header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


23/10/2006: Submitted for publication via web
Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali”
by Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)

(from somaliland.org)

Cabdilaahi Suldaan Timacadde wuxuu ahaa waddani soomaalinimada jecel. Wuxuu wakhtigiisa iyo tixdiisaba u huray sidii loo heli lahaa soomaali mid ah, qarannimo iyo qiimo sare, mid aan la gumeysan ee gob ah. Haddii aad u dhabo gashid tixihiisa waxaad la kulmaysaa dareen culus oo midnimo, walaaltinimo, wax wada qabsi, horumar iyo aqoon ku baaqaya, feker xor ah oo caafimaad qaba.

Heerka dadnimo ee Timacadde gaadhay waa mid aan si fudud lagu kasban karin, waa mid bisayl dadnimo, jacayl wadaniyeed, cilmi diineed iyo waayo aragnimo gumeysi, aqoon dhaqameed iyo aftahanimo tixeed iyo indheer garadnimo ka soo burqanaysa. Cabdilaahi Suldaan Timacadde wuxuu soomaalida si dedan iyo daalacanba ugu guubaabiyey danteeda, wuxuu ku hagay wada jirkeeda, wuxuu uga digay kalataggeeda, wuxuu farta ugu fiiqay ka kala geynaya ee isku diraya, ka qaranimadii qoyska ku iibsaday, ka wada jirkii jeebka gashaday.

Cabdilaahi Suldaan Timacadde, wuxuu soomaalida ku baraarujiyey siday u soo dhacsan lahayd dhulkeeda maqan, wuxuu hanjabaad iyo dhaadasho caga dhulka ugu dhufanayaa gumaysigii caddaa iyo kii madoobaa. Wuxuu u sii dardaar weriyey kuwii dhulalka soomaalida haysta, inay dhowaan ka soo dhacsan doonaan oo dhibaatada iyo hooggu iyaga ku dambayn doono, in aan xaqooda cidina xaqiri karin ee xoog iyo xoolaba ay u leeyihiin oo soo dhacsan doonaan.

Cabdilaahi Suldaan Timacadde, cudurka soomaalida ku dhacay ayuu si dhaba u garawsan yahay, wuxuu og yahay in soomaali laba shay ay disheen, qabyaalad iyo gumeysi. Guubaabada ugu badan tixdiisa wuxuu ku halgaadayaa qabyaaladda oo uu leeyahay, waa bahashii dad idinka reebtay ee iskaga hadha, boqontiin go’daye miyeydaan marna caqliyeysanayn oo garansho u yeelanayn wixii shalay aad ku jabteen, maxaa maantana aad ugu heelantihiin. Reer reerkan loo kala baxay iyo to’laaydu sow ma aha uun wixii aad weligiin ku soo jirteen ee meelna idiin tukin weyday. Dabadeedna naftiisa ayuu haaramaayaa oo isku hiifayaa in aanay soomaaliduba dhego u daloolin ay waanadiisa ku maqlaan, inay yihiin dad qaafil ah oo aan waxba hoos u deyin, garashadana ka madhan.

Cabdilaahi Suldaan Timacadde, ilaa uu god galay guubaabo iyo waanno soomaali kalama hadhin; qabyaaladda, qaadka iyo kuwa qaranka duminayeyna marnaba afka kama dhigin. U fiirso meerisyadan hoose ee aan ka soo xulay tixdii Timacadde kuna abbaaran guubaabada soomaalida. wuxu yidhi:

Makri ma laha soomaalidii, Maxamed Keydoowe - p41
Maskab kuma qabtaan daarahaad, milicsanaysaane
Malgaash kolay ku tahay uunka kale, waa midhkaa qudha’e


Tirtirsiinyo soomaali waan, loogu tag heline – Taleex p105
Tawalleeye beni-aadmigii, taag darraan jiraye
Talka waxay ku qaateen, israac oo tallaahiya’e
Anaa kaa tol-roon waa waxaw, tarraqi weydeene

Tafiir yarida waxay noogu wacan, taaha gaajada’e
Tiibbiidu soomaalidaay, maaha tiif cudure – Taleex p106
Tallaalkeedu waa ceeshaddaan, taabi la’nahaye


qabaa’ilkiyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay
qasdi jeerooy wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso
Qabyo weeye soomaalidaay, qiiradadaniye – Qabyo p108

ama aan minister soomaaliyeed, maqallay weedhiisa – Arbacadii p116
ninkaan aad u kala miirmin baa, madhan xuseenoowe
mug-yaraa wakhti dhaafayaa, soo maqaabilaye

soomaalidaa naaxday baa, qaar ka naxayaane – Nidar p170
nacasnimo Cagoolow Rabbaa, naaska kuu sudhaye
Naftoo kaa baxdaa ka roon nolosha qaarkeede

