|
01/07/2006: Submitted for publication via web Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani
by Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk Haddii nalaga kaxeeyey Cadeeye, Max'd Farroole iyo Dhucdii aanay naga sii maqnaayeen ilaa shan iyo toban daqiiqo ayuu nagu soo noqday Daahir Xasan ( waa askarigii habeenkaa gaadhka haystay ), waxaanu Daahir dib u furay makhsinkii hore ee uu Dhucda ka saaray oo laba nin oo kale ku jiraan, waxaanu furitaankii raaciyey waar soo baxa oo gogoshiinana soo qaata. Ilka case oo ka mid ahaa labada nin ee qolka ku jiray una qaatay in iyagana la qaadayo ayaa Daahir oo qolkooda qol ka soo horjeeda hadana furaya ku jidhi " waar Daahir miyaan caawa waxba laga tagayn " Daahirna wuxuu ugu jawaabay " waar waxba laga tagimaayee soo baxa " waxaana is taagay dhamaan dadkii ku jiray labadaa makhsin. Qol sadexaad ayuu haddana Daahir furay, markaasaanu is nidhi wallaahi waa siduu sheegayaye inaan caawa waxba laga tagayn, wuxuuse labadii qol u kala qaybiyey labadii nin ee ku hadhsanaa qalkii uu Dhucda ka saaray kaasi oo la baneeyey. Waxaanu u qaadanay in dad dil ah oo cusub la keenay waxaanuna mudo sugaynay dadkaasi, hase yeeshee waxaa ilaa saacad ka dib nalagu soo celiyey sadexdii nin ee nalaga qaaday. Hoosta ayaanu ka faraxnay oo waxaanu is nidhi waar lama qaadine malaha cafiskoodii ayaa yimid oo loo soo sheegayey. Waxaa laysugu geeyey qolkii faaruqa ahaa, waxaase aanu dib uga shakinay markii Gamca yare uu qolka isaga iyo askarkale cabaar kula jireen intaana sil-siladu ay sanqadhaysay, markii askartii ka soo baxeena waxaanu weydiinay waxa dhacay.
Maxaabiista : waar cadeeye xagee laydin geeyey ee laydinka soo celiyey ?
Cadeeye: Xafiiskaa nala geeyey.
Maxaabiista : oo maxaa laydin ku yeedhay ?
Cadeeyey: Waxaa nalaga soo qorayey dar-daaran.
Maxaabiista: Dar-daaran maxaya.
( RABUL MACBUUD ) waxay ahayd kalmad uu had iyo jeer Cadeeye hal-hays u lahaa, wuxuuna ahaa saaxiibkii i baray arbaca turubka oo uu balaayo ku qabay, had iyo jeerna maalinta gaadhka uu leeyahay Xasan Cabdi waxaanu ka codsan jirnay inuu galinka hore Cadeeye qolkayaga keeno anagoo halkaa turubka ku wada ciyaari jirnay. Waxaanu ka dhaxallay laba tuduc oo gabay ah oo uu midna ku calaacali jiray marka cayaartu ku soo fadhi xuntahay midna uu ku hadaaqi jiray markuu gacanta sare leeyahay.
Waa ka hore e wuxuu ku calaacali jiray " todobaalihii bayga tegay, turubna waa dheeman" iyo ka danbe oo ahaa " Allaw gacanta hay goyn ninkii, Giib dilaan ahaye " . Wuxuu aha geesi calool adag waxaanu habeenka intiisii badnayd qaadayey hees uu leeyahay Cabdi Aadan Qays oo ka turjumaysay marxaladda nimankaasi ku sugnaayeen habeenkaa taasi oo ahayd :
Wakhtiyahaw lagdamayaa,
Habeenkaaga laaciyo,
Maalintaada luulkii,
Ninay kala lusheenoo,
Kala leexiyeenoo,
Leeleel qabaan ee,
Sida aan u liitiyo,
Laftaad iga wareentay,
Laba kala fog weeyee,
Lugooyada ma daysaa,
Mise ruuxa Laanglaa,
Sii liici mooyee,
Soo loodi maad odhan.
Shinbiryahay lalaysaa,
Adna laydha guudbaad,
Leexaysanaysaa,
Ragna laba diblaa tiir,
Xadhig loogu loodshoo,
Luguhuu ka xidhanyahay,
Sida aad u looshiyo,
liirtaanyadaan qabo,
Laba kala fogweeyee,
Lurta wali ma kulanteen,
Mise laaca ubaxiyo,
Mabaad dhaafin laamaa.
