header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


31/10/2005: Submitted for publication via web
Dhagartii Oogle (Sheeko)
by Ibraahim Yuusuf Axmed

Fiid cilcillaw ay sharka iyo khayrku kala carraabeen waxaa surin mugdi ah ka soo baxay noole dad iyo bahal u dhexeeya oo aad u dhuuban. Tallaabada dirqiga ah ee uu lawyaha isla dhacayo lagama garto qurbac muqlaysan. Laakiin marka uu soo dhowaadaba wuxuu sii yeelanayaa muuq bani aadam. Wuxuu gacmaha ku sitaa qori Ak ah oo isaga ka culus kaas oo afkiisa yuubani ka soo horreeyo. In uu daroogaysan yahay, in uu waalan yahay iyo in uu gaajaysan yahay intaba waa la moodi karaa. Nin da dhexaad ah oo keli lugaynaya ayuu dhankiisa qorigii ula dalanbaabiyey. Labadooda cid kale uma dhowa. Waxaa u dhow daaro burburay iyo waddooyin haawanaya oo mugdi iyo dhaxan ah. Waa magaalo u eg meel qunbulad durriye ku dhacay.

– Dhig lacagta, haddii kale wallaahi in aanan soddonka xabbadood mid kaaga reebayn!

Ninka la weeraray ma hubaysna haddana isma dhiibin mana cararin. Inta uu soo jeestay ayuu tallaabooyin digtoon dib u qaaday. Mintidnimada iyo yasidda dhimashada isaga iyo ka weerarka ahi waa iskaga mid waxaase la dheer yahay qoriga cabbaysan.

– Dhig lacagta, haddii kale adiga oo mayd ah ayaad dhigaysaa!

Maya, nin wax dhigaya uma ega. Tallaabooyinkii digtoonaa ayuu dib u sii wadaa. In uu mugdiga ku ordo ayuu malaha ku talo jiraa, yaase isugu simaya. Saddex xabbadood oo baas ah ayaa laabta ka daldalooliyey, naftuna waxay ka dhacday isla markii uu dhulka ku dhacay, isla markaas ayey gacan dhuubani lacagtii jeebkiisa kala baxday.

Ninkan maydka ahi markii uu salaadda maqrib ee uu masjidka ku tukaday ka baxay ayaa hoos loogu sheegay in xawaaladda loogu hayo lacag debedda uga timid. Hadalkaa waxaa maqlayey Oogle oo ah afar iyo labaatan jir aad caato u ah oo aan afar caanomaal oomato dhadhamin. Wax uu qabto iyo meel uu nolol ka raadiyo markii uu waayey ayuu masjidka iska galay ee tukashadu niyad kama aha. Ninka lacagta loo sheegay, ka sheegay, meesha lagu sheegay iyo guriga la geynayo intaba wuu yaqaan. Intaba isaga waxaa uga dan ah in uu caawa helo wax uu cuno. Wax aan cunto ahayn kama fekeri karo. Dad baa lacag haysta, dad baa dheregsan, dad baa faraxsan, dad baa…annagga yaa cadaabta nagu xukumay? Nolosha miyaa nalaga xigaa? Annaga oo gaajo isla taagi weynay kuwa safka salaadda ku daaco dhabanaya miyaanu bani aadam wada nahay? Sidaas ayuu isula hadlay iskuna gar siiyey markii uu goostay in uu wax dhaco.

Ninkii lacagta loogu yeedhay markii uu xagga xafiiska xawaaladda u dhaqaaqay ayuu Oogle isaguna u cararay meel uu qori ku ogaa. Wuu yaqaan waddada uu ninka lacagta doontay gurigiisa u maro. Meel dunsan oo bisado iyo xasharaad badan ayuu u sii galay. Intii uu sugayey wuxuu ka sii fekarayey cuntada uu caawa cuni doono. Wuxuu cuni doonaa raashinka baarka yaal oo dhan, haddii uu deeqi waayana wuxuu geli doonaa baar kale, ilaa uu dhergo. Wuxuu kale oo cuni doonaa qaad badan, jowaan dhan. Baqdinta ugu weyn ee uu qabaa waa lacagtaas oo tagsi lala raaco. Ma yaqaan waxa uu samayn doono haddii ay sidaas noqoto. Haddii uu guriga ku weeraro waa halis aad u weyn. Laakiin waaba kan hortiisa laafyoonaya. Odaygu weligii lacag intaas la’eg ma helin. Mid uu adeer u yahay oo Ingiriiska jira ayuu muddo dheer ka baryayey in uu u soo diro wax uu maatada dagaalka sokeeye ku caydhowday nolol ugu abuuro. Wax badan buu kaasi ka dhego adaygay, maanta ayuuse intan ka helay. Laba kun oo doollar waxay u tahay wax weyn.