wadnihiinna soomaalidaay, weyda ku adkeeya – Wanaagii bukooday p175
waraabuhu ragguu cunayo weli, weyrax ku ogaada
nin wadiifad haystoow ka kale, hayska weyneyne
nin walbaan wadeecada ka rabo, calankii waa kaase


doqonniimo soomaali waa, loogu daw galaye – Buul-duqeed p177
hadduun bay u doonyaysan tahay, sheeyadii dilaye
imminka la doondoonayaa, Dir iyo Daaroode

dan soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kale’e – Buul-duqeed p177
Shacbigii dagaalka u galaa, daadsan suuqyada’e
Dambarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye


garaadkeedu soomaali waa, kii hore u gabaye – Gunaad p179
gondaheeda daayoo hadday, geeddan kale diidday
galladdiyo nimcada Eebeheen, kama guddoontaane

dhammaan dunida soomaali bay, dhaxani haysaaye – Dhaqdhaqaaq p182
Dhaaxuu gumaysigu bartuu, dhiig la’aan koraye
Dhaqdhaqaaq ninkii lagu arkaa, loo dib-dhigayaaye

Waxa dhacaya soomaalidaa qaadka dhilanaysa – Dhaqdhaqaaq p182
Dheguu uma daloolaan kuwaan, dhiirri leeyahaye
Dhexdeeday isula taagan tahay, dhaadashiyo faane

hoheey, malaha soomaalidaan hoos waxbaw deyine - Hadaf p186
waxaan aad u hibataynayaa, kii horaan idhiye
waa hebed maansadu haddaan hedhe loo fidine

ka habbowday soomaalidaay, hilinkii toosnaaye – Hadaf p187
hayaay iyo tollaay raganimaa, kaga habsaanteene
waa waxa halkaa idin dhigee, la hinqan weydeene


Xeradaa Nagayliyo Hawaas, xagarkii Haadaamo
Halka inan timaha loo xamreey, xadhig ku soo soohdo
Xakabkiyo wixii loo ku rara, awrka Ina-xaawis
Xuduudkeedu soomaali waa, shey xaqiiqo ahe – Xusuus p194
In aan Xayle yooyootannaa, waa xaloo kale’e


SYL ilaah kama baqdiyo, ololkii naareede
NFD ardaayada Siyalow, aradka Mooyaale
Oodo-caliga Cawsiyo Randiyo, Ubukh ka baalleeye
Asalkeeda Soomaali baan, ururinaynaaye – SYL p196
Kuwii loo igmaday waa kuwaa, aakhiro u ridaye
Wasiirradan ugaadhsiga bartee, orob ka dhowrtaysta
Astaan bay(s)ku wada leeyiin, meel aan la arkayne


Garaad ma lihid soomaalidaay, gebi ahaantaaye – Gama’diid p199
Gadhkuk nimuu caddaadiyo barbaar, waa gu’-baas jire’e
Ma qabyaaladdii lagu gubtaa, godadkii loo doontay
Ma wixii hore u soo gabay ayey, galabta raadcaysey


Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo, doorka uga qaaday
Dadka waxaan ogeysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaalidaay daya wanaag, idinka doorsoonye – Dugsi ma leh p203


Ubaxiini waad daadiseen, waana dubateene
Dulbaaxdiisa waa wada canteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan soomaalidaay, waa lagaa dedaye – Dugsi ma leh p204
Derejada Ilaahay ninkii, doonayaa hela’e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diintii ka carrowye
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane


Soomaalidaay hadal dhammaa, hurise maysaane – Hulunbe p207
Idinkaa is haylhaylayee, lama hungoobeene
Duulkii habaar qaba jidkaa laga halleeyaaye – jin baa haamahaw tuma’e
Hog buu kaga ridaa Eebbeheen, hir iyo towfiiqe


Ilaahay ganaaxiisu waa, galabsigeenniiye
Inay samadu naga gaaggaxdaa, gar Alla weeyaane
Gu’gaan weynay soomaalidaay, waa gefkii dhacaye – Ganaax Eebbe p216


Bani’aadmigii kale dhammaan, wuu baraarugaye
Boqontiin go’daye uunku waa, beretamaayaaye
Biyahaan dhaqaaqini dhagxaan, badan ma riixaane
Haddaan baarka loo fidhin timuu, bilic ma yeeshaane
Ba’-heblaayo iyo reer-fulaan wayna bi’iyeene
Uma baahnin soomaalidaay, baane maantana’e – Berigii Gumaysiga p222


Tuhun beeshay soomaalidii, turuqna naafowye – Tabanayee mooyi p232
Tagoogaa sidaan uga jabniyo, dhabarka taaggiisa
Tafaraaraqii baa wadnaha, taabka noo jaraye
Tacsidiyo quraankaan akhriyey, way u tegayaane
Togaggii Jannada Eebbeheen, tiisii haw furo’e
Innaga iyo ubadkuu ka tegay, samirku waw toose.


