuntanta, waayo dhagarqabayaashu wali kamay fara xalan hawsha ay gacanta kula jiraan, nafaha dhibanayaasha ahi waxa ay isku dayeen inay magan galaan meelkasta oo ay islahaayeen waad ku nabad gelaysaan se siday moodeen umay dhicin waxayna isu badashay goobo argagax.


Waxa qorey Mustafe Aadan Nuur
© 2010, qoraaga.com

Waa lagama maarmaan in ummad waliba ay ku baraarugto masiibooyinka kaabiga u soo saaran, ee u ham iyo digle burburka iyo baaba’a dhaqanka iyo farshaxannimadadooda. Waxaan muran badanni ka taagnayn in ummadda Soomaaliyeed ay lahayd farshaxannimo iyo fan ay kaga duwanayd dhammaan uummiyaha kale ee adduunka ku dhaqan. Waxay ku caanbaxeen hodanna ay ku ahaayeen xikmadda afka, waxa kale oo ay afkooda kaga ciil bixi jireen xidhiidhka ay la lahaayeen deegaanta ay ku dhaqnaayeen. Shay walba oo dul yaalla deegaanka ay ku noolaayeen waxa uu lahaa magac iyo naanays ku haboon, xannuunkasta, mid xoolaad iyo mid dadka ku dhacaba waxa ay u yaqaanneen magac caan ah oo la isla wada yaqaanno la iskuna af garto. Haddaba, intaasi waxa u dheeraa siddeed iyo soddon gu’ ka hor waxaa la hindisay oo rag-rag ahi ay maskaxdooda ka tuujiyeen in ummaddani yeellato af la qoro oo lagaga raysto afafka qalaad ee dunida isku cidhiidhyaya.

Mar haddii haddaba aynu afartan (40) gu’ ku dhowaad aynu yeellanay af la qoro halkeebuu ku dambeeyay? Maxaa horumar ah ee uu sameeyay, ama aannu samayn? Maxaa lagaga faa’iidaystay ee lagu qoray si loo akhristo? Dhammaan su’aallahaasi waa qaar la is waydiin karo, ama aan la is waydiin karinba!.


Waxa qorey Cawil Cali

Waxaan dhowaan ka akhriyey bar ka mid ah mareegaha internetka [1] maqaal lagu soo qoray, kaasoo ka warramayey qayb ka mid ah taariikhdii la soo dhaafay. Qoraha maqaalka oo aan sheegin ujeeddada uu ka lahaa soo gudbinta qoraalkiisa, haddana mareegta uu ku soo gudbiyey waxay u sameysay hordhac marin habaabin ah kaasoo ay ku sheegeen in laga soo guuriyey xog ogaal, goobjoogayaal iyo dad war galeen ah!.

Qaybta uu ka warramayey qoraalkaasi waxa uu ciwaan uga dhigay “The night SNM fighters came to Hargeisa." Sida aan sheegay ma xusin qoraagu sababta iyo danta uu ka lahaa dhacdooyinka uu soo gudbiyey. Taasna isaga keliya ayaa og fikradiisana u madaxbanaan. Laakiin anigu waxan u qaatay in uu rabo in uu buunbuuniyo oo dib u soo nooleeyo, sawir quruxbadana ka bixiyo madaxdii soomaaliyadii burburtay.


A case of historical revisionism:
October 11,2010.

This article uses facts and figures collected from the SNM and SSDF veterans, and eye- witness accounts from the time of these events. This is a brief response to a series of articles printed by Wardheernews and signed by Abdulkadir Mohamoud. These two articles were printed on the 2nd and 6th of October 2010. The second article ends with the following pessimistic sentence appealing to the American public and government to be kind to Mohamed Ali Samatar, who is believed to have been responsible for the bombardment of the main towns in northern Somalia. Abdulkadir wrote this in his conclusion of a farce intended to mislead the world public opinion:
“….Out of respect of the Somali people, the people and government of the United States should protect Mohamed Ali Samatar from undeserved harassment.”

Read full article on farshaxan.com


Waxa qorey Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahaan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ahee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Allaha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, abbihii masraxa Jabuuti, uuna ka sii horreeyey aabbihii kale ee isla marxaas, Ibraahim Suleymaan (Ibraahim-Gadhle); Cabdi Muxumad Amiin, halyeygii halganka suugaanta samataliska ah; Ibraahin Garabyare, oo ugu nolol dambeeyey horseedkii iba-furay hees-casrida Soomaalida, horseedkaas oo uu hormuud u ahaa Cabdi Deeqsi (Cabdi Sinemow); Cabdulqaadir Xirsi Yamyam iyo Maxamed Cali Kaariye oo labadaba lagu xasuusto heerkii ay ka gaareen halabuurka quruxda badan iyo haladaygga waddaninimo; Cabdullaahi Amiir Aw Kuuku, calan-sidihii maadaynta masrax-Soomaaliga astaanta u ah; waxaa ka sii horreeyey abwaankii weynaa, Xusaan Aw Faarax iyo mataankiisii fanka, Cabdillaahi Qarshe oo ay isla ahaayeen aabbayaashii masraxa iyo muusigga casriga ah. Waxaa in yar ka dib ka daba tagey tiir-dhexaadyo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cumar Huryo, Cabdulle Raage Traawiil, Cumar Dhuule Cali, Cumar Macallin iyo Xasan Shiikh Muumin, Fiilosoofkii fanka iyo suugaanta yoolka leh. Way ka badan yihiin wax halka lagu soo koobi karo.


