|
28/08/2005: Submitted for publication via web Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa
by Maxamed Bashe X. Xasan (from qarannews.com)
Qoritaankii far soomaalida iyo hirgelinteedu waa libinta ugu weyn ee u soo hoyatey meel ay joogaanba dadka af soomaaliga ku hadla nus qarnigii u danbeeyey. 1972 oo ah xilligii lagu dhawaaqay qoridda iyo hirgelinta afsoomaaliga waxa laga joogaa 33 sannadood. Waxa mahadhaysan oo la yaab ah in aan muddadaas mar kale dib loo jalleecin far soomaalida iyo xeerarkii qabyada ahaa ee guddidii guushaasi soo hoysey ay dejisey. Afafka iyo xeerarka lagu abyaa waxa ay isla beddelaan casriga iyo geeddi socodka nolosha bulshooyinka. Waxana luqaduhu u baahdaan daryeelka iyo kobcinta ilmaha yar ee la barbaarinayaa uu ka dalbayo waalidkiisa mid la mid ah.
Dayactir la’aantaas ku habsatey afsoomaaliga, waxa ka dhashay dhibaato weyn oo horseedaysa tayo la’aanta iyo liidashada qoraalkiisa, iyada oo aynu maanta u jeedno jahawareerka ereyga qoran ee afkeenna iyo xaaladda jaantaa roganta ah ee qofba sida uu doono xagaafka u qaadsiinayo qalinka ama qoraalkiisa ee aan soohdinta lahayn.
Dhinaca kale dhaqanka dhigaalka iyo ereyga qorani waa meselo ku cusub dhaqankeenna hadlaaga ah. Arrintani waxa ay noqotay cillad kale oo jid gooyo ku samaysa hirgelinta ereyga qoran ee afsoomaaliga. Taasi waxa ay dhalisay in qoraalkii afsoomaaligu ku agoomoobo oo ku ab iyo isir beelo bulshada dhexdeeda, qoraagiina waayo dhiirri gelin uu ugu hollado inuu wax qoro, waxna soo saaro. Tusaale ahaan dadkeennu badi ma aqoonsana in kutubta iyo buugaagtu la mid yihiin ganacsiga kale ee alaabooyinka kala duwan, sida dharka iyo raashinka.
Xaaladahaas waxa soo raacaya daryeel la’aan dul gawdiidsata qorayaasha laftoodii. Waxa meesha ka baxay qarankii gacanta u fidin lahaa ee maal gelin lahaa ama ka taageeri lahaa qalinlaha maskax maalka ah dhinaca dabacaadda iyo suuq geynta wax soo saarkiisa hal-abuurnimo, waxa cidla’ ciirsila mutay oo bulshada meel ka waayey wax soo saarkiisii maskaxeed, dabadeedna waxa dhacaysa in qoraagii uu qalinkiisa hakiyo oo naftiisa meel kale ula foof tago, taasina waxa ay keenaysaa maskaxdiisii oo gabnowda ama gudhaba, halkaana ay hibadiisii ku baylahdo, kuna dul qaadho ama kuba duleed dhimato.
Mushkilad kale oo naxdin leh ayaa badhitaarka iyo hirgelinta qoraalka shafka ku haysa oo raaf-danbeed ku qodaysa. Waxay tani ka soo jeeddaa xaaladda guud ee sal la’aanta iyo qasaawaselelka siyaasadeed, degganaan la’aanta iyo ruxanka maanka ee qoraaga iyo akhristayaashiisa. Sas iyo dala’si ayaa meel walba cidhiidhi ku haya oo gabagabaynaya. Wax walba waxa ku mutuxan shaki iyo is diiddooyin ku xidhiidhsan xaaladda guud ee wada naca iyo naxliga ah.
