header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


redsea-online.com: Education

Search on This Topic:   
[ Go to Home | Select a New Topic ]

The phenomenal rise of the digital camera and the popularity of the computer has profoundly shaped and transformed the art of photography in the last 10 years. This year Hargeysa International Book Fair has introduced a new two-day introductory photography training session prior to the opening of the book fair. Our guest photographer, Kate Stanworth, who is presenting an exhibition of photographs from the 2012 Somaliland local elections, will teach 8-12 prospective photographers. Kate works in association with PROEXPOSURE, an organisation that trains photographers across the world. Her sessions will encourage trainees to consider the potential uses of photography, to practice basic techniques to enhance their photographic skills, and to appreciate and evaluate the use of photography in news reporting, investigative journalism and storytelling. The course consists of the following modules:


For the third year running Hargeysa International Book Fair will be dedicating three successive days for an introductory creative writing course. The roster will be small, so the organisers will employ first-come-first-serve policy. For many people, it may seem as a farfetched dream to talk about creative writing in Somali, when the language still lacks a standardised agreed-upon version to use. But, it is exactly that fact which prompted us to shoulder the burden of this mountainous and ambitious project. Among many others, there are three major factors which are instrumental to push this work forward and encouraged those who are involved: the way in which Somalis everywhere embraced their language; the growing number of youth who have shown strong propensity for engaging in such fields as journalism, and fiction writing like the short story, the script writing, and even whole novel; and perhaps most important of all is the enthusiasm, excitement and dedication shown by those who’ve participated the two previous sessions.


Waxa qorey Fu'aad Cabdillaahi Xasan

Meelo badan oo ka mid ah caalamkan aynu ku noolnahay marka la doonayo in la ogaado heerka cilmigaaga ama waxbarashadaada , lagu waydiin maayo inta jaamacadood ee aad ka qalin jabisay iyo inta kulliyadood ee aad diyaarisay balse marka u horraysa waxaa lagu waydiinayaa immisa buug yaad akhriday? (How many books did you read?). Waa maxay sababta laguu waydiinayo inta buug ee aad akhriday balse aanan lagu waydiin inta jaamacadood ee aad ka qalinjabisay? Haddii aan taa kaa oon tiro, inta buug ee aad akhriday waxay ay ka turjumaysaa in dhammaantood aad diyaarisay ama aad qaybtay.


Waxa qorey Cismaan Nuur Ducaale

Lixdan gu' way ka badan tahay markii ugu horreysey ee dhulkeenna laga yabyabay goob aqooneed lagu barto farta faranjiga iyo waxbarashada maaddiga ah. Walow hagrasho, dhaqaale yari iyo duruufo kaleba iska jireen haddana maanta oo 12 jirka reer galbeedku isku dayi karo inuu BAM gacmeed gurigiisa ku sameeyo isagoo iskii u tijaabinaya aqoontuu ka kasbaday internetka iyo macallinkiisa, haddii qasabadaha biyaha ee magaalada Hargeysa cammuudi xannibto oo gobo’i kasoo dhici weydo cidi u bixi mayso jeeroo ay timaaddo hay’addii caddaanka ahayd ee biyagelinta lahayd. Waxa weydiini ka taagan tahay maxaa la baranayey muddadaas dheer?


Waxa qorey Xuseen Xasan Guuleed
(Wuxuu maqaalkani kusoo baxo Dhaxalreeb Xagaa, Juun-Julaay, 2009)

HORDHAC

Waxa dhab ah oo aynu wada ogsoon nahay jiilka dhallinyarada ah ee maanta ku nool Somaliland in ay xambaarsan yihiin waayo-aragnimo ballaadhan oo ka miisaan weyn maskaxo curdin ah oo korayey. Taas oo malkisay kuna reebtay xanuunno maskaxda, jidhka iyo waxbarasho la’aanba leh. Waxa ay xaaladdani ka soo gaadhay dagaalladii ka dhacay dhalka ee Somaliland lagaga xorreynayey cadawgii Siyaad Barre iyo xukuumaddiisii. Waxa ay ku soo kacaameen barakicii iyo burburkii dhacay. Waxa ay soo arkeen dhimasho iyo dhaawacyo, aanay ahayn in ay arkaan, sababna u garan karayn markaa. Qaybo ka mid ahaa ubadkaa ayaa ku soo koray agoonnimo, rajonimo ama labadaba. Waxa ay tebayaan oo xasuutaan saaxibbo, qaraabo ama ehel ku qudh baxay ama ku dhaawacmay halgankii xoraynta dalka. Waxa kale oo qaybo ka mid ah dhallintaa u dheeraa xaaladahaa burbur kaga dhacay xagga waxbarashadii u socotay ee ay ka barakaceen, dibna ugu suurto geli weydey. Dhallinyaradaa waxna waa in dhalka ka haajirtey oo bado fog isku miidaamisey, waxna waa kuwa rajo shaqo iyo waxbarasho beelay ee dhooban magaaloyinkeenna waaweyn, tuulooyinka iyo miyigaba.


