|
23/10/2006: Submitted for publication via web Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali”
by Yasin Jaamac Nuux (Suldaan) (from somaliland.org)
Cabdilaahi Suldaan Timacadde wuxuu ahaa waddani soomaalinimada jecel. Wuxuu wakhtigiisa iyo tixdiisaba u huray sidii loo heli lahaa soomaali mid ah, qarannimo iyo qiimo sare, mid aan la gumeysan ee gob ah. Haddii aad u dhabo gashid tixihiisa waxaad la kulmaysaa dareen culus oo midnimo, walaaltinimo, wax wada qabsi, horumar iyo aqoon ku baaqaya, feker xor ah oo caafimaad qaba. Heerka dadnimo ee Timacadde gaadhay waa mid aan si fudud lagu kasban karin, waa mid bisayl dadnimo, jacayl wadaniyeed, cilmi diineed iyo waayo aragnimo gumeysi, aqoon dhaqameed iyo aftahanimo tixeed iyo indheer garadnimo ka soo burqanaysa. Cabdilaahi Suldaan Timacadde wuxuu soomaalida si dedan iyo daalacanba ugu guubaabiyey danteeda, wuxuu ku hagay wada jirkeeda, wuxuu uga digay kalataggeeda, wuxuu farta ugu fiiqay ka kala geynaya ee isku diraya, ka qaranimadii qoyska ku iibsaday, ka wada jirkii jeebka gashaday. Cabdilaahi Suldaan Timacadde, wuxuu soomaalida ku baraarujiyey siday u soo dhacsan lahayd dhulkeeda maqan, wuxuu hanjabaad iyo dhaadasho caga dhulka ugu dhufanayaa gumaysigii caddaa iyo kii madoobaa. Wuxuu u sii dardaar weriyey kuwii dhulalka soomaalida haysta, inay dhowaan ka soo dhacsan doonaan oo dhibaatada iyo hooggu iyaga ku dambayn doono, in aan xaqooda cidina xaqiri karin ee xoog iyo xoolaba ay u leeyihiin oo soo dhacsan doonaan. Cabdilaahi Suldaan Timacadde, cudurka soomaalida ku dhacay ayuu si dhaba u garawsan yahay, wuxuu og yahay in soomaali laba shay ay disheen, qabyaalad iyo gumeysi. Guubaabada ugu badan tixdiisa wuxuu ku halgaadayaa qabyaaladda oo uu leeyahay, waa bahashii dad idinka reebtay ee iskaga hadha, boqontiin go’daye miyeydaan marna caqliyeysanayn oo garansho u yeelanayn wixii shalay aad ku jabteen, maxaa maantana aad ugu heelantihiin. Reer reerkan loo kala baxay iyo to’laaydu sow ma aha uun wixii aad weligiin ku soo jirteen ee meelna idiin tukin weyday. Dabadeedna naftiisa ayuu haaramaayaa oo isku hiifayaa in aanay soomaaliduba dhego u daloolin ay waanadiisa ku maqlaan, inay yihiin dad qaafil ah oo aan waxba hoos u deyin, garashadana ka madhan. Cabdilaahi Suldaan Timacadde, ilaa uu god galay guubaabo iyo waanno soomaali kalama hadhin; qabyaaladda, qaadka iyo kuwa qaranka duminayeyna marnaba afka kama dhigin. U fiirso meerisyadan hoose ee aan ka soo xulay tixdii Timacadde kuna abbaaran guubaabada soomaalida. wuxu yidhi: Makri ma laha soomaalidii, Maxamed Keydoowe - p41 Maskab kuma qabtaan daarahaad, milicsanaysaane Malgaash kolay ku tahay uunka kale, waa midhkaa qudha’e Tirtirsiinyo soomaali waan, loogu tag heline – Taleex p105 Tawalleeye beni-aadmigii, taag darraan jiraye Talka waxay ku qaateen, israac oo tallaahiya’e Anaa kaa tol-roon waa waxaw, tarraqi weydeene Tafiir yarida waxay noogu wacan, taaha gaajada’e Tiibbiidu soomaalidaay, maaha tiif cudure – Taleex p106 Tallaalkeedu waa ceeshaddaan, taabi la’nahaye qabaa’ilkiyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay qasdi jeerooy wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso Qabyo weeye soomaalidaay, qiiradadaniye – Qabyo p108 ama aan minister soomaaliyeed, maqallay weedhiisa – Arbacadii p116 ninkaan aad u kala miirmin baa, madhan xuseenoowe mug-yaraa wakhti dhaafayaa, soo maqaabilaye soomaalidaa naaxday baa, qaar ka naxayaane – Nidar p170 nacasnimo