|
28/01/2008: Submitted for publication via web Qudbigii Suugaanta – Gabay
by Bashiir Good Tixdan oo aan ka tiriyey geeridii Abwaan Xasan Sheekh
Muumin waxay taataabanaysaa kaalintii suugaaneed ee uu abwaanku kaga
jiray halabuurka Soomaaliyeed. Xasan wuxu ahaa tiirarka ugu waaweyn ee
riwaayadyahanka Soomaaliyeed, isaga oo si gaara ugu tilmaanaa doorka uu
ka qaato wacyigelinta, gaar ahaan dhiirri gelinta tacliinta iyo naqdiga
aafooyinka bulshada. Wuxu ahaa nin afka ku xarragooda oo sarbeebtiisu
xambaarsan tahay falsafad gundheer oo uu si farshaxanimo leh uu uga soo
mullaaxdo suugaanta hiddaha iyo dhaqanka. Xasan wuxu ku geeriyooday
magaalada Oslo, Norway, 16 January 2008, waxana lagu aasay magaalada
Boorama, Somaliland, 26 January 2008.
Qudbigii suugaanta
Duniyeey qadaraleey
Qabar xumi ma oolee
Maantana qab baa dhacay
Qaylaa habeen timid
Ababshihii qoraalkiyo
Qodinkii aqoontiyo
Qudbigii suugaantiyo
Gorod baa la qaadoo
Qaddarkii haleeloo
Qalinkiisi joogsaday
Qorraxduu ahaa iyo
Qaxootiga madaw iyo
Qorfuhuu ku lee’daa
Qalbigay maroorshoo
Hiygaan ka qawdhamay
Allaylehe qod baa dhacay
Qaran baa habeensaday
Afka qiimihiisiyo
Suugaantu qurux iyo
Waxay qara lahayd iyo
Qudbigeedii baa tegey
Qalinkiyo tawaadii
Quudinaayey baa lumay
Af Soomali qurux badan
Oo qaayo loo dhilay
Far xariira lagu qoray
Qudbigii hadduu tegay
Ayaa soo qormaynoo
Sidii qayli darartiyo
Qaabil caanaheedii
Waayeel qulbaayiyo
Qudhqudhsiin dhallaankii
Murtideena qaniga ah
Sheekooyin qaydhiin
Sida aale qadaw iyo
Qooqaani roobi iyo
Qodaalkii dhulkeenii
Ku quwaystay oo baxay
Yaa qaniini oo jabin
Oo quud macaan iyo
Qumbo malab ka fuuqsani
Quruumaha wixii dhacay
Ilaa qaafo soo jiray
Taariikhda qaabka ah
Qasnadeeda yaa furi
Oo luul ka soo qubi
Ayaa dheeman qaaliyaa
Kolba meel ka soo qodi
Kuul qubatay caynkeed
Qawyada habeenkii
Kolba qaar ka soo heli
Ayaa qaaxo iyo cudur
Huuryo iyo qaniiniyo
Xumihii qarsoonee
Nin dantii quminayaa
Ku qadhaabanaayiyo
Wixii qooma aadmiga
Ee qabkiisa dhaawaca
Ayaa qeexi oo dhili
Oo sarbeeb ku kala qali
Yaa jacayl ku qaydaran
Buuraha qarkoodiyo
Qod laalay ku yaaliyo
Hulo qaabo-qawsayn
Dabayluhu qulqulayaan
Tixa loo qiyaasiyo
Qormo macallin weyn iyo
Liishaan ku soo qaban
Sida kuul qardhaasa leh
Qalanjooyin loo bogay
qoortooda soo sudhi
Qalbigooga soo luli
Inta uu Qurbaankiyo
Quraan ruuggu ducadiyo
Qaadkiyo lubaankiyo
Meerinaayo quulada
Inaguna qushuuc iyo
Hawraar u qalantiyo
Gaby qiimo weyn iyo
Aan qasiido goynoo
Dikri aan u qaadnee
Qummanow saciidiyo
Xaddiyo qalweeyoo
Beylow qaraamida
Soo qabo halkeedoo
Qalabkuu jecelaa iyo
Kamankii ha quustoo
Muusigu ha qululoo
Qaaliyada dhulkeeniyoo
Oslo qoorigeediyo
Qoomka soo koraayiyo
Qaaradaha ha gaadhoo
Codkii qaaligiiyuu
Qururxdiisa joojuu
Qajeel soo gardaadshiyo
Hibo ha ugu qaadee
Mawliidow qormeeyoo
Xadhig bilan ka qaadoo
Qabnadii warkiisiyo
Sheekadiisa qubanta
Xertii gaacidaydaay
Kaalayoo ila qalindara.
- Bashir Goth, 23 Jan. 2008.
- Email: bsogoth@yahoo.com
Fiiro Gaara: Halabuuurka iyo fanaaniinta aan magacdooda tixda ku xusay
waa dad saaxiibaday ah oo aan murti-wadaag hore lahayn iyo qaar jacaylka
suugaanta iyo fanku na kulmiyey. Waxaanay kala yihiin:
1- Siciid Cabdillaahi Iimaan, waa Abwaan ku nool dalka Imaaraadka
Carabta horena aan uga wada qayb galay silsiladdii Xaamiim.
2- Daahir Maxamuud Xaddi, waa Abwaan ku nool Somaliland ahna
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal, horena aan uga wada qayb galay
silsiladdii Xaamiim.