Waxa qorey Cismaan Nuur | tiraabe@hotmail.com

Waxan sheeko ku hayaa oo aan ka weeleeyey dad waayo arag ah in berigii hore ee dadka degeshigiisu miyiga u badnaa aad loo guran jirey midhaha dhirtu bixiso. Waxa habkaas midha gurashada loo yaqaanney "arahsi.” Dhir midheedda ugu caansanaa waxa ka mid ah Hohobta oo bixisa toonka, Dhafaruurta iyo midhcaanyada. Sida la ogyahay midhaha toonka ayaa ugu tayo roon oo xitaa magaalooyinka loo soo iib geyn jirey halka dhafaruurtu aanay dab yar shidayn balse midhcaanyada dani kugu qabatay mooyee cidina ma doonan jirin. Midhcaanyada midhaheedu waa kuwo aad u yar yar oo midab casaan iyo cawliin ah u dhexeeya marka aad afka gelisana markiiba macaanku ka dhammaanayo oo laf yaroo wax mudaysa oo ilkaha dhexdooda kaa abbaaraysa kugu sooryeyneysa.


Waxa qorey Maxamed Bashe X Xasan

Ayaamo ayay ahaayeen rajooyin iyo higsiyo nololeed ‘tif iyo midhiq’ ka yihiin oo ka buuxaan, cajaledda xusuustuna ay marba dib u soo tufayso. Ayaamo wacnaa oo naftu tebayso, tegey se oo tubta ku carceeray oo aan soo laabasho lahayn. Waa dabayaaqadii iyo horraantii labadii tobanle ee 1970-aadkii iyo 80-aadkii.

Khamiis kasta dharaarihii ardaynimo ee dugsiga sare waxa aannu fadhiisan jirney qolkii saaxiibkayo Jamaal Cali Xuseen ee gurigoodii u dhaxeeyey dalcaddii Biyo Dhacay iyo sinimihii National-ka ee Hargeysa. Waxa uu ahaa qol si wanaagsan u agaasiman. Waxa na wehelin jirey oo marnaba aan naga maqnaan jirin saaxiibkayo Cabdiraxmaan Maxamed Faarax (Jaylaani) iyo buugaagtii maaddooyinka xisaabta, fiisigka, kimisteriga, bayoolajiga, taariikhda iyo juqraafiga oo halkan agtayada tuurnaan jirtey. Aniga iyo Cabdiraxmaan Jaylaani waxaannu ahayn isku fasal. Saddexdayadaba waxa ka dhaxeeyey higsiga yoolkayaga oo ahaa in aannu ugu yaraan foolaadka dugsiga sare ee Faarax Oomaar ka mid ahaanno; haddaannan hoggaaminba.Wax badan baannu taas ka dhabayn jirney.


Waxa qorey Maxamed Bashe X Xasan

“Wixii libtooyo ama guulo halgankii SNM ka biqlay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo, taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa….”

Soddon sannadood oo mid la’ ayaa hadda (April 2010) laga joogaa markii lagu dhawaaqay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), 6dii April 1981, magaalada London. Waxa uu ahaa ururkii labaad ee mucaarid hubaysan ah ee saaxadda ku soo biira. Jabhaddii Dimoqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed (SSDF) oo fadhigeedu ahaa Addis-ababa ayaa ka horraysey.

Bilowgii Aasaaska iyo Dareennadii ka Dhashay

SNM aasaaskeedu waxa uu ka soo unkamay dibedda, siiba waddamada Khaliijka Carbeed, gaar ahaan waddanka Boqortooyada Sacuudi Areebiya iyo waddanka Ingriiska. Koox ka mid ahayd dad hore waddanka uga haajirey, una cuntami waydey siyaasaddii Kacaanka iyo qaarkood tii dawladihii rayadka ahaa ee ka horreeyeyba, ayaa ahayd ibo-furkii muuqdey ee aasaaska SNM. Gudaha laftiisa dareenkaas dad la wadaagaa iyana si qarsoodi ah ayay uga jireen.


Waxa qorey Axmed Iid Aadan

Dhoofku beryahan dambe sida aynu ognahay wuu macna badan yahay, sida inta badan loo yaqaannana waa iyada oo dalka loo dhashay laga tago lana tago dal kale oo laga shaqaysan karo, wax laga kororsan karo, lana degganaan karo intii la doono. Kaasi waa dhoofka weyn, waxse jira dhoof kale oo muddo go’an ku siman, kaas oo noqon kara in loo baxo waxbarasho ama caafimaad ama dalxiis ama arrimahaas qaar ka mid ah oo la isku darayba.

Sida aynu wada og nahay dhoofku waa qayb ka mid ah socdaalka, waxana lagu baxaa habab kala duwan oo uu ka “tahriibka” loo yaqaannaa ugu halis badan yahay mararka qaarkood. Meesha uu doono ha ku socdee, labo siyood uun buu qofku bixitaan ugu dhaqaaqi karaa: si sharci ah, iyo si aan sharci ahayn. Sida hore waa si’ toos ah, hase yeeshee sida dambe ayaa marka tahriibna lagu daro dhib badan lagala kulmi karaa, oo beryahan dambe dadka isku daya in ay sidaa dambe yeelaan waxa mararka qaarkood lagula kaftamaa in ay “naftood hurayaal” yihiin!


Social Community
Join us today

There are currently, 160 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com