header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


17/02/2008: Submitted for publication via web
Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur
by By Alpha

DIRIRTAAN GINGIMAY MAALINTUU, DHAGAXU GUUXAAYEY,
JUUN IYO MAALINTII GACANLIBAAX, GAADHKA LAGU MEERSHAY,
OOMAAR DHARAARTUU GURMADAY, GUMUCA JIIDHAAYEY,
MAXAMUUD DHARAARTUU GANBIYEY WEERAR IYO GAADMO,
WACDARAHA DHARAARTAAN

GAYSTAYEY, GUBATAY WAANWAANI.
Abdirisak Alpho 1982.

Bal intaanan u galin dhagaxtuurkii Hargaysa ka dhacay labaatankii febuary kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo sideetankii, aan waxoogaa dib ugu yaro noqdo xaaladdii dugsiyada iyo isbadalladii ku dhacay waxbarashada sanadihii todobaatameeyadii. Ololihii afka soomaaliga ee sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo todobaatankii ilaa shan iyo todobaatankii wuxuu meesha ka saaray laba sanadood oo wax barasho ahaa oo ka lumay ardaydii sanad dugsiyeedkii todobaatan iyo labadii-todobaatan iyo sadexdii bilaabay fasalka koowaad ee dugsiyada hoose. Kuwaasi oo sanadna uu kaga lumay ololahaa, sanadka kalena kaga lumay ardaydii sanad dugsiyeedkii todobaatan iyo sadex todobaatan iyo afartii oo la soo gaadhsiiyey layskuna daray iyadoo layskaga dhigay lod kali ah, sababtaasi waxay noqotay sababta keentay in dugsiyada dhaxe wakhtigaa ardaydaasi kaga baxaan fasalka lixaad halka lagaga bixi jiray dugsiga dhexe fasalka sideedaad.

Isku darka labadaasi fasal wuxuu dhaliyey buux dhaaf uu fasalkii sodonka arday dhigan jireen ugu badnaan, ay dhigtaan lixdameeyo arday taasi oo keentay cidhiidhi iyo waxbarasho xumo ka dhalatay macalinkii oo awoodi kari waayey inuu lixdan arday casharka wada gaadhsiiyo. Hadaba ardaydaasi waxay dugsiga dhaxe ka baxeen sanadkii kow iyo sideetankii kuwaasi oo ahaa ardaydii ugu badnayd inta la garanaayo taariikhda ee ka soo baxda dugsiyada dhaxe ee dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, sababtaasi aawadeedna waxaa magaalda Hargaysa laga furay wakhtigaa xafiiska imtixaanada, kaasi oo loogu talo galay in lagu saxo imtixaankii ardaydii gobolada waqooyi, iyadoo markii hore lagu soo saxi jiray imtixaanaadka lagaga baxayo dugsiga dhexe iyo ka sare magaalada Xamar. Sixiddii imtixaanaadkaasi waxay dib uga dhacday wakhtigii loogu talo galay, waxaanay ardaydaasi ku dhacday mudo lix bilood ah bilaa iskuul taasi oo keentay in ardaydu maalin walba ay isugu timaado wasaaradda waxbarshada amm xafiiskaa imtixaanaadka hortiisa iyagoo aad u gadoodsan, maalmaha qaarna waxay ardaydu sameeyeen rabshado iyo buuq dhan ka ah wasaaradda waxbarashada. Bilawgii sanaddugsiyeedkaasi oo ardaydaasi dugsiyada sare soo galeen bishii April ee sanadkii kow iyo sideetankii halkii ay ka gali lahaayeen bishii November ee sideetankii ayaa waxay ardaydu la kulmiieen iskuulo la'aan iyadoo ay kala bateen ardaydii iyo tiradii dugsiyada sare oo aad u yaraa. Waxaa iyana wakhtigaa bilaabmay macalimiintii tayada lahaa oo shaqada iskaga tagay sabato dhaqaale iyo maamul xumo awgeed, waxaa kale oo wakhtigaa sideetamaadkii soo shaac baxay cadaadiskii lagu hayay Guud ahaanba goboladii waqooyi ee dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

AASAASKII URURKII AQOONYAHANKA EE UFFO.