Inanyahay la moodaa,
Labigiyo madheedhkee,
Reerkoodu ladanyahay,
Nimaan loodh aduunyiyo,
Aan lahayn lo' iyo geel,
Hadduu laabta kaa rabo,
Ilayn lahashadiisiyo,
Halka aad ka lulataa,
Laba kala fogweeyee,
Maad garan si loo ladho,
Mise laba jirbaad tahay,
La garaada raaxada.
Ashahaada iyo tawxiidka Ilaahay kama madhnayn afkiisa, waxaanu dhawr goor ku yidhi Dhucda oo isagu ahaa nin maskaxda wax uga dhinaayeey aamusanna " Waar yaahe Dhucdow waan Inaadeer aroortaa layna toogatayaa ashahaado " isagoo Dhucduna ugu jawaabay " waar ashahaadu rasaasta inaga celin maysee waadigan heesayee caashaqa ha baayicin inoo qaad ".
Waar Cadeeye imisa caruura ayaad ifka kaga tagtay ? iyo waar Max'd wali ifkii kamaynaan tagine waxaad tidhaahdaa imisa caruura ayaad ifka kaga tagaysaa ayaa iyakuna ka mid ahaa hadallo waraysi ah oo dhex maray Cadeeye iyo Max'd Farroole oo dhagta igaga soo dhacay anoo sii jiifsanaaya.
Dhawr goor ayaan ku soo baraarugay Cadeeye oo sidii u heesaya, waxaanse ugu danbaytii la kulmay Dhucda oo aad moodo inuu miyirsaday.
Dhucda: Waaryaa Cadeeye, oo imika miyaa layna tooganayaa ?
Cadeeye: Haa markuu waagu baryaa layna tooganayaa.
Dhucda: Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ( isagoo markaa yar ooyaya ) , saacaddu haddii ay gaadhay lixdiina waxaa soo galay askar aad u faro badan kuwaasi oo qolkii ay ku jireen kala baxay Illaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee sadexdaa maxbuus.
Sideedii subaxnimaba waxaanu maqlaynay rasaastii lagu tooganaayey nimankaasi, waxoogaa ka dibna waxaa noo soo galay Ceelaabe oo ka mid ahaa askartii dilka wax ka soo fulisay oo dhoola cadaynaaya aanad moodo in dallacaad lagu siinayo dilka nimankaasi. Wuxuu noo sheegay in jeelka hortiisa lagu toogtay, waxaanu noo raaciyey in shagaashankii xabadood ee u qornaa Dhucdu uu ku dhiman waayay naftuna hore uga bixi weyday ilaa markii danbe uu taliyihii ciidanka watay uu baastooladdiisii dhafoorka kaga dhuftay.
Wuxuu ahaayeen habeen iyo maalin murugo leh, waxay maalimihii hore kaga duwanaayeey qofka waa nalaga qaadi jiray oo waxa lagu toogan jiray meeshii laga soo xukumay, hadda sharcigii ayaa la badalay oo waa la baqay oo waxaa la yidhi jeelka halagu hor toogto dadka. Bal suuree rag aroorta la tooganayo oo aad meelku wada jirtaan, bal qiyaas qof lagu yidhi aroorta ayaa lagu tooganayaa meel walbana sil-siladi kaga xidhantahay faqashna meel ugu jira Illaahay mooyaane cid kale oo uu filayaana jirn iyo ka isaguna dilkaa sugaya ee agtiisa ku xidhan.
Dilkii Iimaan.
Iimaan waxaa laga soo xidhay waqooyiga hoose ee magaalada Hargaysa, wuxuu ahaa nin faalka balo ku qaba, waxaana looga soo joogay dhawr jeer oo uu faaliyayba in wixii uu sheegay dhab noqdeen.