3- Dr. Cabdiraxmaan Bayle, waa nin aan jeclayn in lagu tilmaamo Abwaan
laakiin suugaanta curiya, ururiya oo jecel, waana dhaqaale yahan ka
shaqeeya Bangiga Afrika, dhawaana wuxu tiriyey heesta Qaylo Dhaan ee uu
u tiriyey tiiraanyada Calanka Soomaaliyeed haysata.
4- Axmed Xasan Caynaan (Mawliid), waa fanaan ku xeel dheer tumista
kamanka, waana ninka uu Xudaydi yidhi waxan ku wareejay dhaxalkii
kamanka, wuxuna ku nool yahay Imaaraadka Carabta.
5- Hibo Maxamed Guddoon (Hibo Nuura), waa fanaanada caanka ee ku soo
baxday riwaayaddii Shabeel Naagood ee Xasan Sheekh Muumin sameeyey. Hibo
iyada ayaa qaaday heesaha ugu badan ee Xasan tiriyey, waxaanay ku soo
kortay guriga Abwaanka yaraanteedii.
|
1. |
15/05/2012 | Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee |
2. |
11/05/2012 | Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative |
3. |
20/09/2009 | SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents |
4. |
20/09/2009 | SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other |
5. |
20/09/2009 | SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening |
6. |
20/09/2009 | SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’ |
7. |
20/09/2009 | SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies |
8. |
20/09/2009 | SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship |
9. |
20/09/2009 | SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent |
10. |
20/09/2009 | SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry |
11. |
20/09/2009 | SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival |
12. |
03/08/2009 | Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com |
13. |
23/07/2009 | Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009 |
14. |
23/07/2009 | Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009 |
15. |
23/07/2009 | Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009 |
16. |
23/07/2009 | Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009 |
17. |
19/07/2009 | Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009 |
18. |
19/07/2009 | Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009 |
19. |
21/02/2009 | Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar |
20. |
12/11/2008 | "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale |
21. |
11/11/2008 | "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale |
22. |
10/11/2008 | "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale |
23. |
30/05/2008 | Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir |
24. |
16/05/2008 | HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur |
25. |
22/02/2008 | Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan |
26. |
22/02/2008 | Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan |
27. |
22/02/2008 | LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha |
28. |
20/02/2008 | QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha |
29. |
18/02/2008 | LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha |
30. |
17/02/2008 | Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha |
31. |
11/02/2008 | Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse |
32. |
25/11/2007 | Hal-Abuur magazine relaunched - redsea |
33. |
11/11/2007 | Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali |
34. |
11/11/2007 | A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali |
35. |
29/06/2007 | Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse) |
36. |
26/06/2007 | Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com |
37. |
26/06/2007 | Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse) |
38. |
23/10/2006 | Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan) |
39. |
13/08/2006 | Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org |
40. |
12/08/2006 | Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland |
41. |
02/08/2006 | Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey" |
42. |
26/07/2006 | Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan |
43. |
17/07/2006 | Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press |
44. |
01/07/2006 | Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey" |
45. |
01/07/2006 | Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk |
46. |
30/06/2006 | Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey" |
47. |
10/06/2006 | Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha) |
48. |
08/06/2006 | 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin |
49. |
5/6/2006 | 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin |
50. |
26/03/2006 | OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE |
51. |
23/03/2006 | Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org |
52. |
20/03/2006 | NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE |
53. |
14/03/2006 | School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring |
54. |
27/02/2006 | GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan |
55. |
20/02/2006 | Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland |
56. |
19/02/2006 | GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige |
57. |
18/02/2006 | XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale |
58. |
09/02/2006 | XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale |
59. |
08/02/2006 | Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com |
60. |
08/02/2006 | XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale |
61. |
06/02/2006 | XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale |
62. |
04/02/2006 | GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey" |
63. |
04/02/2006 | XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale |
64. |
01/02/2006 | Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida - haatuf.net |
65. |
31/01/2006 | Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL |
66. |
30/01/2006 | Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL |
67. |
20/01/2006 | Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash (somalistartpage.com) |
68. |
25/01/2006 | Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006) |
69. |
18/01/2006 | Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE |
70. |
31/10/2005 | Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed |
71. |
31/10/2005 | Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed |
72. |
11/10/2005 | Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea |
73. |
10/09/2005 | MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan |
74. |
07/09/2005 | From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com) |
75. |
03/09/2005 | Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi |
76. |
28/08/2005 | AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh |
77. |
28/08/2005 | Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” |
78. |
28/08/2005 | Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan |
79. |
14/05/2005 | "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor |
80. |
28/02/2005 | "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale |
81. |
18/02/2005 | Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman |
82. |
18/02/2005 | Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum |
83. |
15/02/2005 | Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani |
84. |
17/02/2005 | Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan |
85. |
03/01/2005 | Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA |
86. |
06/03/2004 | Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004 |
87. |
04/03/2004 | Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden |
88. |
28/02/2004 | 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info |
89. |
27/02/2004 | 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004 |
90. |
25/02/2004 | «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004 |
91. |
12/02/2004 | Bandhig Buug: Jamhuuriya |
92. |
23/12/2003 | “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino |
93. |
16/08/2003 | The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow. |
94. |
20/06/2003 | Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama |
95. |
29/05/2003 | Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas |
96. |
24/03/2003 | A new section dedicated to the Somali Books |
97. |
21/01/2003 | "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay |
98. |
20/01/2003 | Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio |
99. |
4/12/2002 | "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay |
100. |
3/12/2002 | Layli Goobalay on Italian National Radio |