Ninkii dhaca helay cashee qaad badanna ilaa waabberigii cun. Habeenkii iyo maalintii xigayna sida libaax dhergay ayuu hurday. Maalintii labaad wuxuu baabuur u raacay Itoobbiya. Waa ummad iswada dishay, kala qaxday oo la isuma galo. Ninka uu dilka u geystayna la xaafad iyo la qolo midna ma aha. Sidaa darteed dhagarta intaas la’eg qolo hebla mooyee qof hebel looma eedayn. Cidiba arrinta hebel ugama fekerin umana raadin. Cidiba shakhsi ahaan uma ogaan.

*

Ooridii laga geeriyooday markii ay murugadii saydgeeda mugdiga la dhigay ka soo kacday waxay hooyo iyo aabbe u noqotay toddoba carruur ah afar iyo toban jirku ugu weyn yahay kuwaas oo aan iyada mooyee cid kale wax ka sugayn. Neef ay qasho oo cadihiisa sii iibiso, kiintaal raashin ah oo ay amaahato dabadeed sii miisto, caano ay reer miyiga kala wareegto oo sii koombayso, qof xigto ah oo ay faraqa ku dhegto, habeen ay qadoodi ku seexiso iyo habeen ay afka wax u geliso, laba sano ayey toddobadii ilmood iyo nafteedaba meel bakhti iyo nolol u dhexaysay ku haysay. Dabadeed waxaa furmay faraj khayr leh.

Qofku si kasta oo uu Ilaahay ugu kalsoon yahay wuxuu filaa risiqu in uu u soo maro gacan kale, sida shaqo ama deeq. Laakiin iyada iyo carruurteedu risiqa Ilaahay ayey toos uga heleen, ama sidaas ayey moodeen. Waxay u arkayeen wax cirka uga soo daatay. Maalin iyada oo suuqa sonkor laga iibsan waayey hor fadhida ayuu nin wadaad ahi isa soo dul taagay una sheegay in laga doonayo xafiiska xawaaladda lacagaha. Qof qurbaha loo jiro oo keliya ayaa halkaa looga yeedhaa, qurbahana waxtar wax aan ahayna lagama fisho.

Sonkortii inta ay guriga u xambaartay oo kii carruurta u weynaa kaxaysatay ayey halkii looga yeedhay afka saartay.

– Magacaaga oo saddexan?
– Aamina Geelle Guutaale.
– Qoladaada?
– Reer Guhaad Gaydhan.
– Cidda aad u dhaxday?
– Reer Guluf Colaad.
– Waxaan kuu haynaa lacag iyo wacad. Boqol iyo konton doollar oo aad bil walba halkan ka qaadatid iyo qofka ay ka timid oo aadan na weydiin annaguna aannaan kuu sheegi karin.

Haa, sidaas ayuu risiqu cirka uga yimid. Afar sano oo maalintaas ka bilawday iyada iyo carruurteedu bil walba waxay joogto u helayeen boqol iyo kontonkaas doollar. Noloshooda wax badan baa iska beddelay. Wixii ay xooggooda kula soo baxaan waa gooni, waxayse yeesheen il irmaan oo ay u irkadeen. Waa kuwaas dad u egaaday ee iyaga oo maanta qadeeyey caawana cashayn kara. Si walba waxay isugu dayday in ay ogaato meesha ay lacagtu ka imanayso, ehel iyo aqoonnin cid kasta oo qurbaha jirta oo ay si uun u tuhuntay ayey ka war doontay, waxayse ogaatay caawimadu in ay xagga Rabbi ka imanayso.

