|
20/01/2006: Submitted for publication via web Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed
by Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash (somalistartpage.com) Soomaalidu sida la ogyahay waa reer guuraa oo kumayaal sano bay xoola dhaqato ahaayeen. Waana hab-nololeedka afkooda guud ahaan, suugaantoodana gaar ahaan, qaabeeyey.
Mar haddaanu af qorreyn, aqoonta dadkaasi kala dhaxlayeen sida qudha ee la isugu tebiyaa waa xasuusta. Xasuustaas ayey xoola dhaqatada Soomaaliyeed qamiyaashii badnaa ee ay ka soo gudbeen dhalan rog uga adkeysteen.
Haddaba, xasuusta waxa lagu hayn karaa hadal ahaanna loogu kaydin karaa oo qudh ah, marka weedhuhu dhinmaan, qurxoonaan iyo koobnaanba ay leeyihiin.
Qurxoonaan waa hadalka dhegta uu gaadhaa jecleysato, noqnoqshadiisana aaney ka qaraarin kana xiisa goyn.
Si maskaxdu xasuus ugu kaydin karto, hadalkaasi waxa uu wataa sargooyo habdhac leh, iyo ujeeddo ballaadhan oo erayo kooban lagu muujiyey.
Bin waa tii yar ee afleh
Hadalna waa ku yar ee murti leh
Guud ahaan, suugaantu waxay u qaybsan tahay, tiraab iyo tic
1. Tiraabi waa hadal qurxoon oo koobnaan iyo sargooyaba leh, hayeeshee, miisaan iyo xaraf raac labada midna kuma khasbana. Waxaa ka mid ah baanaha, maahmaahda, sheeka xariirada, iwm.
2. Tixi waa tiraab ay u dheer tahay xaraf raac,
(qaafiyad) kuna qasab tahay in ay yeelato miisaan.
Tixda (hab-maanseedka af-Soomaaliga) iyo sida ay u sameysanto Maanso waa hadal taxan oo xeer ku taxan. Xeerarka kala duwan ee maansada u sameeyey habtaxo fara badan awgood, waxaannu ka fikirray inaan u qaybinno maansada "bah bah", taas oo aan ugu magaca darray bahmaanso.
Bahmaansahaasi godad buu u sii kala baxaa
la yidhaa godmaanso. Inta godmaanso ee isku
bahmaanso ihi waa isku umig. Unugga oo ah
qaybta u kooban ee godmaanso ka dhaqaaqi
karo, waxa uu yahay unugmaanso. Intaa ka dib
waa waax, xubin, xag iyo shaqal:
Tix
bahmaanso
unugmaanso
waax
xubin
xag
Xubinta ugu horreysa, sidaan arki doono,
waxaa ka mid ah togankeeda iyo tobankeeda.
Xubin marka aan leenahay waxaan sheegeynaa
waa habtax afar shaqal ah, oo u dhigmi kara:
1. Laba shaqal oo dhaadheer, ( 2+2)=4 shaqal.
2. Mid dheer iyo labo gaaggaaban.
a. Xag horraadka oo dheer iyo labo gaagg¬
aaban (—** 2+l+l)=4 shaqal.
b. Xag danbeedka oo dheer iyo labo
gaaggaaban (**— 1+1+2)=4 shaqal.
Habtaxaa aan soo sheegnay oo xubin xubin u socda, waxaa ku salaysan godmaansaha koobaad oo ka tirsan hab-maansaha koobaad, waana ka u gaaban godadka heesaha mooyaha loogu heeso marka la tumayo.
Mooyaha ~- ** (2+l+l)=4
Malablaha ** ** (1+1+1+1)=4
Magacii * * — (1+1 +2)=4
Mooyaan (2+2) =4
Bahmaansahan godadmaansahiisu waxa ay u socdaan xubin xubin, togankooda iyo tobankoodana waxaa isku xidha shaqal gaaban oo afartii shaqal ee walba shaneeya, guntin baana la yidhaa. Xubinta iyo guntinteedu waxa ay isku noqnayaan waax (4+l)=5.
Haddii aan dib u eegno: Waaxi waa xubin iyo shaqal gaaban (4+1), ama waa laba xag iyo guntin (2+2+1). Gomaanse kasta oo ka mid ah bahmaansahan koobaad godmaansaha ka
horreeya uun buu ku duldhismaa.
