header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


29/05/2003: Submitted for publication via web
Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982)
by Khadar Ali Gas

Meel kulul ayay i dhigeen oo dheymihiina way iga joojiyeen si aanu u sii noolaanba Illaahay ayaa og” - Marxuun Xuseen Cabaase
Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin inuu dhamaystirto waxbarashadiisii sare ee uu higsanayay. Xuseen waxa laga yaabaa in badan oo inaga mid ahi in aanay garanin maanta sababtuna waxay tahay taariikhdii sheegi lahayd oo aynu hilmaanay qoritaankeedii. Xuseen waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1965, wuxuuna dusgiga quraanka (malcaamada) ka dhigtay halkaas.

Dugsigiisii hoose wuxuu ka bilaabay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, ka dib markii marxuunkii dhalay Allah ha u naxariistee loo badalay gobolkaas. Dugsigisii dhexe waxa uu ka galay magaalada Muqdisho (Dusgiga Sheekh Madar), ka dibna waxa uu dhamaystay tacliinta dugsiga sannadkii 1981kii oo uu ka soo baxay Dugsiga Sare ee Banaadir.

Marxuun Xuseen markii uu dhamaystay dugsiga sare waxa uu door biday inuu ka bilaabo shaqadii qaranka halkii uu ku dhashay iyo magaalada Hargeysa oo in muddo ahba hiyigiisa ka dhex guuxaysay sidii uu ugu soo laaban lahaa. Waxaanu noqday macalin shaqo qaran ah oo ka dhiga Dugsigii Sare ee Gacan Libaax oo isla sannadkaas la furay (1981). Haddaba waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo ardaydii Xuseen ee fasalka 1aad ee dugsiga sare G/libaax, waxaanu noqday macalinkaygii Bayoolajiga.

Marxuunku waxa uu kala kulmay magaalada Hargeysa dareen ka duwan kii Muqdisho ka jiray wakhtigaas, waxaana hor lahaa kacdoonkii dadka reer Somaliland sida cad ugala hor yimaadeen taliskii nacabka ahaa ee Siyaad Barre. Waa wakhtigii la xidhxidhay dhalliyaradii aqoonyahanada ahaa ee loo yaqaanay UFFO. Waxaana bilow ahaa halgankii hubeysnaa ee dagaalyahankii SNM.

Maalintu waxay ahayd Sabti bisha February tahay 20, sannadkii 1982kii, waa maalin taariikhda iyo nolosha dad reer Somaliland wax wayn ka badashay oo raad weyn ku yeelatay, isla markaana ay shacbiweynaha Somaliland muujiyeen in la diidi karo yeeltii taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre. Aroorinimadaa dadka reer Hargeysa intiisa badan waxay u wada dhag taagayeen waxa ay ka yeeli doonto maxkamadii wareegi jirtay dhallintii UFFO ee la xidhxidhay. Magaalada dadku waxay u dareereen dhinaca maxkamada si ay u soo dhagaystaan dacwada been abuurka ah ee lagu soo eedeeyay nimankaa aqoonyahanada ahaa. Waxaan xasuustaa h ooyaday oo dhinacaa u sii dhaqaaqday laftigeedu aniguse waxaan tagay dugsiga maalintaas. Saacadu waa ilaa 11kii subaxnimo waxaanu ka soo noqonay sidaan u malaynayo xilligii nasashada (break time), waxa noo bilaabmatay xiisadii 4aad oo ahayd Bayoolaji. Macalinka xiisadan noo dhigayay waa marxuun Xuseen Cabaase oo aan ku xusayo qoraalkaygan maadaama uu ahaa mid ka mid ah macalimiintii i bilowday dugsiga sare. Markay xiisadu meel dhexe marayso ayaa waxa na soo gaadhay dayaanka rasaasta iyo baabuur badan oo si xawaare ah dhanka faras magaalaha uga imanaysa. Qayladii ardayda iyo sawaxankii hoonka baabuurta ayaa is qabsaday markiiba, maanka ruux kasta oo naga mid ahaana waxa ku soo dhacday tolow sidey wax u dhaceen, waayo waxaanu wada ogsooneyn in maanta ay tahay maalintii maxkamada la keenayay dhallinyaradaas dhinbiisha u noqday halgankeenii ee UFFO. Talo meel noomay oolin laakiinse haddana dareenka waanu ka sinayn, hiyigana waxaa nu ku haynay in hubka kaliya ee aanu heli karnaa yahay dhagaxa oo miskiin caawiye aanu ciyaalnimadii ula baxnay. Fasalkii oo dhami mar kaliya ayaanu albaabka boobnay, Macalin Xuseen waxa uu isku dayay inuu yidhaa jooga laakiinse Allah ha u naxariistee isaga laftiisa ayaa dareenka nala wadaagayay. Dusgiga ardaydii ku jirtayna intooda badani waabay nagii horeysay oo dhinacaa iyo badhtamaha magaalada ayaanu u dhaqaaqnay si aanu ugala qayb qaadano ardayda iyo dadweynaha kale kacdoonka lagaga soo horjeeday xadhigii xaq darada ah ee lagula kacay qaar ka mid ah macalimiintayadii, aqoonyahano iyo dhakhtaradii magaalada qaar ka mid ah oo aniga shakhsiyan qalniin igu sameeyay dhawr bilood ka hor, kuwaas oo aan xasuusto sida ay naftayda u badbaadiyeen ee goor fiidnimo ah oo danbe iyagoo shaqada aan ku jirin haddana go'aansaday in ay qalniinkan igu sameeyaan. Daryanka rasaaska iyo dayaankeeda ayaa is qabsaday oo wixii rasaas dhacday malaha ruux nooli magaalada kuma hadhin ayuu is odhanayay ninkii joogay.