*

Magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka nin doob ah oo soomaaliyeed ayaa goor galab ah ka soo baxay warshaddii uu ka shaqaynayey. Qolkii uu degganaa ayuu soofaha telefeeshinka hor yaal isku kala bixiyey si uu warka u daawado. Laakiin sabab uusan garanayn ayey mar keliya maskaxdiisa xasuuso ku soo hormadeen. Warkii uu daawanayey, meeshii uu joogay iyo xaaladdii uu ku jiray oo dhan ayuu ka dhex baxay. Dagaallo uu galay, dad uu laayey iyo kuwo hortiisa lagu laayey, guryo dumaya iyo qaar gubanaya, iyo wax la mid ah oo isdaba taxan ayuu xasuustay. Waxaasi awlba maskaxdiisa kama ay bixi jirin, waase markii koowaad ee uu si dhammays tiran u wada arkay. Awel wuu ka nixi jiray oo isdiidsiin jiray, fekekiisana dhan kale u rari jiray, maantase si dhiirran ayuu u raacraacay. Gaar ahaan waddadii dheerayd ee Minnesota keentay ayuu dib u milicsaday. Dhul baas oo saxariir leh ayey la dhex martay. Ugu dambayn waxay ku dhammaatay habeen madow, oo qabow, oo gaajo iyo cabsi leh, iyo mayd hortiisa yaal.

Muddo dheer ayuu sidaas ahaa oo aad u fekerayey, oo mar kululaanayey marna qaboobayey, mar xanaaqayey marna naxayey. Dabadeed waxaa ku soo dhacday fikrad yaab leh oo baqdin iyo farxad wadajir ah gelisay. Cabbaar ayuu fikraddii maskaxda ku shiilay ilaa ay isu rogtay talo uu si buuxda ugu qancay. Wuu fududaaday oo culayskii dhabarka iyo wadnaha ka saarnaa laga qaaday. Sidii qof waashay ayuu kor u booday oo inta uu kabaha illaday debedda u cararay. Wuxuu jeebka ku qaatay boqol iyo konon doollar si uu talada uu goostay u fuliyo. Taladaas waxaa kale oo ku jiray in uu afar sano ka dib dlkii ku noqdo.

Markii uu dalka yimid saddexdii cisho ee ugu horreeyey wuxuu ku dhammaystay qaraabo salaan. Ehelkii iyo asxaabtii uu lixda sano ka maqnaa dareenka soo dhoweynta ah ee ku qaabbilay waxaa ku lammaanaa sagooti iyo dardaaran aan lala fahmin ee la mooday waalli qurbaha ka soo raacday. Maalintii afraad casarkii inta uu huteelkii uu degganaa ka toosay ayuu si fiican u xiirxiirtay oo hareed madow iyo timo gaaban la hadhay. Dabadeed inta uu qubaystay ayuu gashaday badlad nadiif ah oo aad u wada cad oo aan kafan la tolay laga garan. Xataa kabuhu way caddaayeen. Cadar uu jeclaa ayuu isku buufiyey, dabadeed laba iyo toban kun oo doollar maraykan ah oo baqshad ku jira jeebka hoose ee jaakadda gashaday debeddana u baxay.

Qorraxdu waa ay gaabatay oo kulaylkii ay maanta dunida ugu xoog sheegatay wuu ka dhammaaday, waxayna u sii tukubaysaa godkeeda. Waddada uu lugeeyey waa cammuud roobkii habeenhore hoosta ka sii qoyan yahay. Aqoon isaga la da ah ayuu waddadan u lahaa, wejiyo kala duwan oo foolxumo iyo quruxba leh ayuu ka soo arkay, goortii tan ugu xigtayna aad ayuu u xasuusan yahay. Dadka dhan walba u qulqulayaa kuwii uu aqoon jiray ee uu qaarkood necbaa qaarna jeclaa maanta ma aha. Nacayb iyo jacayl toona uma hayo. Wuxuu dareemayaa in ay yihiin wada dulmiileyaal haddana wada dulman. Waxay ula muuqdaan dad ay taariikhda iyo mustaqbalku u yihiin qaddar iyo nasiib iska yimaadda oo iska taga, ee aanay u ahayn natiijo ka dhalata fekerkooda iyo falkooda. Waa dad dunida u arka meel la isku soo jujuubay, sidaa darteed ka firxanaya oo sida ugu dhakhso badan u dhimanaya. Darka wadka laga cabbo ayaa lagu wada qamaamayaa oo loo baratamayaa. Dhul, dawlad iyo dan la wadaago kala sheegadkoodu iyo ku dagaallankoodu waa qaar ka mid ah marmarsiinyo badan oo lagu raadinayo dhimashada la caashaqay. Dad sidaas ahi xaq uma leh in ay noloshooda adag canaantaan mar haddii ay iyagu doorteen. Fikradahaasi maskaxdiisa way iskaga soo dhaceen ee uma jeedin danna kama lahayn. Naftiisa iyo cid kale toona taa ku canaanan maayo, waayo qudhiisa ayaa sita lambarka koowaad ee baratanka aakhiro loogu jiro.