Caado ayuu u lahaa imuu maalintii laba sadex jeer faaliyo, waxaanu maalin maalmalha ka mid ah dhigay faalkaa, haddii uu ku celiyey oo uu yidhi markhaatigaana wuxuu noo sheegay inuu u soo baxay GARBO RAAR taasina ay tahay inay jeelka imanayaan niman madax ah oo darajo lihi, maalmo yar ka dibna waxaa jeelka madheera booqasho ku yimid taliyihii ciidamada asluubta ee soomaaliya Ismaaciil Ax'd Ismaaciil, waxaan kale oo uga soo joognay isagoo haddana maalin kale faaliyey oo sheegay in BAYAAD u soo baxay cidna ay waraaqahoodii siidayntu ay iman doonaan, waxaana maalmo dabadeed la sii daayey idho deero iyo koofiyad dheero oo labadaba Xamar loo qaaday. sidii Iimaan caadada u ahayd ayuu saaka oo Salaasa ah la kala baxay tusbaxiisii, haddii uu waraaqo yar-yar dhulka dhigay oo uu isku min guuriyeyna waxaa saaka u soo baxay wax wixii hore ka duwan waa XIMRE, ( ximruhu wuxuu sheegaa dhiig ) kor intuu u booday ayuu haddana deg-deg u fadhiistay markaasuu ku celiyey isagoo leh " markhaatigaa " waa XIMRE iyo waliba isaga oo uu fadhiistay ka dibta intuu kor u booday ayuu ku yidhi Shabeel iyo rag kale oo qolka kula jiray berri ayaa lay qaadayaa. Walaw looga soo joogay labadaa jeerba wixii uu sheegay kalsoonina lagu qabo waxaa uu sheegay inuu run yahay, haddana mar haddii wax la qaadi doonaba mooyi ciday noqone wax la sugaba waxay runi runteed timi markii maalintii maalintaa ku xigtay oo ahayd Arbacadaydii la yidhi:
Mee Iimaan.
Iimaan: way kan.
Askartii: Dharka cad gasho.
Iimaan: Waayahay.
Waxaan halkaa ku soo gaba-gabaynayaa sheekadii jabintii jeelka Madheera, anigoo imika ku talo jira inaan sheekadaa oo dhamays tiran buug ka qoro sida ay dad badani iga codsadeen, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inaan buuggaa sida ugu dhakhsaha badab u soo saaro.
Waxaan jecelahay in dhamaanba intii dhimatay ee aan dilkooda ka soo sheekeeyey oo gacan ka xaq darani dishay aynu Ilaahay u barino inuu janooyinkiisa ka waraabiyo oo aynu faataxada u marno.
Waxaan halkan ugu mahadcelinayaa dadkii faraha badnaa ee E-mail-ka ii soo diray anigoo jecel inaan kuwii ugu horeeyey halkan ku xuso, waxaanan dhamaantood leeyahay waad ku mahadsantihiin akhriska aad sheekadaa akhrisateen iyo waliba xiisaha aad u haysaan in la qoro dhibtii wadanka ka dhacday iyo halgankii la soo galayba waxaana idiin balan qaadayaa inaan qaybtayda gudan doono haddii Eebaha awooda lihi nafta waayo ii daayo.
Waxaan u mahad naqayaa:
1- Qarannews.
2- Saciid Ax'd Max'ud ( Hargaysa)
Ardayda reer Somaliland ee Hindia wax ku barata oo kala ah
3- Max'd Xaaji Muuse ( degree)
4- Ayaanle Ciise Obsiiye (degree)
5-Sakariye Cumar Bakaal (degree)
6-Max'd Xasan Cali (digree)
7-Ax'd Xasan Xaaji (MCA)
8-Daahir ismaaciil (MBA)
9- Ibraahim Sheekh C/wahab ( Doctor of medicine )
10- Max'd Xaashi Meecaad ( Degree)
11- C/wahaab Ibraahim Askar ( Degree)
12- Ducaale C/laahi Taani ( degree)
13- Somaliland org.com
14-Rashiid Aadan cabdillaahi
15- Cabdi MAx'd 2001.
16- Yusuf Max'd Ciise.
19- Cali guuleed (Cali marshal).
20- Deeqa Seeraar.
21- Saciid Aadan ( Toronto).
22- Max'd Wadaad yare ( Canada ).
23- Bahda Mareegta Farshaxan.
24- Jamuuriya webmaster.
25- Cabdi Jaamac.
26- A. Sellin Guray.
27- Ismaaciil Faarax (Canada).
28- Max'd Yusuf.
29- Max'ud Xaaji Muuse.
30- Saciid Max'd
31- Mustafe sheekh Xasan Cabdalle ( Egypt ).
32- Mustafe Yuusuf.
33- Max'd Aadan ( Qarandoon ).
34- Max'd Cabdi Xasan Diri-dhaba ( Hargaysa ).
35- Fu'aad Ax'd Ismaaciil.
36- Sayid Max'd yuusuf (sweden).
37- Mustafe Xaaji Cumar (Canada).
38- Nuuradiin Max'd Ax'd.
39- Max'ud Ismaaciil Yuusuf (Bristol).
40- O. H. Ashuur.
41- Max'd Xasan Jaamac (Raambo)
42- Maxd Raabi.
43- Somaliland centre.
Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin
Abdirisaqa Alpho.
Bristol, UK.
|