Tusaale buugga HAL KA HALEEL ee Sooyaalka iyo Suugaanta Hadraawi, waxa aan suuq geyntiisa ka bartay wax badan. Jeldiga Hal Ka Haleel midabkiisu waa saxaraawi, waxana jeldigaas xaggiisa hoose ka bilaabmaya wax hummaag ahaan u eg biyo ama hadh (hoosiis) kor ugu sii fidaya buugga jeldigiisa, si quruxda jeldigu il-qabatin u yeelato oo midabkiisu u badhxanaado. Haddaba waxa soo baxay dad aan yarayn oo Reer koonfureed ah oo hummaag tilmaameedkaas ku sifaynaya inuu yahay ama looga gol leeyahay Khariidadda Somaliland oo sawrac ha joogtee xitaa aanay isku soo sansaan ekayn sawirka jeldiga buuggaas! Dhinaca kale dad aan yarayn oo ka soo jeeda Somaliland ayaa iyana buuggaas ku duraya in aan magaca Somaliland lagu soo qaadin oo meelna lagaga xusin, iyada oo haba yaraatee aanu buuggu mawduucaas wax xidhiidh ah la lahayn! Mushkiladdani waa mid jid gooyo ku ah oo sidii maraboobta ugu maran qoraal ama buug kasta oo soo baxa. Naqdiga iyo faaqidaaddu waa biyo kama dhibcaan meel weyn ka fadhiista hal-abuur oo dhan, hase yeeshee tan aan ka hadlayaa kuma xidhiidhsana arrintan muhiimka ah.
Wax walba waxa lagu eegayaa oo ku mudan indho siyaasadaysan oo mugdi u keenaysan ama u faruuryo xidhan. Waxa wax lagu miisaamayaa aragti caabuq diloodey oo sumaysan; colaad iyo xumaani ka buuxdo oo cuqdadaysan. Haddii siyaasaddii lagu kala fogaadey miyaan la wadaagin afkan lagu wada hadlayo, wax lagu wada akhrisanayo, suugaantiisa iyo hiddihiisa, iyo nolosha kale ee ballaadhan ee guur leh, ee xidid iyo xigaalba leh, ee dareen-wadaag leh, ee saaxiib iyo macaariif leh, maxaa wax walba looga raadinayaa ama looga ursanayaa boogta siyaasadaysan haddii aanay xitaa siyaasadba shuqul ku lahayn.
Gababagabadii waxa aan soo jeedin lahaa dhowrkan qodob ee u sii heetinaya dhanka xalka, si aanay u raad gadmin, una tasoobin libintii hirgelinta far soomaaligu:
in la raadiyo cid iyo meel lagaga hawl galo sii horumarinta iyo kobcinta afka iyo farta soomaaliga, iyo in ka baaraan deg lagu sameeyo qabyatirka meelaha daldaloolladu ka soo baxeen xeerarkii guddidii afsoomaaligu dejiyeen. Tusaale ahaan waa lama huraan in la abuuro guddi ehel u ah, aqoonna u leh cilmiga afafka, kana soo kala jeedda gobollada iyo degaannada afsomaaliga lagaga hadlo
in la dhiirri geliyo abuuritaanka iyo kobcinta madbacadaha, rugaha kutubta ee maktabadaha iyo rugaha biic gelinta ama iibinta iyo qaybinta buugaagta
in qalinka iyo qoraalka lagu ekeeyo soohdinta xeerarka la isla oggol yahay ee la isla qaatay, wixii cusub ee soo baxana la ururiyo oo lala sugo inta loo helayo meel lagu kala shaandheeyo
in la dhiirri geliyo dhaqanka ereyga qoran oo la qaato, lana quudho in la iibsado buugaagta aan badnayn ee ilaa iminka la qoray ee suuqa ku baali garoobaysa, taas oo dhiirri gelin u ah qoraaga, faa’iidana u ah akhristayaasha, waayo laguma hungoobo, khasaarena ma leh wax akhrisku, ‘ereygii qoran baanay quruumo dhaxlaan’!
Qalinkii Maxamed Bashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Note: Copyright © 2005 QaranNews.com
|