Qorraxdii oo aan weli dhicin ayuu soo gaadhay aqal yar oo loox iyo jiingad ka samaysan. Waxaa hortiisa tusbax ku wardiyaysa haweenay konton jir ku qiyaasan. Wuu weji garanayaa, iyaduse maya. Way aragtaa ninka dheer ee ay ladnaanta iyo haybaddu naftiisa iyo hugiisaba ka muuqato ee iyada iyo albaabkeeda ku soo abbaaran. Dharka oo aan awelba ka daadsanayn ayey sii urursatay. Wuu bariidiyey una sheegay in uu reerka u socdo. Iyada oo aan waxba weydiin ayey daaradda ciidda ah kursi dheer u soo dhigtay dabadeed shaahkaris u dhaqaaqday. Markii uu soo galay wuxuu arkayey laba gabdhood oo sidii laba deero inta ay indho cadcad eegmada ka buuxsadeen gudaha u yaacay. Waxaa soo waydaartay barbaar labaatanka madaxa kala baxay oo macawis iyo funaanad yar gashan kaas oo leh weji iyo indho aad u naxariis daran oo eg qof aan weligii farxin. Inta uu ninkii martida ahaa afka iyo gacantaba ka salaamay ayuu kursi kale saddex tallaabo hortiisa soo dhigtay. Laga soo bilaabo habeenkii isaga oo afar iyo toban jir ah aabbihii la mawtiyey isaga ayaa reerka nin u ah oo waxii rag kala gala lagala xaajoodaa.

Meesha iyo munaasabadda ugu dambaysa ee aad qof ku kulantaan waxay kaa caawisaa garashadiisa xigta, kanise waa cirkasoodhac aan meel iyo munaasabad loo raaco lahayn. Si baa la isu indhogaranayaa, maskaxdana waxaa heehaabaysa xasuus dirqi ah oo illawsho ku dhex jirta. Sidaa darteed iswaraysigu waa googoos digtoon oo dhextaalku maqan yahay, intaasna eegmada ayaa la isku qodqodayaa oo xog aan ta afka uun ahayn la iskala baxayaa. Dumarku kulanka ka mid ma aha, erey walbase dhegta ayey ku hayaan. Shaacii madoobaa, shaahiina waa kan. Shaaha waxaa shaqo looga dhigay af hadal kale waayey ama ku dhici waayey. Hadalse waa run kama rayste.

– Haybi waa summad ee isu kay sheeg?
– Haybi waa summad ee waxaan ahay nin reer Jiilaal ah.
– Haye?
– Waxaan u socdaa arrin aan caadi ahayn aanse rajaynayo in aad ila fahmi doontaan.
– Haye?
– Waxaan ahay ninkii aabbihiin dilay!
– Iyaa?
– Waa taas danta aan idiinku imid; lix sano hortood ninkii aabbihiin dilay in uu aniga yahay. Idiinma sheegi karo sabab falkaas igu kelliftay aan ahayn in aan ka mid ahaa waalli guud, ay ii dheerayd gaajo aan malaha aabbahayba ku dili lahaa. Isla habeenkii aan dhagartaas geystay ayaa nabad iyo degganaan nafsadeed iigu dambaysay. Labadii kun ee doollar waxay i geeyeen Maraykan oo aan markiiba degganaansho iyo shaqo ka helay, waxaanse galay cadaab aan ta aakhiro lagu sheego iiga duwanayn. Biilka waxaan idiinku soo diri jiray in aan damiirkayga bukooday ku daweeyo, kumaanse dawoobin. Ugu dambayn taladan ayaan ka fursan waayey. Geeri iyo nolol ta aad doontaan iigu taliya oo waa i kan. Laba iyo tobankaas kun ee doollarna agoonta wax ugu qabta.

Aamuska argagaxa leh ee golaha daboolay neefsiga sanka waa la wada maqlayaa. Dadka qoyska mid walba waxaa gaar u asiibay fajac iyo afkalaqaad. Qof waliba goonidiisa ayuu mooday in uu riyoonayo. Gabdhuhu huluushii ay xishoodka kula dhuuteen ka soo baxe, islaantu sagaal jirka reerka u yar ayey laabta ku qabsatay si ay u cuskato, ninkii loo warramayeyna kii warramayey ayuu ku gubayaa indho ay ka soo baxayaan inta dareen xun uu qof bani aadam ahi qabi karo. Dhagarqabuhu markii uu hadalka dhammeeyey lacagtiina miiska shaaha dul dhigay waa kaa sidii wax aan noolayn kursiga iska dul saaran oo dhawaaq iyo dhaqaaq laguma oga. Indhaha wuu kala hayaa haddana waxay eegayaan waxba. Wuxuu magan ama lahayste u yahay qaddarka uu isu dhiibay.