Cagoolow Rabbaa, naaska kuu sudhaye Naftoo kaa baxdaa ka roon nolosha qaarkeede wadnihiinna soomaalidaay, weyda ku adkeeya – Wanaagii bukooday p175 waraabuhu ragguu cunayo weli, weyrax ku ogaada nin wadiifad haystoow ka kale, hayska weyneyne nin walbaan wadeecada ka rabo, calankii waa kaase doqonniimo soomaali waa, loogu daw galaye – Buul-duqeed p177 hadduun bay u doonyaysan tahay, sheeyadii dilaye imminka la doondoonayaa, Dir iyo Daaroode dan soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kale’e – Buul-duqeed p177 Shacbigii dagaalka u galaa, daadsan suuqyada’e Dambarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye garaadkeedu soomaali waa, kii hore u gabaye – Gunaad p179 gondaheeda daayoo hadday, geeddan kale diidday galladdiyo nimcada Eebeheen, kama guddoontaane dhammaan dunida soomaali bay, dhaxani haysaaye – Dhaqdhaqaaq p182 Dhaaxuu gumaysigu bartuu, dhiig la’aan koraye Dhaqdhaqaaq ninkii lagu arkaa, loo dib-dhigayaaye Waxa dhacaya soomaalidaa qaadka dhilanaysa – Dhaqdhaqaaq p182 Dheguu uma daloolaan kuwaan, dhiirri leeyahaye Dhexdeeday isula taagan tahay, dhaadashiyo faane hoheey, malaha soomaalidaan hoos waxbaw deyine - Hadaf p186 waxaan aad u hibataynayaa, kii horaan idhiye waa hebed maansadu haddaan hedhe loo fidine ka habbowday soomaalidaay, hilinkii toosnaaye – Hadaf p187 hayaay iyo tollaay raganimaa, kaga habsaanteene waa waxa halkaa idin dhigee, la hinqan weydeene Xeradaa Nagayliyo Hawaas, xagarkii Haadaamo Halka inan timaha loo xamreey, xadhig ku soo soohdo Xakabkiyo wixii loo ku rara, awrka Ina-xaawis Xuduudkeedu soomaali waa, shey xaqiiqo ahe – Xusuus p194 In aan Xayle yooyootannaa, waa xaloo kale’e
SYL ilaah kama baqdiyo, ololkii naareede NFD ardaayada Siyalow, aradka Mooyaale Oodo-caliga Cawsiyo Randiyo, Ubukh ka baalleeye Asalkeeda Soomaali baan, ururinaynaaye – SYL p196 Kuwii loo igmaday waa kuwaa, aakhiro u ridaye Wasiirradan ugaadhsiga bartee, orob ka dhowrtaysta Astaan bay(s)ku wada leeyiin, meel aan la arkayne
Garaad ma lihid soomaalidaay, gebi ahaantaaye – Gama’diid p199 Gadhkuk nimuu caddaadiyo barbaar, waa gu’-baas jire’e Ma qabyaaladdii lagu gubtaa, godadkii loo doontay Ma wixii hore u soo gabay ayey, galabta raadcaysey
Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo, doorka uga qaaday Dadka waxaan ogeysiinayaa, dowgu suu yahaye Soomaalidaay daya wanaag, idinka doorsoonye – Dugsi ma leh p203
Ubaxiini waad daadiseen, waana dubateene Dulbaaxdiisa waa wada canteen, duhur dharaareede Dariiq toosan soomaalidaay, waa lagaa dedaye – Dugsi ma leh p204 Derejada Ilaahay ninkii, doonayaa hela’e Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diintii ka carrowye Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane Soomaalidaay hadal dhammaa, hurise maysaane – Hulunbe p207 Idinkaa is haylhaylayee, lama hungoobeene Duulkii habaar qaba jidkaa laga halleeyaaye – jin baa haamahaw tuma’e Hog buu kaga ridaa Eebbeheen, hir iyo towfiiqe