Waxaa marba marka ka danbeeya soo shaacbaxayay dhibta iyo cadaadiska Dawladdii Siyaad Barre ay ku haysay Gobolada waqooyi ee Soomaaliyadii hore. Waxaad arkaysay dibudhaca magaalooyinka ee dhinacyada waxbarshada, caafimaadka, wax soo saarka , dhaqaalaha iyo waliba cadaadiska lagu hayo saraakiishii ciidamada, madaxdii hayadaha dawladda iyo aqoonyahankii u dhashay goboladii waqooyi galbeed. Uffo wuxuu ahaa urur ay ku bahoobeen aqoonyahan ka soo jeeda gobolladii la odhan jiray waqooyi galbeed kuwaasi oo u xusul duubtay sidii ay dadkooda iyo magaalooyinkoodaba wax ugu qaban lahaayeen. Uffo waa dabaysha roobka ka soo horraysa waxaana la aasaasay dabayaaqadii sanadkii sideetankii, inkasta oo taabo galkiisa iyo hana qaadkiisu uu ahaa sanadkii kow iyo sideetankii. Mudo yar oo uu ururkaasi jiray wuxuu wax ka qabtay baahida xagga caafimaadha ee Magaalada Hargaysa, kuwaasi oo dayac tir iyo qalabayn ku sameeyey dhamaan agabta cisbitaalka iyo iyagoo waliba keenay dawooyin wax loogu qabto bukaan jiifka cusbitaalka oo wakhtigaa ahaa meel isaga laftiisu u baahan wax daweeya. Isbadalka uu ururkaa Uffo ku sameeyey Cisbitaalka Hargaysa yaa wuxuu ku soo jeediyey indhihii alla uma naxariistankii naxariista darnaa ee Max'd Siyaad Barre, waxaanu mudo yar ka dib bilaabay inuu xadhig iyo xabsi ugu abaal gudo xubnihii urukaa uffo. Xadhigii ugu horeeyey wuxuu ku dhacay Axmed jabane labadii November halka ugu danbayntiina laga qabtay Max'd Macalin Cismaan iyo Maxamuud Cabdi Jiciir oo la qabtay kow iyo sodonkii bishii December ee sanadkii kow iyo sideetankii . Waxaa magaalaga Hargaysa wakhtiyadaa ka bilaabmay gurxan iyo xam-xam faro badan iyagoo ardaydu aad uga dhiidhiyey xadhigaa lagula kacay qaar ka mid ah macalimiintoodii iyo aqoonyahankii u guntaday sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida dadkooda, waxaanay arintaasi ardayda ugu darsantay waxbarasho xumadii, Jaamacad la'aantii iyo maqnaanshaha adeeggii waxbarasho ee dugsiyada sare. Ku dhawaaqii ururkii S.N.M ayaa waxaad arkaysay ardayda oo habeenkii kaga sheekaysanaaya meelaha ay iskugu yimaadaan iyo waliba la socodka ay la socdaan xaaladda uu maraayo guud ahaanba dalkii Soomaaliya gaar ahaanna xaaladda cadaadiska ba'an ah ee uu taliskii Siyaad Barre kula kacay goboladii waqooyi galbeed.

AASAASKII URURKII DHAQ-DHAQAAQA ARDAYDA SOOMAALIYEED ( S.S.M )

La soco qaybta labaad.
Cabdirisaq sheekh Ibrahim Koshin ( alpho ).
abdirisakalpho@yahoo.com



The views published here are solely those of its authors (By Alpha) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
31. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
32. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
33. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
34. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
35. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
36. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
37. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
38. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
39. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
40. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
41. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
42. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
43. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
44. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
45. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
46. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
47. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
48. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
49. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
51. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
52. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
53. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
54. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
55. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
56. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
57. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
58. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 153 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com