Goor dambe ayuu ninkii martida loo ahaa kacay oo qolkiisa galay, wuxuuna la soo noqday AK dabalaab ah. Intii uu la soo socday wuu cabbeeyey waxaana ka soo baxay dhawaaq argagax leh oo nafta u daran. Markaas ayey reerka inta kale gudaha u yaaceen oo dhegaha faraha wada gashadeen. Kursigii uu ka kacay dhabarkiisa ayuu isa soo taagay, wuxuuna qorigii cabbaysnaa si miiggan madaxa ugaga liishaamay ninkii kursiga yaxoobay oo aan far dhaqaajin. Far ma dhaqaajin ee sidii uu gam’ay ayuu madaxa iyo qoorta hoos u laallaadiyey, indhahana wuxuu ku beegay labadiisa kabood ee cadcad. Haddii uu aragga kor u yar qaadi lahaa wuxuu arki lahaa daloolka madow ee dhuunta qoriga oo u eg waddada aakhiro loo maro ama wadku soo maro. Aad ayuu xaaladdan naftiisa ugu soo diyaariyey, tababar dheer ayuuna u soo qaatay, sidaa darteed daqiiqaddan waxba kama uu fekerayn. Waxaa saarnaa uun culays buur ka daran. Ma baqdin baa? Wuxuu sugayaa oo keliya in ay xabbadi kursiga dhanka ay doonto uga tuurto. Haddii ay naftu degdeg uga bixi waydana ka toogtay xoolo ma ah ee mid kale ayuu ku khaarajin. Khalaas, waa intaas uun. Markaa ka dib waxa uu la kulmi doono ama la kulmi doonin qayrkii ayuu la qabaa. Laakiin xabbadda baas maxay soo raagtay! Mise isaga ayaa raagsaday? Ma qiyaastii waqti ayaa ka luntay?

Halkii uu xabbadda ka sugayey waxaa kaga yimid cod ka soo baxay ninkii qoriga la dul taagnaa oo liishaanka dejiyey.

– Nolol ku beddelo laba shardi: in aadan arrintaa weligaa qof kale la soo qaadin, iyo in aadan meel aan joogo iyo magaalo aan ku nool ahay cag soo dhigin?

Qunya ayuu madaxa kor u qaaday oo ninkii la hadlayey wejigiisa cabbaar si miskiinnimo ah haddana yaabban u eegay.

– Ma ku noolaanaysaa labadaa shardi? ayuu kii hubaysnaa ku qayliyey isaga oo mar kale madaxa ka shiishaya.
– Haa, waa wacad.
– Ka bax albaabka, dibna yaanan kuu arkin.

Sidii askari la amray ayuu qunyar u jeestay haddana dhaqaaqay. Intii uusan irridka gaadhin ayaa haddana loo dhawaaqay:
– Soo noqo oo kaalay qaado lacagtaada!

Wuu istaagay oo sidii mayd gacan kale lagu maamulayo ama qof qallal qaba qunyar u soo jeestay.
– Intii aad lacagtaa igu khasbi lahayd i dil, ayuu yidhi oo yar hakaday dabadeed isaga oo aan hadal sugin dhaqaaqay.

Markii uu soo baxay wuxuu qabay dareen ah in uu soo dhintay oo aakhiro yimid. Wax waliba sidii hore waa ay ka duwanaayeen. Neecawda sambabbada gelaysaa waa khafiif nadiif ah oo macaan, dhawaaqyadu waa sidii muusig aan hore loo maqal, iftiinka nalalku waa midabyo cusub, dadkuna waa noole kii hore qiimo dhaama. Ma jiraan wax sidii hore ahi. Xataa qudhiisu wuxuu isla ahaa qof dunida ku cusub. Makhaayad ayuu yar fadhiistay oo shaah ka dalbaday, dabadeed aad u fekaray.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com



The views published here are solely those of its authors (Ibraahim Yuusuf Axmed) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
57. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
58. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
60. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
61. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
63. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
64. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
65. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
66. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
67. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
68. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
69. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
70. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
71. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 162 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com