Ilaahay ganaaxiisu waa, galabsigeenniiye Inay samadu naga gaaggaxdaa, gar Alla weeyaane Gu’gaan weynay soomaalidaay, waa gefkii dhacaye – Ganaax Eebbe p216 Bani’aadmigii kale dhammaan, wuu baraarugaye Boqontiin go’daye uunku waa, beretamaayaaye Biyahaan dhaqaaqini dhagxaan, badan ma riixaane Haddaan baarka loo fidhin timuu, bilic ma yeeshaane Ba’-heblaayo iyo reer-fulaan wayna bi’iyeene Uma baahnin soomaalidaay, baane maantana’e – Berigii Gumaysiga p222 Tuhun beeshay soomaalidii, turuqna naafowye – Tabanayee mooyi p232 Tagoogaa sidaan uga jabniyo, dhabarka taaggiisa Tafaraaraqii baa wadnaha, taabka noo jaraye Tacsidiyo quraankaan akhriyey, way u tegayaane Togaggii Jannada Eebbeheen, tiisii haw furo’e Innaga iyo ubadkuu ka tegay, samirku waw toose. arartaan dhawkaw toil ogaa, waan ka dhowrsadaye ma dhig dhigin kuwaan Daahiroow, dhaabadayn jiraye bal dhegeysta soomaalidaay, kani dhab weeyaane – Dhunkaal p242 dhubuq dhuqubdi waxay soo siddaa, dhabanno-haystaane aabigaba dhibaaxada naabsigu, waa mid aan dhixine dhudhub oodan buu kula gala, dheregga qaarkiiye baarlamaankii dhaylaysan jirey, dheehiii laga qaadye sida nimankan dhoofayeen, dhidibka oolllaynin ama rag aan u dhalan bay carriga, uga dhammaysteene soomaali waxay dhaafsadeen, waa la dhaygagaye – Dhunkaal p243 hayeeshee daraartii xornimo, dhibika loo taagay dhalanteedkii baa noo hor kacay, dhuxul cadaabeede dhabbadii markay naga duween, shicibku dhaadaayey dhako-faartay soomaaliday, kala dhilaayeene – Dhagaxtuur p264 goortay dhogor-goyn lahayn, way na dhumiyeene Dhumucdeedii soomaali way kala dhantaaleene - Dhagaxtuur p264 Dhudhummada ayaa naga jebshoo, dhuuxii koru raacay Dhoomaha ayaa nagaga raray, dheegga sida awrta Soomaali yaa dhaawacoo, qoomay dhabarkeeda Dhallaanka iyo maatida ayaa dhego-barjaysiiyey dhallinyarada soomaalidaan, dhiiri leeyahaye - Dhagaxtuur p265 nin dhegeystay waanada mar buu,dhego nuglaadaaye dhanbaal baa cimriga sii sidoo, oday dhawaateeye idinkaa dhaqaalaha waqtigu, yahay dhiggiiniiye ubaxii dhirta iyo waxa tihiin, xididkii dheeraaye dhulka iyo aduu waalidkaa, kaa dhursugayaaye Ilaah kuma xamdiyo ruux hadduu, aysimaad wado’e Hadduu oofa-weynuhunimcada, aayar cuni waayo Ibleyskii Xakiim duufsadaa, awlalka u lulaye Unuunkooda jeeroo shacbigu, ku arko miidaanka Ideylkoodba jeeroo sidii, adhiga loo laayo Aqbali maynno way nool yihiin, eegga dabadeede Arwaaxiinanaw dhiman haddaad, ka asli weydaane Imanna mayso soomaalidaad, ururinaysaane – canaan-shicib p268 Midigtaadu waxay xoogsataa, maydha kaa jara’e Marke aanad lahayn looma lulo, maanka weligaaye Maggaabada hashaadaa ka roon, meydhanaan kale’e Ummadiba mar uun bay heshaa, macalinkeediiye Soomaali “Mawgeedi ” waa, maanta kaa wada’e – Guubaabo p276 Carfi wuxu ka muuqdaa shacbiga, caafimaad qaba’e Markay ciirtay waa tii Ilaah, noo cawaal-naqaye Ceeryaamadeey nagu dedeen, Ciidankaa rogaye Soomaalidaay ceebtu waa, caabuq kugu yaalle – Aqoon p277 Cillad weeye kugu soo baxdiyo, cudur aan guurayne Cisi ma leh adduunyada ninkii, cadow wax moodaaye Bahashii qadhaadhayd markay, qabay dhanaan moodday Sidii dhaydii Qayraan markii loo qudhqudhinaayey Qalbigayga kuma leexin jirin, qababaxdeediiye Soomaalinimadii la qalay, qayb kamaan geline – Qodaxdii Qabriga p279 Qoor-diidka anigoon u goyn, qun uma luuqayne Anigoon qasaasilin debnuu, igama qaadaane Ninkii qar iyo buur fuulay buu, qoon ka leeyahaye
Saablayda goortaan murtida, soocan ka higgaadsho Suuryadaan ka liishaamayiyo, saadda way garane Soomaali oo dhami marnaba, ima saluugaane – Seetadii p281 Anigoo si’yaab leh u taxaa, saydhiyaa gabaye Soomaalidaay talada waa, laysa siiyaaye – Seetadii p282 Sibidhkaan biyuhu hoos u gelin, sibibix mooyaane Sarreeye iyo dadweyniyo sarkaal, sebi yar oo roora Iyo soo-ma-jeestaha dalkee, saanadda xanbaarsan Nin walbaan wax kugu saabsan, baan kuu sawirayaaye Sacabbada nin hoorsaday xornimo, sigib la’ loo diidye
Qalinkii: Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
|