Waxa qorey Jamaal Maxamed Sheekh Abubakar (muritmaal.com)

Mahadi waxay u sugnaatay Allah (subxaanahuu watacaalaa), Rabi baanan gargaar iyo denbi dhaaf waydiisanayeynaa, waxaanan ka magangalaynaa sharka nafteenna iyo camaladeenna xun, ka uu Allah hanuuniyo cid luminaysaa ma jirto, kase uu lumiyo cid hanuuninaysaa ma jirto, waxaanan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo ilaahay mooyaane, Muxamedna (amaanta iyo nabadgelyada Allah korkiisa ha ahaatee) inuu yahay rasuulkiisii iyo adoonkiisii. Intaa ka dib,


Waxa qorey Axmed Riiraash (ahmedrirash@hotmail.com)
Tifatirkii : Fu'aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)

Waa qoraal ka hadlaya ardeyda wax ka barata waddanka Malaysia hadda. Waxaa daabacay tifatiraha mareegta farshaxan.com.

Kala deg halkan: www.farshaxan.com.


(somalilandedu.com)

Hargeysa(SEN)--Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen xubnaha Ururka Somaliland Forum oo ka mida urrurada Somaliland ee ka jira waddannada dibadda islamarkaana ay ku bahoobeen qurbajoogga Reer Somaliland ayaa xalay magaalada Hargeisa kaga dhawaaqay inay kafaalo-qaadayaan labaatan (20) arday waxabarashadooda kuwaas oo ah ardayda ka soo qalin jabisa dugsiyada sare ee Somaliland.

Xafladdaas oo si fiican loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalya masuuliyiin isugu jirta xukuumadda, Asxaabta Mucaaridka, shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland, shakhsiyaad maamuus ku leh Somaliland iyo marti sharef kale sida ay sheegeen masuuliyiintii halkaa ka hadashay maaha mid ku kooban oo kaliya deeqdan waxbarsho ururka Somaliland Fourm balse cidkasta ay u furan tahay wixii ay ku soo darsanayaan 20 arday ee ay kafaala qaadeen ururku.


by Mohamed A. Duale

It is great pleasure to hear that a group of young Somaliland graduates, who had completed their education program at Defense College in Ethiopia specializing in engineering fields such as communication, electronic and mechanical.

Let me say to such young graduates that you have successfully completed your first degree studies and you are now ready to begin the next chapter of your life and work for your country, which in my opinion is the greatest honour anyone can achieve.

I share with Somaliland people the excitement and joy that your graduation has brought on us and we, as a nation, are proud of you.

Unlike your homeland, studying in abroad is a very difficult task because of different environment, culture and people.

It is a well known fact that the majority of people who choose to pursue higher education enjoy higher quality of life than those who don’t.

The fact that you graduated this year from one of the best universities in Ethiopia is testimony to your own hard work, determination and purposefulness.


In mudo ah waxaan ku wareegayay iskuullada ku yaalla waddankan UK qaar ka mida oo shaqo ila gashay, intaa waxaan eegayay ama aan baadhayay dadka da'da waawayn leh ee wax ka barta (waxaan ka hadlaya waa wax barashada dadka waawayn) waxaan arkay dadkaa wax baranaaya marka la eego tobankii kun ba waxa ku jira qof ama laba qof oo Soomaali ah, oo waliba iyagu isu arka in ay da'doodu yartahay, haddaan eegey dadka kale waxa ku jira qaar da'da darteed aan dhego iyo indho ay wax barasho ula soo hunguroodaan ba ku hadhin, waxaan arkay qaar curyaana oo kursi shaagag leh ku socda, waxaan arkay qaar iyagu u yimaadda markaan waraystayna ii sheegay in ay naceen joogista guriga halkana ay u soo magaalo doontaan oo dadkan ay ku kulmayaan ayaaba faa'iido ah, dadkeena waawayn waxay dhibaato ka haystaa ku hadalka afka waddamadan ay joogaan ka dhoofa oo iskaga tagana loogu taag waa, waxa ila habboon mar haddaan laga dhoofayn in lala qabsadaa wax laga qabsadaa dadka dhinaca laga racaa,

Induruustu shay doorataan idin dareensiine
doc kastaba aduunyada markaan dayay intaan eegay
duqaytida wax baranaysa ee madaxu deebaystay
dixda ciida taalla iyo ka badan dooga soobaxaye
habro aan dariiqba arkayn yaa doon tay qalinkiiye
odayaal dhakadu diirantaa buuga loo diraye
waxan adiga kuu diidayaa iima daadagine


Social Community
Join us today

There are currently, 302 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com