Maalintaas dadka intii wax noqotay ama la xidhay la isma tabin oo intii is ag joogtay ayuun baa iska war haysay. Nasiib darro, Marxuun Xuseen Cabaase waxa isla dharaartaa gacanta bidix kaga dhacday xabadihii askartu ay sida arxan darida ah ugu ridayeen dadka, waxayna xabadu ku haleeshay meel aan ka dheerayn dugsigii uu macalinka ka ahaa ee G/libaax, waa waddada xero jaadka sida aan u malaynayo. Dhaawacaas ka dib waxa loola cararay dhanka Cisbitaalka guud ee Hargeysa si loogu daweeyo, inkastoo shaqaalaha caafimaadku aanay yaraysan intii kartidooda ah in ay daaweeyaan marxuunka. Haddana waxa nasiib darro noqotay in ay cisbitaalka ka dhex ugaadhsanyeen dadkii ku soo dhaawacmay dhagaxtuurka askartii magacyada badnayd ee loo samaystay cabadhunta shacbiga sida Hangashta, NSS iyo kuwii Dhabarjabinta ee magaca xumaa. Marxuunka waxa dhakhtarka ugu yimid ciidamadaas qaar ka mid ah oo shaqaalihi i caafimaadka amray in ay gabi ahaanba ka joojiyaan daaweyntii Xuseen (Allah ha u naxariistee). Mid ka mid ah ardaydii ku booqatay marxuunka oo aan ka wareystay bal siduu ahaa markay dhakhtarka ugu tageen ayaa isagoo aad u murugaysay igu yidhi waxaan xasuusta wali waardhkii uu yaallay wuxuuna noo sheegay in xataa dhaymihiii ay ka tureen qolo Dhabarjabinta ahayd oo u sheegtay in ay danbi baadhayaal yihiin. Marxuunku waxa ka mid ahaa ereyadii uu ku yidhi ardaydaas dhakhtarka ugu tagtay Allah ha u naxariistee "Meel kulul ayay i dhigeen oo dheymihiina way iga joojiyeen, sayloonkii way iga tureen, gacantii waataa oo dirxi ayaa iga galay eegi kari maysaan si aanu u sii noolaanba Illaahay ayaa og”. Allah ha naxariistee Xuseen sagaal cisho oo rafaad, xanuun, dhibaato iyo cago-jugleyn ah ka dib ayuu u geeriyooday dhaawacaa fudud ee gacanta bidix ka soo gaadhay oo haddaan nafta lagu silcin si dhib yar looga daaweyn lahaa.

Xuseen Allah ha u naxariistee waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo 17sanno markaa jiray, soona dhamaystay uun tacliinta dugsiga sare oo madi ah, hooyadii waxay umul aroortay isagoo 10jir ah. Aabbihiina waxa uu ka mid ahaa geesiyaashii saraakiisha ciidanka ahaa ee naftooda u huray dagaalkii xabashida iyo Soomaalida ee 1977. Waxa uu la dhashay marxuunku lix hablood oo 5 ka mid ahi degan yihiin dalkan Ingiriiska halka inanta kale ku nooshahay Somaliland. Marxuunku wuxuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo bashaasha dadkana aanay is diidin oo macaan, isla markaana ardaydu ay aad u jeclayd oo magac ku lahaa dugsiga dhexdiisa.

Haddaba inkastoo wixii Illaahay qadaray an ciddina oofin karayn haddana sida ay ula dhaqmeen ciidamadii taliskii cadowga ahaa ee Faqashtu isaga iyo dhigiisuba waxay qayb ka tahay taariikhda dayacan ee duuga ah, taas oo dadka reer Somaliland u taalla maanta in ay wax ku qaataan oo xafidaan si aan baritoole dadka kale been uga sheegin ama ugu gabraaran oo aanay guullahooda u afduubin. Waxaana hubaal ah in ay haddii aynu qorno taariiikhda oo derisno aynu kaga badbaadi karno mashaakilaad badan oo qaarkood wakhtigan xaadirka ahba ina haystaan. Taariikhda maalintaas iyo wixii dhacay oo faahfaahsan qoraalka kaliya ee laga hayaa waa buug cusub oo dhawaan uu qoray mid ka mid ah ardaydii dugsiyada ee wakhtigaas, kaas oo markii aan akhriyay igu baraarujiyay in aan baadi doono taariikhda macalinkaygii Allah ha u naxariistee. Buuggana waxa uu si waadix ah uga sheekaynaya dhacdadii UFFO iyo kacdoonkii dhagaxtuurka ee ka bilaabmay Hargeisa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland 1982kii (A note on my teachers group: news report on an injustice.). Illaahay naxariistii janno haka waraabiyo marxuun Xuseen Cabaase iyo intii la midka ahayd ee ku shahiiday kacdoonkii dadka reer Somaliland kala hor yimaadeen Askartii cadowga ahayd ee u adeegaysay taliskii Muqdisho. Maanta inteena noolna waxa la gudboon in aynu wax ku qaadano dhibtii iyo rafaadkii aynu u soo marnay soo dhicinta Maandeeq oo aynu ka waantowno wixii aynu isku seegnay nidaamadii tallada Jamhuuriyadii Soomaalida iskaga danbeeyay oo ay kow ka ahayd cadaalad darida iyo sinaan la'aantii jirtay.



The views published here are solely those of its authors (Khadar Ali Gas) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
57. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
58. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
60. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
61. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
63. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
64. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
65. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
66. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
67. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
68. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
69. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
70. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
71. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
72. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
73. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
74. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
75. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
76. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
77. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
78. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
79. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
80. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
81. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
82. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
83. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
84. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
85. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
86. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
87. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
88. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
89. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
90. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
91. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
92. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
93. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
94. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
95. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 155 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com