|
01/02/2006: Submitted for publication via web Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida
by haatuf.net Djibouti, January 30, 2006 (Haatuf) –
Ilaahay ha u naxariistee waxa habeen hore dalka Djibouti ku geeriyooday
Abwaan Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo ahaa hal abuur iyo
suugaanyahan aad looga yaqaanay guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, gaar
ahaan dalka Djibouti oo uu safka hore kaga jiray halyeyadii u soo halgamay
dhinaca suugaanta gobonimada Djibouti iyo hal abuurada kaydka golaha
Raadyowga iyo Telefishanka Djibouti.
Marxuum Ibraahim Gadhle oo badweynta Suugaanta soo galay 1950-maadkii waxa
uu leeyahay suugaan isugu jirta maansooyin, gabayo iyo heeso marka aad
maqasho taabanaya damiirka dadka, isaga oo isla markaana suugaan ka
tiriyey qaybaha kala duwan ee nolosha.
Dhinaca Somaliland oo uu asal ahaan u dhashay waxa si gaar ah loogu
xasuustaa kaalintii libaax ee uu ka qaatay halgankii dib u xoreynta ee SNM,
isaga oo uga soo xidh-xidhay Djibouti si uu uga qayb qaato halganka,
waxaanu suugaan guubaabo ah isagoo wada isaga dab qaaday jiidihii hore ee
mujaahidiintii SNM oo uu ku dhiirinayey halgankii.
Ibraahim Gadhle oo shalay lagu aasay Djibouti waxa aaskiisii ka qayb galay
masuuliyiin ka socota xukuumada Djibouti iyo shacabka dalkaasi oo ka
tiiraanyeysnaa geerida ku timid abwaankooda.
Haddii aanu nahay bahda Haatuf waxaanu tacsi u diraynaa guud ahaan dadka
Soomaalida, gaar ahaan qoyskii, qaraabadii iyo bahda Suugaanta iyo hal
abuurada ee uu ka baxay marxuumku, anagoo taariikhda marxuumka oo
faah-faahsan cadadyada soo socda idiinku soo gudbin doona, balse waxaynu
qadar ka soo qaadanaynaa suugaantii uu tiiriyey. Heestani, waxay ka mid
tahay heesaha tirda badan ee abwaanka caanka ah Ibrahin gadhle uu sameeyay
. Heestan waxa cod aad u macaan ku qaaddaJiray fanaankii weynaa Ilaahay
naxariistii janno ha ka waraabiyee Maxamad Mooge Liibaan.
Heestan waxay ku bilaabantaa sidan :
Maxaa dayr cad geel hallaaboo
Dib jiray uu cunay dugaagoo
Ninkii lahaa daydayaa
Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan
Adigoo degganaa abaar
Mar baa dirir kuu da'ayoo
Daruuruhu kuu curtaan oo
Xareed ku dabbaalataa
Ha dilin hana iga dagaalin
Diirkaa iigu yaallee ax!
Wadnaha damqashada ka daa
Afrikada Ilaahow ...
Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda
Ama aad abuurtay khalqiga, Aadan iyo Xaawo
Maalintuu Iblayskuna kufriyoo, diiday amarkaaga
Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa
Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday
Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay
Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo islaan leh
Axmadkii la doortiyo maxaa, nebiyo loo ooyay
Abuubakar Siddiiq iyo inuu, Caliba iil jiifo
Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere
Ifka ruuxa joogaa kol uun buu, ku istareexaaye
Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaha kale eh
Aasiyaba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge
Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarata
Waaggii iftiimaba kun baa, lanaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane
Eygaa ciyaayana hadduu, dhaamo inankeenna
Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?
Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne
Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye
Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Sheekh Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene
Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene
Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo
Axaddii bishii Maaris iyo, hore isniintiiba
Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu
Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheen e
Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la'aaneed e
Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye
Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule
Waa kuwii Aamaar iyo dugaag, oomman noo qubaye
Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye
Isticmaarku ooduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle
Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane
Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye
Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne
Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye
Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku
Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?
Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?
Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?
|