Godmaansaha labaad ee hab-maansaha
koobaad waa toddobada shaqal (gaaban)
habtaxankiisu yahay: <-waax->
Xubin Togan Xubin Taban
(xag+xag) Guntin xag
(2 +2) = 4+1+2 = 7 Maqa-leey war laay Mala-guu war ramay Ina Cali la dilay Oo Cumar la dilay Oo dhiig qui qulay Oo waran dhul galay
Godmaansaha saddexaad waa siddeed shaqal. Habtaxankiisu yahay WAA + XAG horaad + Naas (xubin taban ah 4+1+2+1 = 8).
XubinTogan Guntin XubinTaban <==waax===> Xag Horaad Naas (4 + 1) =5+2+ 1 = 8 Hee - lada bu tii le Saray loo ma jii do Hoos loo ma jii do Waa la ho dhi yaa ye
Godmaansaha 4"^ ee bahmaansaha 1"" waa
sagaal shaqalle habtaxankiisu yahay:
< = = =waax= = = > XubinTogan
XubinTogan Guntin XubinTogan
4+ 1+4=9
Ragga dhoo- la sha uga eg Faras- kana dhex da uga eg Dexyar-reey ma nabadbaa?
Godmaansahan waxa kale oo loo yaqaannaa jiifto ama/uft; dhan kale haddii aan ka eegno, godmaansahaasi waa ka keli ah ee habtaxankiisu yahay:
xubin togan + guntin + xubin togan. Waana ka si wanaagsan u dheelli tiran (symetric) maansada af-Soomaaligana u badan siiba xagga heesaha idaacadaha ka baxa.
Godmaansaha 5"* ee bahmaansaha l"- waa toban shaqallada habtaxankiisu yahay:
waax + waax = 10 Rida garo ga- dhoodhkee- da = 10 Gees cos la-beentee- da = 10 Ma anaa hi- loo lee- fay =10
Godmaansahakani waxa ku salaysan heesta Haanta marka caanaha la Iulayo ee burcadka laga saarayo. Haddii aanu nidhaahno, shantaa godmaanso ee bahmaansaha lMd, sidii aan soo sheegnay, midba midbuu ku kor dhismay: Ka l**1 xubin togan ah buu ku habtaxan yahay
Waxaanay u taagan yihiin sadarradiisu xubin xubin. Saddexda kalena, (2"", 3"" iyo 4aad) oo ka habtaxan laba xubnood tabankooda iyo togankooda, waxa aan ku tusmaysaneynaa in sadarradoodu ay ahaadaan laag laag.
Godmaansaha 5"* se waxa aan ku tusm¬aysaneynaa in sadarradiisu u taagmaan meeris badh, meeris badh meeris: waxaa loo adeegsadaa marka haamaha ama gorfaha la tolayo, wareeg kasta oo la dhammeeyo waxaa loo yaqaan meeris. Haddii aan soo gororinno, godmaansaha 6"* ee bahmaansaha l"1" waa labaatan shaqallada (gabayga) oo habtaxankiisu yahay:
waax + waax + waax + waax = 20 shaq (4+l)+(4+l) + (4+l)+(4+l) = 20
Tix gamuuran, oo gaaban <to caynka lagu giijay
Haddaad u fiirsato, meeriskii waxa uu ka habtaxan yahay afar waaxood oo is le'eg, mid walibana gaar ahaanteed uga habtaxan tahay: Xubin togan iyo guntinteedii: 1. Tixga muuran Z oo gaaban
3. oo caynka
4. lagu giijay
Haddii aad si kale ugu fiirsato oo aad xubin xubin u eegto, 1. Tixga muuran (an) 1 oo gaaba (an)
3. oo cayn (ka)
4. lagu giijay
Waxaad arkeysaa in xubinta, l**1 iyo ta 4aad ee godmaansaha l**1 ay kala mid yihiin:
magacii: * * , ta 2**1 iyo ta 3"* mooyaan: *
*
Marka xubin walba guntinteedii lagu ladho, ee ay shanayso "waax" baa sida aan soo aragnay, sameysanta.
Intaa uun kuma idla'e, toddobada shaqal ee hore tix gamuuran oo; godmaansaha toddoba shaqallada buu kala mid yahay, siddeedda u horreeyana 8 shaqallada, sagaalka horana 9 shaqallada, tobanka horana 10 shaqalada.