arartaan dhawkaw toil ogaa, waan ka dhowrsadaye
ma dhig dhigin kuwaan Daahiroow, dhaabadayn jiraye
bal dhegeysta soomaalidaay, kani dhab weeyaane – Dhunkaal p242

dhubuq dhuqubdi waxay soo siddaa, dhabanno-haystaane
aabigaba dhibaaxada naabsigu, waa mid aan dhixine
dhudhub oodan buu kula gala, dheregga qaarkiiye
baarlamaankii dhaylaysan jirey, dheehiii laga qaadye
sida nimankan dhoofayeen, dhidibka oolllaynin
ama rag aan u dhalan bay carriga, uga dhammaysteene
soomaali waxay dhaafsadeen, waa la dhaygagaye – Dhunkaal p243


hayeeshee daraartii xornimo, dhibika loo taagay
dhalanteedkii baa noo hor kacay, dhuxul cadaabeede
dhabbadii markay naga duween, shicibku dhaadaayey
dhako-faartay soomaaliday, kala dhilaayeene – Dhagaxtuur p264
goortay dhogor-goyn lahayn, way na dhumiyeene


Dhumucdeedii soomaali way kala dhantaaleene - Dhagaxtuur p264
Dhudhummada ayaa naga jebshoo, dhuuxii koru raacay
Dhoomaha ayaa nagaga raray, dheegga sida awrta
Soomaali yaa dhaawacoo, qoomay dhabarkeeda
Dhallaanka iyo maatida ayaa dhego-barjaysiiyey

dhallinyarada soomaalidaan, dhiiri leeyahaye - Dhagaxtuur p265
nin dhegeystay waanada mar buu,dhego nuglaadaaye
dhanbaal baa cimriga sii sidoo, oday dhawaateeye
idinkaa dhaqaalaha waqtigu, yahay dhiggiiniiye
ubaxii dhirta iyo waxa tihiin, xididkii dheeraaye
dhulka iyo aduu waalidkaa, kaa dhursugayaaye


Ilaah kuma xamdiyo ruux hadduu, aysimaad wado’e
Hadduu oofa-weynuhunimcada, aayar cuni waayo
Ibleyskii Xakiim duufsadaa, awlalka u lulaye
Unuunkooda jeeroo shacbigu, ku arko miidaanka
Ideylkoodba jeeroo sidii, adhiga loo laayo
Aqbali maynno way nool yihiin, eegga dabadeede
Arwaaxiinanaw dhiman haddaad, ka asli weydaane
Imanna mayso soomaalidaad, ururinaysaane – canaan-shicib p268


Midigtaadu waxay xoogsataa, maydha kaa jara’e
Marke aanad lahayn looma lulo, maanka weligaaye
Maggaabada hashaadaa ka roon, meydhanaan kale’e
Ummadiba mar uun bay heshaa, macalinkeediiye
Soomaali “Mawgeedi ” waa, maanta kaa wada’e – Guubaabo p276

Carfi wuxu ka muuqdaa shacbiga, caafimaad qaba’e
Markay ciirtay waa tii Ilaah, noo cawaal-naqaye
Ceeryaamadeey nagu dedeen, Ciidankaa rogaye
Soomaalidaay ceebtu waa, caabuq kugu yaalle – Aqoon p277
Cillad weeye kugu soo baxdiyo, cudur aan guurayne
Cisi ma leh adduunyada ninkii, cadow wax moodaaye


Bahashii qadhaadhayd markay, qabay dhanaan moodday
Sidii dhaydii Qayraan markii loo qudhqudhinaayey
Qalbigayga kuma leexin jirin, qababaxdeediiye
Soomaalinimadii la qalay, qayb kamaan geline – Qodaxdii Qabriga p279
Qoor-diidka anigoon u goyn, qun uma luuqayne
Anigoon qasaasilin debnuu, igama qaadaane
Ninkii qar iyo buur fuulay buu, qoon ka leeyahaye


Saablayda goortaan murtida, soocan ka higgaadsho
Suuryadaan ka liishaamayiyo, saadda way garane
Soomaali oo dhami marnaba, ima saluugaane – Seetadii p281
Anigoo si’yaab leh u taxaa, saydhiyaa gabaye

Soomaalidaay talada waa, laysa siiyaaye – Seetadii p282
Sibidhkaan biyuhu hoos u gelin, sibibix mooyaane
Sarreeye iyo dadweyniyo sarkaal, sebi yar oo roora
Iyo soo-ma-jeestaha dalkee, saanadda xanbaarsan
Nin walbaan wax kugu saabsan, baan kuu sawirayaaye
Sacabbada nin hoorsaday xornimo, sigib la’ loo diidye

Qalinkii: Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)



The views published here are solely those of its authors (Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
40. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
41. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
42. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
43. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
44. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
45. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
46. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
47. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
48. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
49. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
51. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
52. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
53. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
54. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
55. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
56. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
57. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
58. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
60. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
61. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
63. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
64. 01/02/2006 Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 183 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com