Xasan Daahir wuxu ku dhashay Kala-Baydh September 1982. Waxbarashadiisii hoose iyo dhexe wuxu ku qaatay dugsiga Sheekh Muxumed Warsame, Gabilay, 1991 – 1999.
Waxbarashadiisii dugsiga sarena wuxu ku qaatay dugsiga Tima-Cadde 1999 – 2003.
2003 – 2005 wuxu ku biiray barnaamijkii STEPS ee jaamacadda Camuud, oo ah “Strengthening Education in the Public Sector” ee lagu tababarayay macilimiin heer dugsi sare ah halkaas oo uu ku soo dhamaystay Diplomana ka qaatay macalinimada xisaabta iyo Pyhisics-ka. 2005 – hadda, wuxu macalin ka yahay dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa.
Abwaan macalin xasan oo Weedhsame ku magac dheer wuxu u halgamaa in af-Soomaaliga wax lagu qoro waxna lagu barto. Taasina waxa caddaynaysa buug uu hadda gacanta ku hayo oo la yidhaa Ababshe kana hadli doona xirfadda wax-ku-qorista afka Soomaaliga.
Tixdan gaaban waxa tiriyay nin qaadku ku dishooday magaalada Liverpool ee carriga Ingiriiska.
Ninkani wuxuu dhowaan ku war helay in qolyaha Yurub qaadku ku dilay ee dhaqanceliska Somaliland loo geeyo abaalmarinta ay helaan tahay wasiirnimo.
Sidaas aawadeed wuxuu Ilhaam Sh Muuse oo Hargeysa joogta ka codsanayaa in ay jago wasiirnimo uga qalqaalliso dawladda Somaliland.
Tixdiina waxa ay tidhi:
Raggayaga qurbaa iyo ku naban, Yurub qadaadkeeda
Ee qaadka uun weheshadee, Qode ku meermeera
Kolka ay qarfaan ee caqligu, Qarow ku aynfaado
Iyagoo qayiran maalintii, Gacalka loo qaysho
Qaadhaan la soo ururiyaa, Lagu qaboojaaye
Qado wax ugu filan iyo kolkii, Qarash yar loo dhiibo
Ee tigidh qaridhan loo jaree, Qaaraddii aragto
Wax la yidhi wasiir qaata baa, Lagu quweeyaaye!
Anna qaabka aan ahay nin ogi, Way qadderiyaaye!
Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye
Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
La dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro e
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
Maansadan Dhul-gariir waxa ay soo baxday 01/05/2007, waxaana curiyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).
Gob ku noqon mayno, in dadka qaar la gumeeyo amaba macne ii samayn mayso inaynu dadka qaar gun ka dhigno, sidaas waxaa yidhi Maxamed Ibraahim warsame (Hadraawi).
Waxay ahayd markii ugu horaysay ee la qabto madal noocan oo kale ah oo ka hadlaysa qadiyadda hayb kala sooca, isla markaana qof sidan oo kale u culusi uu ka hadlo. Waxaa isugu yimid madaxda golayaasha qaranka, madaxda xisbiyada mucaaridka ah iyo ururrada u dooda xuquuqul insaanka.
Fooraha dhacaayaa
Ma kii feebarwaribaa
(Axmed Aw Geedi)
Dharaarii la soo maray ayay ugu mudnayd dharaartii da’yarta reer Hargaysa ay dhulka u taabteen xukunkii kaligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Bare, looguna magac daray Dhagaxtuurkii.
Toddobaadkii ina dhaafay ayaa waxa doodi ku dhexmartay da’yarta qurbo jooga ah iyo kuwii hore dalka u sii joogay iyaga oo kawada hadlayay arrimaha khuseeya horumarka dalka iyo da’yarta qurbo jooga ah.
Kulan kan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka YMD (Youth Movement for Democracy) oo inta badan u olloleeya horumarka da’yarta iyo dimuqraadiyada ayaa waxa uu isku keenay ugu yaraan 50 dhallinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, iyada oo ay ka dhex muuqdeen marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ibraahim warsame (Hadraawi), Proffesor Martin Orwin iyo suugaanlay kale.
Qalinka iyo qoraalka ayaa ah shayga koobaad ee ay ku bahoobeen da’yarta Hargeisa Readers Club (HRC). Waa dhallinyaro da'doodu u dhaxayso 22 ilaa 27 jir oo ka kooban wiilal iyo gabdhoba. Waxay jecel yihiin in ay akhriyaan, waxayna ku hamiyayaan in ay bulsho waynta u noqdaan sahan ka war doona nuxurka buugaagtu sidaan, isla markaasna dhisaan waddadii xidhiidhinaysay qoraaga iyo akhristayaashiisa.
Ujeeddooyinka ugu mudan ee ay u sameeyeen HRC waa inay dhiiri galiyaan akhriska iyo qoraalka iyaga oo ka dagaallamaya fikirka odhanaya soomaalidu waxay ku liidataa wax akhriska iyo qoraalka.
[Mowduuca toddobaadkan ee "Toddobaadka iyo Ilhaam", waxay Ilhaam inoogu soo bandhigaysaa maqaal ay soo diyaariyeen HRC (Hargeysa Reading Club) oo ku saabsan buugga cusub ee Boobe Yuusuf Ducaale]
Gabayga iyo gabyaagu miisaan culus ayay ku lahaayeen noloshii raacatada ahayd ee dadka Soomaaliyeed ilaa maantana saamayn wayn way ku leedahay.
Maansada iyo maansoyahankuba waxay ku jireen kaalin mihiim u ah bulshadii reer guuraaga ah, maansaduna waxay ahayd aaladda kaliya ee ay dhan walba u adeegsan jireen, gabyaaguna waxa uu ka qayb qaadan jiray colaadda iyo nabadaynta labadaba isagoo markastana u guntanaa difaaca qoyskiisa iyo qabiilka uu ka soo jeedo. Taasi wax layaaba kumay ahayn bulshadii wakhtigaa waayo noloshooda ayaa sidaa u qorshaysnayd, waakii lahaa Salaan Carrabay, afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara’e, isla markaana waxa uu ahaa shay lagu gali jiray axdiga iyo heshiisyada.