Haddii aanu nidhi godmaansaha toban shaqalluhu waa meeris badh ah, gabaygu waa labaatan shaqalle. Waxa aan ku soo ruga keeneynaa toban shaqallada oo meeris badha weeyaan la yidhi, haddii la laba jibbaaro, oo uu meeris dhan noqdo waa goobaab haddii aan sameyno, oo aan afarteeda garjahho inta afar waaxood, mid walba lagu beego afana guntimo
midkood, afartii xubnoodna mid walba intii madhneyd ee goobaabka lagu beego, waxad arkeysaa in ay is buuxinayaan iskuna soo meer-ayaan si ay meeris dhan u sameeyaan.
Isla meeriskaa godmaansaha gabayga goobaabka la geliyey korkiisaa lagu asteyn karaa godad maanseeddada ka horreeyey. Guud ahaan, meeriska gabaygu waa labaatan shaqalle, hase yeeshee kow iyo labaatan shaqalna wuu noqon karaa uu habtaxanku yahay sidan: l+(4+l)+(4+l)+(4+l)+(4+l)=21
1. Tix gamuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay
2. Waxan arar gadaankagu sudhay amma u guudsaaray
3. Suubaan gelgelimeed markuu marayo geeleenu
4. Waa say awrtu ugu guuxdo oy hala u goojaane. (Dhoodaan)
Halka meerika l"6 ee labaatan shaqallada ihi uu afar guntimood leeyahay: Shaqalka (5^, ka 10"", ka 15-" iyo ka 20"*"); meeriska 4""i waxa uu leeyahay shan guntimood: (Shaqalka **, ka 5**1, ka lO"", IS**1 iyo 20*"1).
Shaqalka l™1 oo ah "waa" waxa uu la degayaa uu meel la fadhiisanayaa shaqalka 20**1 oo ah "-ne\ Waana guntinta l"6 oo xubinta l""1 ee meeriska, xag horaadkeeda waxa tirada shaqallada ee meeriska 4ud ka yeeshay 21 shaqal.
Waa hab-maansaha godadkiisa aan soo falanqeynay, sida suugaanta af-Soomaaliga isagoo xanbaarsan murtideeda. Sidaa awgeed, waa lagama maarmaan in la ururiyo gabayada oo la qoro lana faaflyo.
Intii hore maansadaa xasuustaa lagu keydsanaayey oo waa loo taba bartay, kolkaa dadku tix jaban oo aan miisan lahayn maba qaban karaan mana qaybi karaan. Maskaaxdaa ka biya diidda tixda sidaa ah.
Mar hadday qoraal tahay in lagu gunto, waa lagama maarmaan in uu qofka urunayaa ee qorayaa bano xeerka habtaxa guud ahaan maansada Soomaaliyeed gaar ahaanna gabayga.
Markaasi bay u suura geleysa dadka qoraya in ay tixdii si sax all u soo guuriyaan, kuwa danbee akhrisanayaana ayan ka biya diidin. Waana sida tix kastaba qurxoohaanteeda lagu ilaalin karo.
Meeriska gabayga inkasta oo aan tusaale ahaan ugu qeybinnay afar waaxood oo middiiba
tahay shan shaqal, haddana inta badan laba qaar baa laga dhigaa oo loo dhigaa. Qaarka hore waxa caadi ahaan loo bartay hojis, hase ahaatee waxaa nala habboonaatay in aan ugu yeedhno hinjis, si ay magac ahaan qaarka dambe hooris isku biixiyaan. Hinjis qaadista, hoorisna waa soo boorinta, soo dejinta: Hinjis: Tix gamuwan oo gaaban oo; Hooris: caynka lagu gujay.
Meeriska labaatan shaqaallaha ah, hinjiskiisu waa laba iyo toban shaqal una dhiganta:
(4+1) + (4+1) + 2 = 12, hoorsikuna waa sideed shaqal una dhiganta: (2+1) + (4+1) = &
Meeriska kow iyo labaatan shaqalle se hinjiskiisu waa saddex iyo toban shaqal una dhiganta:
1 + (4+1) + (4+1) + 2= 13, hooriskuna waa sideed shaqal una dhiganta:
2 + 1 + (4+1) = 8.
Hinjisku waxa uu ka habtaxan yahay laba waaxood l"-, 2"d iyo waaxda 3** xag horaadka xubinteeda, guntinteeda iyo waaxda 4aad.
|